Khudbaddii Prof. Axmed Ismaaciil Samatar: Hal-door iyo hogo-tusaaleyntii! (WQ: Mustafe Suleymaan Cilmi)

Hal-qabsi:

Marka aad himiladaa, hilin toosan nin mariyoo,

Hir markii la gaadhaba, ku labaad hilaadshoo,

Haga maatidiisoo, la hiigsado dhashaabaa,

Hooyo lagu xasuustaa…….

Beydad ka mid heestii Hooyo ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”

Maalmihii toddobaadkan ugu dambeeyey waxa aynu si weyn isugu gudbineyney arragtiyaha kala duwan oo dadweynaha isdhaafsanayeen kuna saabsan khudbad uu dhowaan u jeediyey Bare-sare Axmed Ismaaciil Samatar jaaliyaha reer Somaliland ee ku dhaqan Yurub.

Kulankan waxa uu la xidhiidhay kulan balaadhan oo ay jaaliyaduhu la yeesheen baarlamaanka Iswidhan, markaa kadib ayey xubnaha jaaliyaduhu si gaar ah ula kulmeen Axmed. Halkakan ayuu Baraha-sare uu si weyn oo laabsami ah, misna si weyn ugu duur-xuley u soo bandhigey arratigdiisa shaqsiga ah oo ku aadan meel-marinta Qadiyadda Somaliland iyo sida ay ula muuqato isaga in ay ku haboon , isaga oo si dhowaanahakan aynu illowney u soo bandhigey badheedhaha arragtidiisa.

Runtii, aniga xiiso gaar ah ayey ii laheyd marka aan dhageystey iyo macnaha ay ii sameysey. Bare-sare Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu muujiyey muuqaal hal-doorka mudan in uu horseed ka noqdo meel-marinta qadiyadeena isaga oo hoosta ka xariiqey sida ay dhowaanahan uga agoomoodey Somaliland in aynu arragno hal-doorkii ku haboonaa oo ku foogan ama ka shaqeynaya arrintan aayaha iyo mustaqbalkeenu ku xidhan yahay.

Baraha-sare Axmed waxa uu tilmaan cad oo aan daah saarneyn ka bixiyey dhakhtarka dhabta ah ee daweyn kara bukaankeena iyo il-duufka maanta la deriska ah saaxada hoggaamineed ee dalkeena.

Macalinku waxa kale oo uu tooshka ku qabtey in meeshii uu ka soo mudhi lahaa aanay uba diyaarsaneyn farsamo ahaan, qaab ahaan, maamul ahaan, fulin ahaan iyo shaqo ahaan, balse ka sii dartey oo majaro-habow weyn lagu sameeyey jidka saxda ah ee lagu heli lahaa taas oo ah xisbiyada siyaasiga ah ee qaranka oo ka madhan hilaadintii, currintii, agaasimkii iyo fulinta si loo gaadho himilada ummaddeena.

Bare-sare Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu si weyn u gunaanadey in haddii aynaan daweyn si dhab ah, naf-hur ah, wadajir ah, xil-kas ah, oo daacad ah aan la mahadin doonin cidhibta dambe ee balaylahdeena. Waxaan ku soo koobey, waxay iila muuqatey in macalinku si dedban oo badheedh ah fariin cad ugu direy inta ay isku martabo yihiin oo ummaddeena ka mid ah ee la wadaagta waajibta xil-gudasho ee saaran oo ay tahay in ay ka midho-dhalliyaan himiladeena hano-qaadey ee u baahan rasmiyeyn iyo in aynu helno natiijo rasmi ah.

Gebo-gabadii, waxay i xusuusisey xilliyo uu hormuudka isaga oo kale ah si weyn jillaa uga ahaayeen heerka saaxada oo hal-doorka u yihiin, kuwaas oo inaga soo saarey mushkilado badan oo inagu habsadey balse hagar-baxa hormoodnimo oo ay sameeyeen suurto-galisey in aynu si sahlan uga soo gudubno dhibtaas jirtey.

Bal xasuuso bisha Febraayo ee sannadkii 1991kii, wixii aynu dhaxalney, dhibkii jirey, noloshii adkayd ee ummadda la deristay, khataro badan oo arrami inoo qarsooneyd ahayd ah, shacab kala ir-dheysnaa IWM! Maxaa dhacey oo la sameeyey? Kuwee ayey ahaayeen kuwa kan ina horkacayey ee horseedka ka ahaa? Sidee wax u qorsheeyeen si masiibada looga gudbo? Awood intee leeg ayey lahaayeen ama hayeen? Iidaan intee leeg ayaa aynu heyney?

Akhriste is-weydii su’aalo badan, oo dib-u-raac rubuc qarniga aynu soo-ka-bashada, kobcinta, iyo horumarka qarankeena ku soo jirney. Halkan weeyi meesha uu min-qiyaaska uga dhigey Bare-sare Axmed Ismaaciil Samatar iyo sida ay maanta u dhantaalan tahay oo u baahan kabniin rasmi ah si loo helo hormuud dhab ah, sida shalay iyo xilliyo kale oo nolosheena ah loo guuleystey.

Weliba waxa uu si weyn u sharaxay in aan marnaba Soomaalidu isku howlin in ay aqoonta u adeegsato danaheeda bulsho, dhaqan-dhaqaale marka la howshoonayo waana mida keentey in arrimuhu soo noq-noqdaan mar walba.

Ugu dambeyn, Macalin Samatar waxa uu soo bandhigey arragti dhisan oo farshaxankeeda wadata waana sida la gudboon hal-door walba meesha uu dhakhtarka ka yahay iyo sida uu ula tacaalayo bukaanka.

Allow sahal amuuraha adaa awood leh.

 

Qalinkii:               Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

 

Tel: 00252 (0)63 4137470.

Email: mustafe72@gmail.com