Suuriya: Dagaal culus oo ka bilaabmay Xalab

Wada-hadaladii Suuriya ayaa waxay dib uga bilaabmeen Geneva, sidoo kalena waxa dagaal xoogan ka bilaabmay nawaaxiga magaalada Xalab oo ku taalla goob istaraatiji ah.

Maraykanka ayaa waxa uu sheegayaa in uu aad uga walaacsan yahay xoogagga Ruushka ee difaacaya dawladda Suuriya weerarka ay wadaan.

Dagaalkan ayaa imanaya iyadoo kooxda mucaaridku ay ku taliyeen in ay la shaqeeyaan xubnaha dawladda hadda si xal siyaasadeed oo ku meelgaadh ah la gaadho.

Dagaalka ka socdo agagaarka magaalada Xalab ayaa sii adkaanaya maalinba maalinta ka dambeysa, waxa uuna noqonaya caqabadii ugu weyneyd ee hor istaagta heshiiskii la gaadhay 7 todobaad ka hor.

Dagaalkii ugu dambeeyay waxa la’arkayay ciidamada dawladda oo taageero ka helaya Ruushka in ay qaadayeen dagaal ka dhan kooxaha mucaaridka ayna ka jareen marinada ugu muhiimsan ee qaybta mucaaridku maamulaan ee Xalab.

Waxa kale oo jira dagaal xoogan oo ka soconaya waqooyiga fog ee ku dhow xudduda Turkiga halkaas oo Daacish ay dardar galisay dagaalka ay dib ugu qabsaneyso dhowr deegaan.

Waxa warar sheegaya in qasaare uu ka dhashay dagaalkaasi, arrintaas ayaana hadheysay wadahadallada nabadda ee lagu xasilinayo dalkaasi.

Mucaaridka waxa ay sheegeen in ay la shaqeynayaan xubnaha dawladda ee aan waligood dagaal galin balse aysan la shaqeyneynin Madaxweyne Bashar Al-Asad.

bandhige@gmail.com