Gidaarka qolkayga qumac baa ku jira (WQ: Axmed Cabdiraxmaan Axmed “Original”)

Sannadku waa sagaashamaadkii dalka ayaa lagu soo noqday in kasta oo aanay jirinba kaabayaasha dhaqaalaha iyo aasaaska nolosha oo ay ka mid yihiin biyo nadiifa, laydh la shito, waxbarsho toosa iyo caafimaadka. Haddana Rooble wuxuu aad ugu faraxsan yahay deegaanka uu joogu sababtoo ah wuxuu hadda ka soo noqday xeryaha qaxoontiga ee dalka Itoobiya waa meeshii ay injirtu ku gashay markuu waayay shaadh iyo surwaal uu kubadasho kuwa uu xidhan yahay iyo biyo uu kumaydho jidhkiisa.

Rooble gurigooda oo ku yaalay xaafada Idaacada wuu dumay, waxaana meel walba kaga jira qumaca rasaasta, wuxuu dhinac walba ka maray gurigoodii oo baryo qaarkood ahaan jiray meel ay ku fanaan dhammaan reerkoodu dadkana ku soo dhaweeyaan fadhiga qurxoon ee aabahood barigaa ka keenay Sanca oo ahayd meelaha laga doonan jiray alaabta guryaha la dhigto.

Rooble qolkiisa waxa si gaara ugu jiray qumac wayn oo nooca kaaraha uu rido ee loo yaqaano madfac kaas oo dhexfadhiistay gidaarka isagoo aan qarxin, balse waxba yaanay sheekadu ila durkine waxa si caadi ah u soo noqotay dhammaan qaybihii noloshu ku fadhiday oo dhan.

Rooble reerkoodu wuxuu go’aan ku gaadhay in guriga la dayactiro oo la hagaajiyo, hase yeeshee Rooble waa loo taag waayay in uu ogolaado in qumacaas laga saaro gidaarka maqsinka uu galo, waxaanu ku tiraabay waa xasuus aan u baahnayn in aan naftayda ku xakameeyo markaan cadhoodo ee ha la ii daayo.

Arrintii waa laga ogolaaday meeshiisana waa loo daayay maalmo kadib, Rooble aabihii oo ahaa nin garaad badan oo tacliin leh ayaa qumaca meesha ka saaray waxaanu ku badalay bir uu tumaalka u geeyay oo sida qumaca loo sameeyay oon laga garanba qumicii meesha ku jiray Rooble inaba muu dareemin in qumacanu uu mid tumaalku soo sameeyay yahay.

Rooble qolkiisa waxa ku xardhan kudhawaad 50 sadar oo nabada ka hadlaya iyo qiimaheeda

Nabad baa naas la nuugo leh

Intay nabadu joogtaa  ninba laba nin leegyahay

Dhub uq dhubuqdaada mooyee dhul udhacaa hubso

Nabadi waa naas irmaan

Raga gogoshiisu waa nabada

Rooble waa nin jaamiciya waqtigan waxa uu siitaa laba shahaado oo nooca dhexe ah, da’diisu waa 29  wuxuu ku jiraa mid kamida ururada mucaaridka ah ee Somaliland sababtoo ah wuxu qabsaday odhaahda Afrikaan badan ay aaminsan yihiin ee tidhaa:

“Haddaad rabto in aad dawlada xil ama masuuliyad ka qabato mucaaridka kubiir si laguu arko dabadeedna laguugu yeedho.”

Sabtida waa maalin  xisbiga uu ku jiro Rooble  isu qanciyay in ay lagama maarmaan tahay in la dhigo mudaharaad aad u wayn oo dalka oo dhan gilgila si qolyaha xilka hayaa isaga laaluushaan oo malaayiinta doolar ee sida daadka u socota badhkooda ay ula boobaan guryo iyo gaadhiyo uga iibsadaan.

Habeenkii markuu qolkiisii yimi ayuu istusay isagoo mudaharaadkii ka dhacay dhammaan gobolada dalku qasan yihiin, wuxuu isku qanciyay iyadoo qolyaha xilka hayaa malaayiin doolar oo laaluusha isla habeenkii dambe u keeneen si xisbigoodu u dajiyo dadka kacsan oo TV yada uga hadlaan una sheegaan in arrinkii dhammaaday, wuxuu is tusay isagoo xilkii ugu qaalisanaa xukuumadda talada haysa loo magacaabay guryo dhistay gaadhiyo iibsaday, isagoo riyadaas ku jira ayuu markaliya isha lahelay Qumacii gidaarka ku jiray aad iyo aad ayuu uga argagaxay, wuxuu arkay iyadoo dad dhinteen qaarkalana dhaawacmeen cusbitaalada dalka oo dhan baroorta dumarka mooyee waxkale aan laga maqlayey, bacadlayaasha suuqa dharka ku iibiya la boobay, masaakiintii suuqa ku ganacsan jirtay hantidoodii la dhacay, gaadhiyo shicib iyo kuwo dawladeedba la gubay, wuxuu arkay in aanay dadkeenu u bislayn mudaharaad salmiya oo inta boodhadh la samaysto ama waraaqo qoraal lagu xardhay la qaato in jidka dheer si nabadgalyo ah loo maro, wuxuu ogaaday in ciidamada boolisku ee dalku aanay haysan sunta dadka kaga ilmaysiisa iyo budhadhka dadka lala dhaco toona ee ay hastaan rasaas nool markay doonaana ay isticmaali karaan si ay dadka u kala eryaan.

Wuxuu mar labaad xasyustay Dulcad iyo Daroor injirtii ku gashay markuu carruurta ahaa, kuyuugii loo gali jiray qamadiga iyo biyaha si loogu noolaado oo nafta loogu sasabo, mar kaliya ayuu jiifka ka booday wuxuu xidhay suudh ka mida ah suudhadhkiisa uu ku xaragoon jiray waxaanu tagay mid ka mida TV yada ugu afka dheer ee ku yaala Somaliland waxaanu halkaa ka sheegay in uu iska casilay xilkii uu u hayey xisbiga mucaaridka ah mudaharaadkii barito aanu isagu hoggaamin doonin, halkaas waxa ku baaqday mudaharaad dad badan ay ku dhiman lahaayeen kuwo kalena hantidooda looga boobi lahaa.

Dulucda sheekada ayaa waxay tahay sidee loo bari karaa dadkeena Somaliland sida loo qabto mudaharaad salmiya oo cidina ku dhiman cidina ku dhaawacmin qofna hantidiisa aan la boobin?.

Waxa Qoray: Axmed Cabdiraxmaan Axmed “Original”