Sidee aqoonsi caalami ah lagu gaadhaa (WQ: Rashiid Odowaa)

Sidiisaba waddan waxa lagu qeexaa ka ay dadkiisu ay iskood Samaystaan ee ay awoodiisa gacanta ku hayaan  kaas oo leh  Xuduudo cayiman oo caalamku isla oghay Sidoo kale waxa lagu gaadhaa aqoonsi marka uu dalku iskii ugu dhawaaqo madaxbanaani buuxda (Declarative Theory) ama marka uu maro hab sharci ah (Constitutive theory) markaas Dowladdaasi laba mid ayay noqotaa ta hore oo (Defacto) haddii ay buuxiso shuruudaha dal lagu noqdo macnehedu waa dal dhab ahaan wuu jiraa dalkaasi lakin ma sharciyaysna iyo ta danbe oo ah (Dejure) macnuhu waa dal sharci leh oo ka diiwaan gashan United nations..

Dowlad ama  Qaranimo waxa caddeeyyay  marka la joogo shuruucda Caalamiga haddii aynu eegno heshiiskii lagu galay Caasimadda dalka Uruguay ee Montvedio Convention 1933 heshiiskan waxa wada galay 19 waddan waxa  la ansixiyay 1936kii waxana ansixiyay “League of Nations” oo ahaa kii ka horreeyay UN ta maanta jirta.heshiiskan wuxu ka koobanyahay 16 qodob oo ka hadlaya xuquuqda jiritaankeeda waddan iyo waxyaabaha ku gafka ee aanay ahayn in lagula  kaco. Waxa kaloo uu ka hadlaa waajibaadka dalka laftiisa Saaran iyo wayaabaha ay tahay inuu qabto xataa uma kala eego haddii aan la aqoonsanayn waddanka iyo haddii kaleba.dhowr qodob ee ugu muhiimsan ayaynu ka soo qaadi doonnaa.

 

XUQUUQDA UU WADDANKU  LEEYAHAY

1)-Qodobka 1aad ee heshiiskan caalamiga ahi wuxu tilmaamayaa waddanku haddii uu leeyahay  (a)Xuduud cayiman (b)Dadweyne aan Guur guurin (c)Xukuumad shaqaynaysa (d)isla markaas ka soo bixi karta Heshiiska uu galo Fulinna kara wuxu noqonayaa waddan wuxu buuxiyay shuruudihii qarannimo.

2)-waddan kastaa isagaa xaq u leh inuu sharcigiisa ku fuliyo wixii sharaftiisa iyo karaamadiisa meel ka dhac ku ah,marka la eego gudaha waddanka isagaa xaq u leh cidda uu magan geliyo siinayo iyo cidda aan laga rabin dalka.

2)-Qodobkiisa 3aad ee heshiiskan wuxu qeexayaa Qaran kastaa isaga leh Xaqa jiritaankiisa Siyaasiga ah xataa Aqoonsiga ka hor wuxuuna xaq u leeyahay inuu is difaaco hadday tahay sharaftiisa,madax bannaanidiisa.IWM waxa kaloo reebban in in faro gelin lagu sameeyo arrimihiidsa gudaha iyo in la xaqiro in la ceebeeyo.in dacaayad iyo Brobagando laga fidiyo.

3) waddanku (International person) ayuu ka yahay Adduunka sida ay tahay in loo dhowro qofka xaqiisa ayuu la mid yahay waddankuna Waddamadu waxay leeyihin Xuquuq siman,mana aha inuu waddan waddan ku hoos noolaado.

5)waddan kastaa wuxuu xaq u leedahay inuu is difaaaco af iyo addinba marka loo eego axdiga Qaramada midoobay CHAPTER VII Article 51

 

WAAJIBAADKA WADDANKA SAARAN

Sidoo kale Qaraarka qabyo qoraalka ah ee 375 kaas oo la ansixiyay 1949 wuxu dhigayaa waajibka waddanka saaran ilaalinta Xuquuqda waddamada iyo gudihiisaba waxaa ka mid ah.

1)-Waddan kasta waxa ku waajib ah oo dusha ku qaadanayaa wixii xad gudub toos ah ee ay kula kacdo waddan kale.waxana ka dhalan kara tallabooyin sida Xayiraad iyo Cunaqabatayn.

2)-Waddan kasta waxa ku waajib ah inuu ka waantoobo faro gelin uu waddan kale kula kaco Xuduudihiisa iyo dadkiisaba.

2)Dowlad kasta waxa ku waajiba oo ay qaadan doontaa wixi khalad ay galaan Hayadaheeda guduhu sida haddii ay gabood fal baahsan ama xasuuq kula kacdo muwaadininteeda ama si qarsoon dilal loogu gaysto muwaadinkeeda waxa ka dhalan kara tallaabooyin sharci oo laga qaado dalkaasi.

3)Dowlad kastaa iyadaa xil ka saran yahay ilaalinta dadka maganta u aha iyo safaaradaha shisheeye iyo diplomasiyiinta ee deggan dalka gudihiisa.qof kasta meeqaamka iyo (imunity) uu leeyahay iyada ayuu waajib ka saaranyahay.

 

Sida aynu wada ognahay Somaliland 1991kii ayay xornimdeeda dib ugala ssoo noqotay Somalia, tan iyo mudadaas ka danbeeyaya Somaliland Nabadeeda iyo Horumarkeeda ayay ka shaqaynaysay,waxa u qabsoomay Doorashiiyin ay ugu danbaysay may 31/2021 doorasho Gole deegaan iyo Baarlaman.

Dhinaca kale Somalia muddadaas 30ka sano ahayd may sal dhigin oo waxa halligay dagaallo sokeeye iyo Ururro xag jir ah.waxa jooga Ciidamo shisheeye oo fara badan iyadoo ay sidaas tahay ayay haddana ku andacoontaa in ay Somaliland xukunto.,haddii aan dib u eegno qawaaniinta caalamiga ah waxay ku tahay dhinaca Somaliland Umad Sharafteeda iyo karaamadeeda lagu xad gudbayo.isla markaas uu ku xad gudbayo Waddan kale oo qalalaase ka taagan yahay oo xattaa aan muwadiniintiisa amnigooda qaadi Karin iyadoo la ogyahay in xataa hablihii madaxtooyada ka shaqaynayay qaarkood la la’yahay sida kiiska Ikraan Tahliil oo kale iyo gabood fallo kaloo badan. sharciyadda caalamiga iyo Caqliga Saliimka ahba meel ka dhac ayay ku tahay.

 

Rashiid Odowaa.

rashidsalan1982@gmail.com

063-4101213