Soomaaliya iyo Falastiin (WQ: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

Ka lumida raacida nolosha teeda saxda ahi waxay keentaa in lagu dhex asqoobo ku dhaqanka aragtiyooyin faasid ah, oo aan nolosha khasaare mooyee aan faaiido u lahayn, taasoo aakhirka mujtamaca noocan oo kale u nool gayaysiiya jaahwareer, dayow, is-nac dhexdooda ah, ilaa xad ay kala garan waayaan waxay Maanta uga duwan tahay shalay, iyo inay kala garan waayaan inay   kor u socdaan (horumar) iyo Hoos u socdaan (dibudhac).

Tan waxaa ka dhigan mujtamaca Soomaalida oo dhan meelkastoo ay joogaanba, waxay Minqiyaas iyo halbeeg ay noloshooda ku cabiraan ka yeesheen bahasha la yidhaahdo Qabyaaladda, iyada ayaana ah tan ay wax ku jeclaadaan, ama wax ku nacaan, Marka laga hadlayo habka ay wax ku qiimayso Soomaalidu, qiimeynta ruuxa wanaagsan iyo kan xumi ma ahan mid ku xidhan qofka wanaagiisa, ama xumihiisa, kartidiisa, ama karti- daradiisa, ee waa mid ku xidhan hadba qolada iyo qabiilka uu yahay muuqaalka uu ku dhex leeyahay bulshada Soomaalida dhexdeeda, Marka laga eego maxsuulka iyo cidhib-xumida Qabyaaladda, tani waxay ka dhigtay dadkii Soomaaliyeed  kuwo fidqo-fidqo u kala duula, oo noqda jilibo aanu midna mid wanaag u qabin oo dhufaysyada iusgu jira, iyadoo mid waliba deegaankiisii kaga dhawaaqay waxa uu ugu yeedhay dawlad goboleed leh calan, Madaxweyne, Gole-wasiir, mid Barlamaan, ciidan beeleed, iyo xuduudo beenaadyo ku qotoma aragtida gumaystaha ee ku salaysan Qaybi oo xukun. Dhinaca kale, halka ay Soomaalida oo 11,000,000, (11 Milyan) oo qof lagu qiyaasaa ay  fidqo-fidqo u sii kala duulayso, waxaa dhinaca ku haya dawladda weyn ee Ethopia oo tiradeeda lagu qiyaasay 90.000. 000, (Sagaashan Malyuun oo qof, iyo Dawladda Kenya oo iyana tiradeeda lagu qiyaasay 46,000,000 (afartan iyo lix milyan oo qof), labadan dal ee Ethopia iyo Kenya oo haatanba si dadban u maamula dhamaanba maamul-goboleedyada ka jira Soomaaliya, ayaa si xirfadaysan ugu lug leh inaanay maamuladda ka jira Soomaaliya weligood is fahmin, iyagoo isticmaalaya istaraatiijiyadda ah Qaybi oo Xukun, waxaana taas u fududeeyay wacyiga siyaasiga ah ee aan koronayn ee siyaasiyiinta Soomaaliya, iyo qaybsanka bulsho ee dadka Soomaalida oo ah mid ay qabyaaladi hagayso, kana madhan dareenka qawmiga ah ee wadaniyadda iyo dal jacaylka. Nasiib darro, waxaa dalka Soomaaliya ugu filan inay aqoonyahankiisii, siyaasigiisii, waxgaradkiisii, Madax-dhaqameedkiisii, dhalinyaradiisii, culimaau-diinkiisii iyo Haweenkiisiiba ay garan la’ yihiin in xanuunka ay qabaan uu yahay QABYAALADDA iyo WADANIYAXUMO, iyo inay u loogan yihiin cadawgoodii taariikhiga ahaa, Guul darro waxaa ah inay iyagu dhexdooda uu midba kan kale cadaw u yaqaano, Ethopia iyo Kenya-na ay dhamaantood nasteex iyo Saaxiib u arkaan, Taariikhiyan,  marka la rabo in umad la dulaysto, oo la qabsado, waxa ugu horeeya ee istraatiijiyad ahaan la qaadan jiray  waxay ahayd in marka hore iyaga dhexdooda cadaawad iyo buqdi la dhex-dhego oo la kala dilo, kadibna marba mid la qasho, waxaana muuqata in qaybtii koobaad ee istraatiijiyadaasi fushay oo Soomaalidii lays nacsiiyay, oo aanay  dhexdeeda is bixinayn, tan kale ee werwerka lihi waxay tahay, sida ay usii dabar-go’ayaan jiilkii waaweynaa ee waxa badan ogaa, iyo sida aanay jiilashan danbe uga war hayn booraamaha hadimo ee hortooda laga qoday.

Gunaanadkii, werwerkaygu wuxuu yahay sida aynu ugu soo dhacnay dabinkii laynoo dhigay, iyo sida aynaan weli u ogayn inaynu dabinkaas galay, ee kuwii dabinka inoo dhigay aynu nasteex ugu naqaano, ha ugu horeeyeen waxa loo yaqaano beesha Caalamka, iyo Wadamada jaarka aynu nahaybae’ , iyo sida ay macquulka u tahay inaynu ku danbayno sida ay maanta Falastiin tahay oo kale, ma qabo inay sax tahay inaan 100%  eedeeyo wadamada Jaarka iyo Beesha Caalamkaba mar haddii aan aniguba qayb ka ahay dhibaatadda dalkaygii iyo dadkaygii gaadhaysa, oo anigii lay isticmaalayo inaaan haybadaydii dalnimo iyo karaamadaydii umadnimo dumiyo, waana eed aan aniga, adiga, isaga, iyo iyaduba leeyihiin, mana qaldana inaan farta ku fiiqo kuwa dhibkayga qaybta ka ah ee hadana nasteexayga isu muujinaya.

Isku soo Wada duuboo, Talo waa Mar aad garan weydo, iyo Mar aan Gaadhi waydo, caqligu ha shaqeeyo, oo ha u fekero si togan inta ay taagan tahay fursadda badbaabadadu, oo haldoorka umaddu ha u kaco in Soomaalida laga badbaadiyo inay ku dhacdo halka ay falastiin taalo oo kale, oo ha lala yimaado xeelad aan laab-la-kac iyo caadifad ku salaysnayn oo lagu soo celin karo wada-jirkii, walaalnimadii iyo haybadii dawladnimo ee umadda Soomaaliyeed lahayd, oo yaan erayga Midnimadda Umadda Soomaaliyeed noqon wax afka iyo carabka laga yidhaahdo oo qudha, ee uu noqda wax fucil loo bedelo, oo nuxur leh iyo macno Sameeyo, lagana dawoobo xanuunka daran ee qabyaaladda.

Wa Bilaahi Towfiiq,

Qalinkii: Hussein-lucky Mohamed Mohamoud,

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com