Gelbiskii Geerida, Q.8aad (WQ: Cabdiqaadir Dayib Askar)

Abshir in uu la qabsado jewigii cusbaa ee Boosaaso ma ay ahayn mid sahlan. Waxa ka hortimid dabeecaddii cimiladda iyo af-soomaaliga oo aanu si fiican ugu xidhiidhi karin.

Aabo Shire wuxu noqday ganacsade si weyn looga tix-geliyo Boosaaso. Wuxu lahaa shirkad kalluunka ka ganacsata oo xafiisyo ku leh Boosaaso, Garoowe iyo Laas-qoray. Ganacsigaas oo si weyn uu ugu macaashay, hanti badan ka helay.

Inta badan Aabo Shire mashquul buu ahaa. Maamulka shirkadda oo keli uu ku ahaa iyo baaxada ganacsigiisa oo balaadhan baan u saamixi jirin in uu waqti badan la qaato qoyskiisa degan Boosaaso. Bal se waqtiga kooban ee joogo wuxu waraysi la yeelan jiray Abshir oo warbixinta noloshiisu xiise gaar ah u lahayd.

Durba waxa isla jaanqaaday Abshir iyo Cumar-yare. Cumar waa wiilka ugu weyn bahda yar-yar ee Aabo Shire. Wuxu ahaa wiil barashada diinta u heellan, si fiicanna u kala yaqaanay goobaha lagu barto ee Magaaladda Boosaaso. Wiil ku barbaaray dhaqan-jacayl taas oo badanka noloshiisu ku binaysnayd.

Boosaaso waa magaalo-xeebeed ay ku nool yihiin dhallinyaro reer magaal ah oo ku xidhan barraha bulshadu ku wada xidhiidho. Lebiskooda, luuqadooda iyo dhaqankoodaba waxa si weyn saamayn ugu leh dadka qurbaha ku nool. Cumar waxa yaab ku ahayd in walaalkii Abshir uu ka dhaqan iyo muuqaalba duwanaa dhallinyaradii qurbaha ka soo laaban jirtay. Abshir wuxu si joogto ah ugu lebisan jiray khamiis cad iyo kabo sandal ah.

Cumar-yare aad buu u jeclaa dhaqanka Abshir ee aamusnaanta badan. Waayo waxa uu ka dhadhansayey kalgacal iyo hammuun uu u qabay barashada diinta Islaamka. Taas oo ku dhiirigelisay Cumar, in uu Abshir isku raacaan xalqadaha diiniga ah iyo weliba muxaadarooyinka ay culimadu Soomaaliyeed ka jeediyaan Boosaaso.

Abshir waxa laga dhadhansan karayey in uu dib u hibanayo xasuusihii xuma ee uu kala kulmay Mareykanka iyo Kanada. Weedh kasta oo uu ku tiraabo waxa aan laga waayi jirin nacdal uu korka uga tuurayo qurbaha iyo waxa ku noolba. Cumar iyo Abshirba aad bay iskaga waraysan jireen marxaladihii kala duwanaa ee noloshooda, ee midna qurbaha kaga waramayey, midna duruufaha dalka yaal kaga fal-celinayey.

Dareenka kacsan ee Abshir waxa markasta qaabayn jiray mawduuca muxaadirada uu ka qaybgalo. Dabadeedna la wadaagi jiray walaalkiis Cumar. Labadooduba waxa ay ka sinnaayeen aragtida odhanaysa in Muslimku ka guuray dhaqankiisii asliga ahaa, dabadeedna noqdeen daad-xoor macno badan ku lahayn geeddi-socodka nolosha casriga ah. Marar badan oo ay Abshir iyo Cumar arrintaas isla soo qaadeen, waxa ay isla qaateen in loo baahan yahay in muslimku baraarugo, jihaadna diyaar loo noqdo.

Abshir iyo Cumar, inkasta oo luuqadda ay adeegsanayeen ay dhib ku haysay xidhiidhkooda wada-sheekaysi, haddana kama ay daali jirin is- hoga-tusaalaynta diiniga ah ee labadooda dhex-mari jirtey xilliyadda firaaqada ay yihiin.

Maalin kasta oo Jimce ah, gaar ahaan gelinka danbe iyo caweyskii, Abshir wuxu joogto ugu xidhnaa masaajidka Al-Hidaaya. Waxa ka socon jiray muxaadirooyin taxane ah oo lagu soo bandhigi jiray ‘Sheekooyinka Saxaabadii Jihaaday’. Waxa ay ahaayeen sheekooyin qalbi-taabad leh oo si fudud dhallinyaradda u qiiri gelin jiray. Markasta oo Abshir dhagaysto sheeko cusubna, waxa ku furmi jiray weydiimo-falsafadeed oo uu noloshiisa casriga ah ku barbar dhigayo tii asxaabtii Nebi Maxamed(NNKH).”

La soco.

 

Cabdiqaadir  Dayib  Askar

University of York, UK

www.abdikadiraskar.com

Hoos ka akhri qaybihii hore: