Xilliga aynu marayno, wax kiis ah oo aan waddankeenna laga sheegin, dhibaatada ilaa hadda ina soo gaadhay ee laga gaashaamanayo degdegeeda oo aan inoo qeexnayn iyo qodobbo kale oo farabadan awgood, go’aankaasi ilama saxsana. Waayo wakhtigii oo la xaddiday, shaqooyin badan, waxbarasho socotey iyo ganacsigii oo kala xidhmaa wuxu sababayaa go’doon iyo maciishaddii nolosha oo korukac samaysa.
-Wax qorshe ah, (Strategy) ama siyaasad qoran (Policy) iyo aqoomaynta dhacdadan oo aanay guddidu inala wadaagin, waa ay adagtey inay ka hortagto masiibadan. Haddana go’aanno degdeg ah baa ay soo jeedisay oo badankooda ay waddamo inaga duruuf iyo degaan duwani u soo jeediyeen dadkoodii. Sidaa awgeed, go’aankaasi ilama saxsana.
Haddaba, maxaa xalku yahay?
In xukumaddu ay magacawdo dad leh aqoonta ka hortagga/xakamaynta masiibooyinka dabiiciga ah (Disaster risk management officers). In la ogaado baaxadda iyo xaddiga ay dhibaatadu joogto (Identified the risk and level of risk). In la qeexo dhibtu halkay ka imanayso (Identified the root cause of the risk). In la sameeyo ka hortag (Preparedness), ama lagu xalliyo halkay ay joogto ama la isla garto in lala noolaado. Iyo ugu danbaynta oo la samaynayo abla-ablayn (Risk Analysis). Aakhirka xukumadda iyo ciddii kala qayb qaadata hawshanna waxa la doonayaa inay sameeyaan qiimeyn (Evaluation of the risk). Intaas oo la sameeyay ka dib baa go’aamo laga soo saari karaa waxa ka soo baxay hawshii la qabtey. Balse ma dhicin ee shalayna waa la magacaabey guddida, maantana awaamirta intaas leeg baa ay soo saareen. Sidaa awgeed, go’aankani maaha mid lagu qanci karo.
Cabdicasiis Ibraahin Ciise “Daacad”