Gelbiskii Geeridda Q.2aad (WQ: Cabdiqaadir Dayib Askar)

Waxa aan ku dadaalay in xogta gacantayda soo gashay aanan la wadaagin qof xafiiska nabad0sugidda ka tirsan. Waxaan se go’aan ku gaadhay in aan farriin qoraal ah ugu tebiyo maamulahaygii ku sugnaa Jabuuti.

Laba dharraarood kadib, ayaa laygu soo amray in aan soo raaco diyaarad nooca qumaatiga u kacada ah. Waxa ay ahayd AH-1 Kobra oo laga lahaa dalka Mareykanka.

Waxa aan u anbo-baxay dhankii Jabuuti, aniga oo taxaddar badan qaba, una sii gudbay xafiiskii maamulahayga Kabtan Riijaadh ee saldhigga AFRICOM ee Jabuuti.

Kabtan Riijaadh, ayaa si dhakhso leh iigu geeyey kooxda qaabilsan baadhida walxaha qarxa iyo astaamaha qaraxyada lagu ogaado. Iyagii baa igala wareegay, igana codsaday in aan waqti kooban siiyo si ay baadhitaankooda u dhamaystirtaan.

Daal badan oo aan ka qaaday habeennadii badnaa ee aan soo jeeday awgeed, ayaan hurdo miciinsaday. Waxa aan ku gataati dhacay kursigii martida, halkaas oo aan ilaa saqdii dhexe sii hurday. Mar danbe ayaan ku toosay dhawaaq-sireedka telefoonkayga gacanta. Dabadeed mar labaad dib ugu orday dhankii shaybaadhka goobta.

Shaybaadhe sarre Joosaf ayaa ii sheegay in baasboorka aan u gudbiyey aanu lahayn wax sawir iyo magactoona; bal se uu helay lambarkii qarsoonaa ee baasboorka!

Hadalkiisu, kalsooni buu i geliyey ah in xogta uu ila-wadaagay wax weyn ka tari doonto baadhista cidda qaraxa fulisay.

Aniguna inta aan si hal-haleel ah u furay xog-ururiyihii ciidanka, ayaan waxa aan geliyey lambarkii baasboorka. Waxa iga soo hadhay amakaag! Labadaydii baabacoodna waxa ay ku dul qombabeen dhabanadaydii. Haa waa sawir qof aan si dhaw u garanayo. Inta aan aad u naxay, ayaan sawirkii weyneeyey, markaasaan haddana indhaha ku sii muday.

Waxa i roortay jidhiidhico tin ilaa cidhib. Waxa aan arkayey dhiig kooban oo sankayga ka soo tifiq leh. Inta aan is-taagay ayaan suulliga u cararay, warqadii suulliga tiilna isku qabtay.

Maalintaas, waxa ay ii ahayd jewi adag iyo nolol beddelan. Waxa ii sawirmay meydadkii dadka aan waxba galabsan ee sida arxanka-daran u le’day. Muuqaalkii foosha xumaa ee qaraxu ka tagay, oohintii iyo jibaadkii ka baxayey dadkii goobta lagu dhaawacay.

Waxa aan dib u furay xog-ururiyihii ciidanka, aniga oo si niyad xun indhaha ula sii raacaya sawirka qofkan aan garanayo. Naftaydayda ayaan dib u haaraamay, aniga oo isku canaanaya in aan ahay dambiile iyo qof dhoohan oo iska daa inuu baajiyo qarax’e, haba yaratee aan sii ablo-ablayn karin qaraxaas ummadda badan galaaftay.

Miridho kooban gudahood, waxa maskaxdayda ku soo wada dhacayey muuqaallo kala duwan iyo male-awaal aad u badan oo  aan naftayda saabaale uga dhigayey. Waxa aan is-weydiiyey maxaa is-qarxiyaha gaadhsiiyey in uu naftiisa ilaa heerkaasi u sadqeeyo? Maxaa cadhada daran geliyey? Muxuu u haligay nolosha dadkaas cawaynayey ee haddana ay diinta wadaageen? Mise diintiisa ayaa diintooda ka duwanayd? Mise qofnimadiisa ayaan ka qeexin duwanayd kuwooda? Ma cid kale ayaa dirsatay mise isagaa ahaa dirane fullinaya amar rabaani ah oo la faray?

Waxa mar keliya i wada saaqday cadho daran, culays-maskaxeed iyo cidhiidhi nololeed.

(La soco)

Hoos ka akhri qaybtii koowaad:

http://bandhige.com/gelbiskii-geeridda-q-1aad-wq-cabdiqaadir-dayib-askar/