Gefka taariikheed  iyo guriga madaxtooyada: Xafladdii 26-ka June (WQ: Fu’aad Sheekh Abubakar)

 

Goorsheegta  qaarada Ameerika ee gobolada dhexe ayaa ku beegan 4:16 galabnimo, waxaa dalka Soomaaliland magaalo madaxdiisa Hargeysa siiba  guriga madaxtooyada ku soo gabagaboobey barnaamij ka socday. Waxa barnaamijkaa lagu xusayey  56 guurada ka soo wareegtay maalintii  hanashada calanka dalka Soomaaliland ee loo boqno-gooyey  midawgii shantii  Soomaaliyeed.

Xafladaa aad baa loo bilay, Rabadaan bay aheyd oo  dadku muuqaal ahaan way  nuurayeen,  kana reebanaaayeen  isdhex-galka   marwooyinka iyo mudanayaasha . Xafladaa waxaa daadihinayey  wariyaha caanka ah ee Yoonis Cali Nuur oo dhawr jeer ku celceliyey mahadnaqa  Ilaahay. In badan oo saaxiibadiisii dhinaca shaqada ahaa markey   shaqo fadhiisin  galeen may hellin meel ay ku noqdaan oo  hoy u ah, waxaaney ku  sugan yihiin qurbo iyo nolol qaxootinimo. Hase  yeeshee isagu wuu helay   inuu dhulkiisii hooyo oo nabad ah, xor ah , horumar badani ka muuqdo  uu dhex mushaaxo.

Gef taariikheed Farshaxan

Yoonis oo daadhinta  barnaamijka ku  guda jira  ayaa ku soo dhaweeyey  Abwaan  Yuusuf Cismaan Cabdile “Shaacir”.  Yoonis wuxuu ugu soo dhaweeyey abwaanku inuu maanso tiriyo, hase yeeshee abwaan  Yuusuf wuxuu ka door biday inuu  dul ka xaadis ku sameeyo taarikhdii bulshada reer Soomaaliland ee lixdankii ka hor.  Talo waxay isku yaacdey  markuu  dhex  fadhiistay. Dadaal badan oo lagu yaqaan Yuusuf siiba ururinta taariikhda dhinaca suugaanta  ayaa looga bartey. Waanu ku mahadsan  yahay. Ujeedada qoraalkanina waa sixida taariikhdaa uu qaldey.

“ 1948 waxaa dalka Soomaliland yimid Karal “ ayuu yidhi Yuusuf. Waan yaabey oo waxaan is idhi malaha magaca ayuu khaldey ee uma jeedo Karal. Hase yeeshee wuxuu sii wadey inuu  sii faahfaahiyo  ninkan, waxaanu yidhi: “ Karal waa ninkii calanka Ingiriiska gacanta laga saarey ee markii uu Saqadhi Dubad  soo dajiyey  u gudbiyey” .  Waxaan indhaha  la raacey kamaradii oo dadka ku tusaysay. Waxaan arkayey  marwo Edna, Marwo  Aamina Xaaji Maxamed Jirde, mudane Xaaji Cismaan,  M/Weyne Axmed Maxamed,  mudane Saleebaan, iyo dad kaloo aad u garanaya gefkan meesha ka dhacey. Indhahooga lagama dareemeyn diidmo.   Mar kale ayuu  Yuusuf Shaacir   faahfaahintii sii wadey , yidhina:”  Karal   wuxuu ka yimid oo laga soo badaley  dalka Kiiniya”…… Waxaanu kuladhey maansadii uu Cabdilaahi Qarshe(IHUN) uu socdaalka ka tiriyey:

Ka kacaay   ka kacaay

Kama kama yimidee

Ka ka kacaay

Markii uu maansadaa tiriyey waxaan is lahaa wuu  isa saxi oo maansada ayaa  sheegaysa ninka yimid  1948kii dalka Soomaaliland.Hase yeeshee kaalmo    umay noqon.  Waxaan is lahaa ugu danbeyn Yoonis Cali Nuur  ayaa  si qurux badan u odhan :” Abwaanka labada magac ayaa iskaga khaldamayee , waa laba nin oo kala duwan dhaqana isku laheyn”.  Taasi may dhicin  waxaa ka danbeeyey Mudane Cismaan  Indhoole oo  labada ninba la shaqeeyey ayaa cod baahiyii qaatey, may dhicin inuu  arinkaa saxo.. Waa gef taariikheed oo dhalinta  loo gudbinayo in la saxana u baahan. Yuusuf wuu dadaaley, waana bani aadam  umana malaynayo inuu  santaag ku kalifi lahaa  inaanu qaadan khaladkiisa.

Waxay tani i soo xasuusisay  mudane  Shacbaan Maxamed oo ahaa gudoomiyaha degmada Gabiley, iminkana ah wasiirka warshadaha  ayaa cod baahiyaha ku soo dhaweynayey Axmed Ismaaciil Samater . Waxaanu yidhi “ Axmed ISmaaciil Samater waa qofkii ugu horeeyey ee dugsi laga qoro Gabiley, nambarkiisuna wuxuu ahaa  no.1”  waliba intaa kumuu dhaafinee isagoo sii faahfaahinaya ayuu ku darey :’ Waliba faras ayaa ilaa Kalabeydh lagaga soo galibiyey”… Waxaa  goobtaa goobjoog ka ahaa mudane    Daa’uud Kheyre oo ka mid ahaa ardeydii ugu horeysay ee  laga qoray magaalada Gabiley. Waxaa sidoo kale ardeydaa ka  mid ahaa  Camaje,  Nuur Sheekh,  Aakhiro Sabaan,  Maxamed Jaamac Qaline,  Daahir Gabiley , Yuusuf Cabdi  Ibraahim, iwm ..(Ilaahay ha u naxariisto inta dhimatey, inta noolna cimri dherer iyo caafimaad qab) , Axmed ISmaaciilna kamuu mid aheyn ardeydaa.

Ayaandaro waxay ka dhacdey  Daa’uud kheyre  gefkaa muu sixin,Axmed Ismaaciil Samaterna muu odhan sidaa dhacdadu may aheyn ee  gef taariikhda galey oo sixid u baahnaa iga dheh.. Si gefefkaasi aaney dhalinta danbe ee qalinka u heelani u qorin aynu   ka warano sida xaqiiqadu tahay:

          KAMA-KAMA iyo KARAL  waa kuwama:

Labada nin waxay u shaqeynayeen Maxmiyadii Ingiriiska oo ay u joogeen  Somaliland British  Protectorate(Iminkana ah  dalka Jamhuuriyada Soomaaliland ).  Waxaaney kala ahaayeen  Gerald Reece oo badhasaab ahaa iyo  P. Carrel oo xilal  kala duwan soo qabtey kuna bilaabey  gudoomiyaha shaqaalaha.

Kama-kama  waa naaneystii ay dadka reer Soomaaliland u bixiyeen .Wuxuu ahaa magaciisa  oo buuxi Gerald  Thomas Reece . Wuxuu dhashey bishii  Janaayo 10dii, 1897kii, geeriyoodayna bishii Oktoober 14dii, 1985kii.  Xaaskiisuna waxay aheyd  Lady Alyse Reece oo nooleyd mudadii u dhaxeysay  bishii  Maarso  13dii, 1912kii ilaa ay geeridu ka haleeshay  bishii  Janaayo 18dii, 1995kii.Waxaaney   noloshooda intii u danbeysay ee shaqo ka fadhiisigiisii  ku dhameysteen  magaalada  East Lothian  ee wadankiisii  Scotland.Wuxuu dhisay dugsiga hoose/ dhexe ee Riis oo ku yaala  Xaafada New Hargeysa looguna magac darey.

Wuxuu ka hawlgaley dagaaladii   Dalalka Faraans iyo Beljam ee gu’gii 1915kii.Wuxuu  takhasus ku qaatey aqoonta garyaqaanimada, kagana  shaqeeyey gu’yaashii u dhaxeeyey 1921-1925kii magaalada Londhon, hase yeeshe wuxuu xiiso dheerada u qabey ka shaqeynta   dalalkaa ku hoos jiray  gacanta  Ingiriiska.Waxaanu ku biiray  maamulkii Ingiriiska ee joogay dalka Kiiniya siiba  NFD  gu’gii 1925kii. Waxaa gudoomiye degmo (Distric commissioner)  looga dhigay degmada Mooyaale gu’gii 1932kii.

Wuxuu  markii danbe  ka noqdey badhasaab  NFD , sidaa darteed aqoon buuxda ayey  u lahaayeen dadyowga  Soomaaliyeed ee halkaa deganaa. Waxaa halkaa dadka deganaa ka mid ahaa Cabdilaahi Qarshe(IHUN).  Bishii  Noofember 1948kii ayaa  Gerald Reece loo soo badaley British Somaliland Protectorate , Halka uu badaley Gerlad  Thomas Fisher   oo xilkiisu dhamaadey bishii Noofenber 15, 1948kii hayeyna xilkaa ilaa  3  Maarso 1943kii.

