17 March 1988: maalintii Aduunku is badalay (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Horaantii March 1988 , waxaa kulan saacado badan qaatay uu ku dhex maray Madaxwaynayaashii Soomaaliya iyo Itoobiya , Gen Maxamed Siyaad Barre iyo Col Mingeste , kuwaasoo ka wada hadlayay xalinta khilaafka labada Dal , hassa yeeshee shirkii wuxuu ku dhamaaday is mariwaa iyo muran aan macne lahayn.

17 March 1988 , 5’00 , Ciidamadii Jabhadii Xoraynta Ereteriya ee loo yaqaanay EPLF , Waxay weerar si heersarre ah loo qorsheeyey ku qaadeen Taliskii Ciidamada Itoobiya ee Ereteriya , gaar ahaan Magaaladda AFABET , oo ahayd Saldhigii sirdoonka , Saadka iyo Istaraajiyadda ciidamada Itoobiya ee loo yaqaanay NADEW COMMAND , halkaasoo Jabhaddu ku gaadhay guushii ugu waynayd ee ay gaadho jabhaddi markaa lagga yimaado dagaalkii Fitnam.

Itoobiya 16 saacadood gudaheed ayay ku wayday 20 kun oo Askari, boqolaal Taangi iyo kumanaan qalab iyo gaadiid ciidan ah.

Madaxwayne Mingiste markuu yimi Adis ababa ee uu Djabouti kasoo noqday ayaa loogu bushaareeyey guuldaradan , ka dibna wuxuu degdeg wasiir ugu diray Mogdisho , halkaana waxaa ka dhacay heshiiskii labadda dawladood.

Qodobadda labadda dawladood ku heshiiyeen oo ay ku jirtay in la joojiiyo caawimada Jabhadaha awgeed , ayaa jabhadii snm iyana soo qaaday dagaaladdii ka dhacay dabayaaqadii Bishii May Magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.

Sadex sanno ka dib , labadii Madaxwayne ee Mingiste iyo Maxamed Siyaad waxay dabadaha uga carareen wadamaddii ay xukumi jireen ka dib markii jabhadihii hubaysnaa xoog ku muquuniyeen.

Si kastaba ha ahaatee , dhacdadaa la baxday Afabet Battle ama dagaalkii Afabet waxay taariikhda geeska Afrika kaga qoran tahay meel wayn , maxaa wacay waa maalintii waqtigu is badalay ee horseeday dhalashadda Somaliland iyo Ereteria , dhicistii Mingiste iyo Maxamed Siyaad iyo duruufaha cusub ee Geeska Maanta.

Wax ku qaadan maysaan ,

wacdaraha Aduunkee ,

Waydiiya culimadda .