Waan ku daalay raadistiisii. Wax aan deris la ahaa werwer badan oo iga hayey raacdada walaalkay Abshir. Malahayguna wuxu i farayey in uu iska beddalay baadi-soocdii.
Cidlo ayaan keli haabayey. Mareykan noloshiisa muddo dheer baa iigu danbaysay, wax macarifo ahina iima ay oolin. Waxa ii dheerayd shaqo laโaan waayo badanka shaqooyinka la ii soo bandhigay waxa ay ahaayeen shaqooyin xirfaddeyda ka hooseeyey, isla mar ahaantaana qofnimadayda dhaawac ku noqon karayey.
Sidii baan xidhiidh joogto ah ula lahaa Xafiiska dhexe ee Sir-doonka Mareykanka si aan u soo ogaado halka uu sal iyo raad dhigay walaalkay. Waayo Abshir dudmadiisu wax ay ka dhalatay is-maandhaafkii na dhex maray labadayda. Mar hadaan ahaa curadka reerka, waanan ku qasbanaa in aan xidho kabihii aabahay.
Si joogto ah ayaan u laasimay fadhiisiga goobaha ay Soomaalidu iskugu timaado aniga oo maanka ku hayey in aan heli doono tilmaan walaalkay ku saabsan. Wax aan ogaaday in walaalkay magaalada Minyaapulis uu diinta ka faafin jiray oo kullanadda jaaliyadda Soomaalidu ku soo bandhigi jiray qoraallo diineed oo uu ugu baaqayey dadka in diinta loo soo laabto, tilmaamayna in guushu ku jirto raacista dariiqii Nebigeenna Maxamed NNKH.
Abshir, waxa la ii sheegay in uu ka qayb-geli jiray casharrada diinta iyo muxaadarooyinka ay jeediyaan culimadda Soomaalida ah iyo weliba kuwo carab ah. Wuxuna waqti badan ku qaadan jiray Xarunta Islaamiga ee Daarul Faaruuq.
Safarkiisii xajka ee Sucuudiga in yar baa ogayd xogtiisa. Waxa ay ku qaadatay laba bilood in uu dib ugu soo laabto Mareykanka. Wuxu Abshir dib u soo noqday isaga oo u eg nin ka soo laabtay waddan kale ee reer galbeed ah. Wuxu xidhnaa surwaal lugaha jeexan, garan gacmo-gaab ah, sillis dheer, dhagahana ay u sudhan yihiin xadhigga teleefan oo u muuqday qof heeso dhegaysanaya.
Soo guryo-noqoshadii Abshir waxa ay ku soo beegantay todobaad ka hor lugtii labaad ee Madaxweyne Obama ku tagayey Afrika. Waxa lagu hakiyey garoonka caalamiga ah ee Rochester iyada oo shaki laga muujiyey muuqaalkiisa isbedalay iyo safarka waqtiga dheer qaatay ee Sucuudiga.
Waqtigii uu ku sugnaa garoonka aad ayaa loo raajiyey, waraysi dheerna loola yeeshay. Ciidamadu waxa ay maalintaas si dheel ah u weydiiyeen suโaalo shakhsi ah oo ay qaarkood cabsi badnaayeen.
โWaxa aad ka timid Sucuudiga haddana waxa aad u eg tahay nin heesaa weyn ah.? Muusiga ma nooca kulul baad jeceshahay?โ ayuu mid ka mid ah askarta Ilaalada Xuduudaha Mareykan weydiiyey.
Askarigu, wuxu sii daaray dhinbiilo kulul oo ka dhex shidnaa qalbiga walaalkay. Abshir aad ayuu arrintaas uga sii xanaaqay, si weyna u damqaday dareenkii huursanaa ee uu awalba ka qabay dalalka reer galbeedka. Kaas oo ahaa in aanu qofku xor u noqon karin ku fogaanshaha diinta Islaamka.
Ciidamada sir-doonku baadhis badan ayay ku sii wadeen wallow ay u oggolaadeen in uu soo laabto. Abshir taxadar badan ayuu muujiyey muddadaas wixii ka danbeeyey. Tallaabo kasta oo uu qaadi jiray way u tirsanayd, wuxunu dareensanaa in lagu daba-jiro oo ilaalo laga hayo.
Abshir, wuxu shirar badan la yeelan jiray kooxo jihaadka aad u aamminsan, waxa ayna si tifaf-tiran oo qarsoodi ah u soo bandhigi jireen dhibaatada uu Mareykanku ku hayo ummadaha Islaamka ah. Abshir waxa ku sii badatay cadhada badan ee uu u qabo dalka Mareykanka iyo weliba kii uu wax ku soo bartay ee Kanada.
Walaalkay wuxu isku dhigayey nin qurbaawi ah oo reer galbeednimadu madaxmartay si uu u marin habaabiyo dareenadda taban ee laga qabay qofka muslinimadu ku weyn tahay. Gobolka Minisootana buu si dhuumasho leh ayuu ugu sii dhex noolaa muddo dheer oo kale.
La soco
University of York, UK
Hoos ka akhri qaybihii hore:
http://bandhige.com/gelbiskii-geeridda-q-5aad-wq-cabdiqaadir-dayib-askar/
http://bandhige.com/gelbiskii-geerida-q-4aad-wq-cabdiqaadir-dayib-askar-2/
http://bandhige.com/gelbiskii-geerida-q-3aad-wq-cabdiqaadir-dayib-askar/
http://bandhige.com/gelbiskii-geerida-q-3aad-wq-cabdiqaadir-dayib-askar/
http://bandhige.com/gelbiskii-geeridda-q-1aad-wq-cabdiqaadir-dayib-askar/