Waxaa isla gu’gaa 1948kii yimid dalka Soomaaliland Cabdilaahi Qarshe  oo aqoon u lahaa Gerald Reece. Waxaanu tiriyey maansada Ka  kacaay:

Ka kacaay kacaay              Ka kacaay Kacaay

Kama Kama yimidee         K a kacaay  kacaay

Ka kacaay kacaay        Ka kacaay Kacaay

Kiiniyuu gubayee       K a kacaay  kacaay

Ka kacaay kacaay       Ka kacaay Kacaay

Kilaab afaraa               inoo kulantee

Illaaha ka weyn           Ayaa kicin

Dadka reer Soomaalialnd aad ayey u soo dhaweeyeen aragtihiisii, waaney u riyaaqeen.Wuxuu hirgaliyey in  dugsiguii ugu hreeyey ee farsamo la sameeyo.Wuxuu hirgaliyey  inuu sameeyo Chief Caaqil si caaqilada isku batey nidaam loogu sameeyo.Wuxuu la yimid aragtida ah in goomiyayaasha degmooyinku xafiisyada ka baxaan oo dadka dhex galaan si ay uga war hayaan xaalka bulshada ay maamulayaan.

 

Waxaa ka danbeeyey oo xilkaa  badhasaabnimada  kala wareegay Thoedore  Ousley Pike

isna xilkaa ku magacawnaa   bishii Febraayo 1954kii  ilaa  Luulyo 1959kii. Dadka reer Soomaliland-na waxay ku naaneysi jireen Laba Sacle.Halkaa uu markaa isaga ka dib xilka la wareegay badhasaab  Douglas Hall oo xilkaa ku magacawnaa ilaa  Luulyo 1, 1960 , hase yeeshee ka baxey dalka ka hor xornimadii Juun 26, 1960.

Theodore Pike wuxuu galey shaqo fadhiisin (retirement) bishii  Juun 1959kii, hase yeeshee Douglas  Hall oo badali lahaa ayaa yimid dalkii Soomaaliland bishii July 13, 1959kii oo uu la wareegay xilkii… Waxaa xilka xoghayaha guud  hayey muddo badan ee  Mr. J.R. Stebbing  . Hase yeeshee  Theodore Pike ayaa   magacaabey xoghayaha  guud  inuu noqdo   P. Carrell  bishii January 1959kii.

Goihii la tashiga ee uu  hanaqaadey  gudoomiye Gerlad Fisher ayaa hirgalay  xilligii  Gudoomiye Gerald Reece -Kama-kama. Golahani wada tashigu wuxuu suurtogaliyey in ay timaado dooda ah sida loo samaynayo golaha  xeer-dajinta  oo ay reer Soomaaliland u yaqaaneen Majlisu tashriicii ( oo ah af-carabi), ingiriisina ku noqonaysa (Legislative Council). –Lejisleetif Kawnsil)

Karal ( P Carrell)  wuxuu haystay shaqaalaha. Hase yeeshee bishii May 1957kii ayaa la hirgaliyey  in la sameeyo golihii  xeer dajinta oo ka koobnaa 15 xubnood oo 9 xubnood ahaayeen maamulkii Ingiriiska , halka 6da kale ahaayeen dadkii u dhashey  Soomaaliland. Xubnahan ayuu ka mid ahaa P Carrel oo  markii hore ahaa madax shaqaalaha, hase yeeshee xilligan loo  dalacsiiyey   inuu arimaha Soomaalida maamulo ( Somali Affairs Commiisioner) ee Somaliland, Hawd , iyo Reserve Area.

Sidoo kale ayaa  mar kale loo dalacsiiyey inuu noqdo  OBE  (Order of British Empire). Waxay aheyd darajo la siin jiray  sarkaalka xilkiisa ka soo baxa  ku aadan u adeegista maamulka Ingiriiska   ee ugu wanaagsan ( Most Excellent).

Wuxuu ahaa nin  dhaqan xun, aad ugu ad-adag dadka reer Soomaaliland. Had iyo jeer isdiidmo joogto ahi   ka dhex dhici jirtay   isaga iyo dadka reer Soomaaliland.  Marki ay soo dhawaatey  xornimo qaadashadii ee aheyd in la dajiyo calanka Ingiriiska ayuu  Douglas Hall oo ahaa badhasaabkii  ka huleelay.Dhaqanka Ingiriiska  waxaa u caado ah inaan qof madax  ahi meel calanka Ingiriiska  la dajinayo  joogin ee  nin  caadiyi joogo . Sidaa darted ayaa lo xushay  Carrel inuu noqdo ka calankaa Ingiriiska  soo qaada marka la dajajio. Waa halka  uu Saqadhi Dubad ugu dhiibay calanka Ingiriiska markii la dajiyey.

