Laascaanood oo bandoo lagu soo rogay, kadib markii laba qof lagu dilay duleedkeeda

Waxa maanta duleedka Laascaanood lagu dilay laba qof kadib markii maalmihii u dambeeyey ay dirir sokeeye ku dhex martay laba beelood deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sool iyo Maayir Laascaanood ayaa waxa shaaciyeen in magaalada lagu soo rogay bandoo kadib markii shaqaadadaasi ku soo fiday magaalada.

Bandoodan ayaa saamayn weyn ku yeelatay isusocodka gaadiid, xarumaga ganacsiga iyo weliba guud ahaan dhaqdhaqaaqa shacabka.

Dagaalka labada Beelood ayaa waxa ku dhintay intii uu socday dad gaadhaya 46 ruux tiro intaasi ka badani way ku dhaawacantay.

Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamo tiro badan gaystay deegaamada ay beelahani ku dagaalamayaan laakiin waxa adag qaabkii loo xakamayan lahaa dagaalka maadaama oo deegaamada lagu dagaalamayo ay yihiin kuwa miyi oo kaymo jiq ah ku yaalaan.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warrancadde ayaa shalay amar ku bixiyay in la soo xidho inta badan Odayaasha labada Beelood si nabadda loogu khasbo.

bandhige@gmail.com