Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo dacwad ka dhan Wasiirka Arrimaha Guddaha ka furtay Maxkamadda

Ururka suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa waxay sheegeen in uu gudbiyeen Maxkamadda dacwad ka dhan ah Wasiirkka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde oo ku eedeeyey in uu qafaalasho iyo garaacisba kula kacay weriye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe.

War-murtiyeedka ka soo baxay SOLJA waxa uu dhignaa sida tan:

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu bahda Garsoorka uga mahadnaqayaa in ay Ururka ka aqbaleen isla markaana u fureen maanta oo ay bishu tahay 14/04/2016-ka dacwad ka dhan ah wasiirka wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cade, kaas oo qafaalasho iyo garaacis sharci darro kula kacay Weriye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe oo Maxkamadda u gudbiyey cabashadiisa toddobaadkan kaas oo dhibtu ku dhacday 26/03/2016-kii.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo u taagan horumarinta iyo difaacida suxufiyiinta Somaliland waxa uu ka codsanayaa Xeer ilaaliyaha Guud iyo Taliyaha Qaybta Baadhista Danbiyadda (CID)-da in ay si deg deg ah baadhista danbigaasi u gasho iyagoo Tixgalinaya cabashada dhibane Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe.

Ururka SOLJA waxa uu mar kale ku celinayaa in ay canbaaraynayaan fal kasta oo ka baxsan nidaamka dawladeed oo ay masuuliyiintu kula kacaan Weriyayaasha dalka, iyadoo dhinaca kale aanu Ururku ku taageerayn bahda Saxaafadda danbiyada ka baxsan anshaxa Saxaafadda.

Ururka SOLJA waxa uu gacanta ku hayaa dacwado farabadan oo ka dhan ah Suxufiyiinta Somaliland, kuwaas oo ay ku soo eedeeyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, sidaas daraadeed waxa uu Ururka Garsoorka ka dalbanayaa inay Cadaaladda mariyaan Dacwadaha iska soo horjeeda ee horyaala.

Ururka SOLJA waxa uu u arkaa inay Madaxda Somaliland iyo Muwaadiniintu u siman yihiin sharciga, isla markaana cidii ku xad-gudubta inay awooda Dalka gacanta ku qaataan iyagoon ixtiraamayn xuquuqaadka Aas aasiga ah ee Dadweynaha inay soo bandhigi doonaan Suxufiyiinta Somaliland ee xilka culus u haya Qaranku.

Ururka SOLJA waxa uu dhamaan Suxufiyiinta ugu baaqayaa inay ilaaliyaan Anshaxa iyo Milgaha ay leedahay Mihnada Saxaafaddu, taasoo sida Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafaddu-ba damaanad qaadeen jiritaankkeeda iyo Karaamadeeda.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu Xukuumadda ugu baaqaya inay sii wado wax kasta oo caqabad ku keeni kara wadashaqaynta Saxaafadda iyo Hay’addaha Qaranka, iyadoo maalmahan danbe ay soo baxayaan in ay debecsanaan ku keenin masuuliyiinta uu Qaranku u igmaday hay’adaha ay wadashaqaynta leeyihiin Suxufiyiinta iyo Bahda Saxaafadda ba.

Ururka SOLJA waxa uu masuuliyiinta ugu baaqayaa inaanay suxufiyiinta xidhan iyagoo aan u marin siffo sharci darro ah isla markaana ay tixgaliyaan go’aamadii ka soo baxay kulankii ay wadayeesheen Saxaafadda, Garsoorka iyo masuuliyiinta Amnigu.

bandhige@gmail.com