Maansooyink badan ayaa lagu soo hal-qabsadey iyadoo la tilmaamayo maamul xumo, kibir, santaag,  iwm. Waa kii  Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye”Qaasim” oo ka waramyey dawladii rayidka aheyd ee badashey  Ingiriiskii iyo Talyaanigii  lahaa:

Dambi ku hadli maayee ma arag dawladaan rabayee,

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee,

Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee,

Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal’e

Meeshaan dad aan ururshiyo darar ka eegaynay,

Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacaro miyaan leefay,

Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay,

Sidii aan dayaysnahay miyaan dawga ka habaabay,

Waxba hadalku yuu ila durkinee waxaan kusoo duubay,

mar uunbuu daf soo odhan nafsigii diinku soo jiidayee,

mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiyee,

 

Markii dhawr qof iskaga danbeeyeen madashii ee ay hadalo ka soo jeediyeen ayaa Yoonis Cali Nuur sheegay in TV-ga qaranka iyo Raadyow Hargeysa soo diyaariyeen barnaamij kooban oo taariikhda  Soomaaliland wax ka tilmaamaya. Waxaa barnaamijkaa soo saare ka ahaa Xuseen Cabdilaahi Deeqsi  . Waan soo dhaweeyey  waayo  Xuseen Deeqsi waa mid ka mid ah weriyayaashii hore,in badana ku soo jiray shaqada saxaafada, fiiro gaar ahna u yeelan doona  ka run sheegida arimaha taariikhda. Barnaamijkii oo  sidii  la filayey aan  laheyn  xidhiidhin taariikheed ee bood-bood badan ka muuqdey   ayaa u booday geeridii Cabdirashiid Cali Sharmaarke.  Wxuu yidhi “ Waxaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke la dilay  bishii Oktoobeer 20dii, 1969kii”.

Waxaan is idhi malaha   maalinta ayuu khaldey ee  sii dhageyso si uu u saxo. Waabu sii wadey   oo ku sii ladhey :“Maalin ka dib ayuu  dhacey inqilaabkii  uu hogaaminayey kacaanku “.

Qaladkaana lama sixin ee sidii  dhago la’aaneed ayaa lagu dhageystay.  Hadda waa barnaamij dhan oo la soo diyaariyey, la soo ahbeeyey,laga soo shaqeeyey, kharash ku baxey, waqti badani ku lumay sidii loo soo saari lahaa.

Si kooban Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa magaalada Laas-caanood lagu toogtay bishii Oktoober 15dii, 1969kii,  inqilaabkuna wuxuu dhacey  bishaa Oktoober 21dii, isla gu;gaa 1969kii. Waad garankartaa inta  maalmood ee u dhaxeysay  akhriste………..

Ujeedada qoraalkani waa in  taariikda bulshada reer Soomaaliland la  qoro, la ilaaliyo, loo heelanaado in mar walba laga ilaaliyo il-duufka iyo caadifada. Waa in sidoo kale  lagu kaydiyo qoraal , waana  hawlaha ay mareegaha Farshaxan u banbaxeen, waqti badan iyo kharashba u hureen iyagoon ku doonayn abaal ee u arka inay tahay xil saaran qofka kasta oo bulshada reer Soomaaliland iyo dalka Soomaaliland daneeya, guushoodana u heelan.

Waxaan idinku dhaafayaa  weedhii u  yidhi P. Carrel (Karal) markii calanka Ingiriiska oo duubduuban gacanta laga galiyey, calankii kalena la saarey :

“You gained your freedom but you strangely decided to build your government on a bottomless pit”  oo u  dhigmaysa afcelin ahaan :   Waad hesheen  xornimadiinii, laakiin waxaa yaableh inaad xukuumadiinii ku dul dhisteen  god aan gun  laheyn .

Waxaa mahad leh Illaaha godkaa aan gunta laheyn  ka soo saarey Soomaaliland, ee bulshada reer Soomaaliland mar labaad gacanta u soo galiyey Maandeeq… Barbarkey ka baxdaa waa bakeyle qaleen……..

Soomaaliland guul  iyo barwaaqo

Fu,aad Sheekh

Bahda Mareegaha Farshaxan

www.farshaxan.com   iyo  www.farshaxan.org

 

Xusuusin:  

Faahfaahin dheeraada ka raadso barnaamijyada  “ Dharaarihii Tilmaanaa” eee ay  muddaba wadeen bahda mareegaha Farshaxan……….

Tixraac:

-Wareysi   Xaaji Cismaan  Axmed

Bahda Mareegta Farshaxan

-Wareysi   Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Bahda Mareegta Farshaxan

-Wareysi  Axmed Yuusuf Ducaale

Bahda Mareegta Farshaxan

– A Modern  History  of the Somali Nation by  I.M.Lewis

-Heelloy: Modern Poetry and Songs of the Somali

By John William Johnson  ( Joh Heello)

– Politics, Language, and Thought: The Somali Experience

By David D. Laitin