Madaxda Islaamka oo ku shiray Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa marti-gelinaya kulan madaxeed ay ka qayb galayaan 30 hoggaamiye oo Muslimiin ah, shirkan ayaa waxa looga gol lee yahay in laga guuleysto khilaafyada u dhaxeeya dadka Muslimiinta ah.

Boqorka Sucuudiga Salman iyo Madaxweynaha Eeraan Hassan Rouhani, oo dalalkooda ay isku hayaan dagaalada ka socda Yemen iyo Suuriya ayaa ka mid ah madaxda ka qayb galaya kulanka Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka.

Arrimaha la filayo in kullanka looga hadlo, waxaa ka mid ah xaaladda Falastiin, Liibiya, Yemen, Suuriya iyo gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh ee Asirbijaan oo ay ka soo cusboonaadeen rabshado u dhaxeeya dadka Azeri-ga iyo ciidamada Armenia.

Inta uu socdo kulanka, ayaa la filayaa in Turkigu ay Madaxtinimada ururka iskaashiga Islaamka kala wareegto dalka Masar.

Wakiilo ka socda 56 dal, oo ay ku jiraan 33 Madaxweynayaal iyo Raysal-wasaareyaal ah ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan kulanka ka dhacaya magaalada Istanbul.

Inkasta oo kulanka ay marti-gelineyso, haddana kaalinta Turkiga ee Islaamka ayaa waxa hadheeyey muran ka dhashay xidhiidhka Madaxweyne Erdogan uu la leeyahay Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi, oo xukunka laga qaaday sannadkii 2013-kii.

Madaxweynaha Masar Cabdi Fataax El-Sissi iyo Boqor Cabdallaha ee dalka Urdun ayaan kulanka ka qayb galayn.

Joogitaanka kulanka ee boqor Salmaan ayaa caddeyn kale u ah xidhiidhka soo noolaaday ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Turkiga, kaasi oo soo cusboonaaday tan iyo intii xukunka la wareegay Boqortooyada Sucuudiga Boqor Salmaan.

bandhige@gmail.com