Maamulka Dekedda Berbera waxa uu ka war-bixiyey ballaadhinta ay wadaan

Maamulka dekedda Berbera ayaa si faah faahsan uga war-bixiyey ballaadhin, dib-u-habeyn iyo casriyeyn ay muddooyinkii dambe ay ka wadeen guddaha dekeddaasi, waxaana ay sheegeen in ay hadda gacanta ku hayaan dhismaha wejiga saddexaad ee barxadda Wajaale ee dekedda Berbera, iyaga oo tilmaamay in barxaddani ay noqon doonto mid ay kaga reystaan cidhiidhi badan oo ka jira guddaha dekedda,  sida oo kalena si hufnaan ah ugu fududeyn doonta hawlaha shaqo ee ay dekeddu ugu adeegayso guud ahaan ganacsatada kala duwan ee ka adeegta goobtaasi.

Maareeye-ku-xigeenka dekedda Berbera Inj.Cumar AbokorJaamac oo ka war-bixinayey balaadhintaas ayaa waxa faah faahin ka bixiyey mar uu u wararamay talefeeshanka Universal, waxaanu sheegay in ballaadhinta dekeddu ay u suurto-gelinayso in ay si hufnaan ah oo aan mashquul lahayn ay ugu adeegaan ganacsatada kala duwan ee ka adeeganaysa dekedda Berbera, isaga oo tibaaxay in ay kaga baxayaan cidhiidhigii ka haystay dhinaca shaqada.isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxa weeye halkan ayaanu shaqaddii ballaadhinta dekedda aanu ka bilownay, wejigii horena waa uu dhammaaday oo Alle waa uu nagu guuleeyey, hadana waanu ku shaqeynaa, waana aad arkaysaan in aanu cidhiidhigii kaga baxnay, wax badana aanu odhan karno waa ay soo kordhisay. Markii aanu dareenay in aanu labaddii qeybood ee hore aanu dhammeystirnay oo faa’iidada ay soo kordhiyeen aanu aragnay, markii aanu aragnay in cidhiidhigii iyo badeecaddahii koontinerada ku jiray aanan kaga baxin labada qeybood ee hore ayaanu bilownay ballaadhinta oo horena ay u ahayd u jeedadayada in aanu ballaadhino, waxaana Alle mahaddii ah in aanu qeybtii saddexaad aanu bilownay sannadkan aanu ku jirno, waad arkaysaan oo maanta intii badneydba waa ay noo dhammaatay.”

Cumar Abokor Jaamac oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa kale oo uu faah faahin ka bixiyey faa’iidooyinka ay soo kordhin doonto ballaadhinta dekedda Berbera, isaga oo carabka ku dhuftay in ay korodh ku sameyn doonto badeecadaha kala duwan ee ka soo degaaya dekedda Berbera, sida oo kalena ay bulshada Somaliland u abuuri doonto korodh dhaqaale iyo weliba sida oo kale korodh xaga shaqaalaha dekedda Berbera ah, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Wax badan ayey soo kordhiyeen barxadaha aanu sameynaynaa, dhaqaale ayey ku soo kordhiyeen, dhaqdhaqaaq badan ayey ku soo kordhisay oo badeecad badan ayaa ay ku soo kordhisay, shaqaale badan ayaa ay ku soo kordhisay oo kordhay. Waxa aanu la kulmi  jirnay dad badan oo koontinero badan keeni jiray ama leyman soo kordhaaya. Markii aanu hore ugu shaqeyn jirnay dekaddaa hore ee ay innoo dhiseen Mareykanka iyo Ruushku, waxa soo geli jiray uun laba leyn oo qudha se maanta waxa yimaada afar leyn oo koontiner sida, sida aad hada u jeedaana hada waxa soo xidhay Markabka MC meeshiisiina loo faaruqiyey, waana aanu ka reysanay oo dekeddii hore cidhiidhi xoogga ayey nagu ahayd, imikana cidhiidhigii ayaanu ka baxnay, Xoolo badan ayaa ka dhoofa(Export), marka Alxamdulillaah, cidhiidhi badan ayaa naga sii haystay hadana waanu ku nafisnay inta dambe ee aanu dhisi doonana waanu ku sii nafisi doonaa, wax badana waanu ka qabsan doonaa.”

 

bandhige@gmail.com