Guddoomiye Cirro waxa uu la kulmay wasiirka Arrimaha Dibedda Kiiniya

Guddoomiyaha aqalka Barlamaanka ahna Guddoomiyaha Waddan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi “Cirro” safaro ku gaala bixinayay wadddamo ka tirsan bariga Afrika ayaa waxa uu Nayroobi Kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kiiniya Aamina.

Kulankan dhex maray Wasiirul khaarajiga Kiiniya iyo Guddoomiye Cirro ayaa la sheegay in uu daaranaa sidii dawlada dalkaasi doorkeeda uga ciyaari lahayd Ictiraaf buuxa oo Somaliland ka hesho Caalamka.

Xogaha warbaahintu ka heshay kulankaasi ayaa Tibaaxaya in Guddoomiye Cirro hordhigay dawladda Kiiniya codsi ah in ay xafiiskooda diblomaasiyadeed ka furtaan dalka, waxaanay wararku sheegayaan in dawladda Kiiniya aqbashay furashada Safaaradda Kiiniya ee Somaliland, taasi warkeeda rasmiga la ogaan doono marka ay ka furtaan.

Intii Guddoomiye Cirro ku sugnaa Kiiniya waxa uu kulamo la yeeshay Safaaradaha Maraykanka, Denmark, Sucuudiga Iyo safaaradda Masar.

Sidoo kale Guddoomiye Cirro iyo madaxda Safaaradaha wadamadda uu la kulmay waxay iska xaal waraysteen arrimaha nabad-gelyada, doorashooyinka Somaliland iyo dib u dhaca ku yimi diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha.

 

bandhige@gmail.com