Golaha Wakiillada Iyo Dhaqanka Maqane Joogga (WQ: Khadar Jicsin Nuux)

Maalmihii carruurnimada markii aan ku jirnay dugsiga hoose macalinka arka arday casharka ka mashquulsan lana socon sharraxa macalinka macalinku waxa uu ku odhan jiray maqane jooga ama jooge maqan.

Golaha wakiilada Somaliland tan iyo maalintii shacabku si toosa usoo doorteen xildhibaanadiisa  sannadii 2005tii,  wuxuu ka mashquulsan yahay lana socon shaqadiisii koowaad.  tanina waxa ay sababtay in qaranku dhankooda qabyo ka noqdo shaqada koowaad ee golaha wakiillada waa samaynta shuruucda  dalka oo in badani qabyo tahay tusaale ahaan qawaaniinta maxkamadaha yaala in badani ma waafaqsana diinta iyo dastuurka.

Sida qof kasta oo sharciga wax uga baxsan yihiin garan karo qawaaniinta dal lagaga dhaqmaa waa in ay waafaqsan tahay dastuurkiisa haddii kale dalkaas kama jiro waxa loo yaqaan sarraynta dastuurka. si ka duwan haayadaha kale ee dawladda golaha wakiilladu malaha kayd waxqabad oo buuran, mana muuqato in uu badalay dariiqadii uu ku socday in ka badan 15 sanadood .

sida ardayga maqane jooga waajibkiisa waxbarasho ugaga mashquulay gujinta saaxiibaddii iyo xaasilinta nusasaacaha ayaa golaha wakiillada soomaliland ugu mashquulay gujooyin siyaasadeed iyo gurashada mushaharka.

xeerkii saddexda dagmo ee dhawaan la Ansixiyay ayaa ah calaamad cad iyo bilow khaldan oo muujinaya in golaha shakhsiyaad is badaleen, laakiin dhaqankii looga bartay aanay  waxba iska badalin  xildhibaanada goluhu awooda kumay iman soo xulis sirdoon sida dunida inbadan ka dhacda mana jirto cid cadaadis saari kartaa. sidaas awgeed lama fahmi karo waxa awooddooda ka dhigay awrqaad cid kale ku maqan , masuuliyadii qaranka u hayeena, u dayacan tahay.