Ra’iisal wasaara dib loo doortey ee Itoobiya oo maanta magacaabey 22 wasaaradood

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta ku dhowaaqay gole wasaaradeed oo cusub oo ka kooban 22 xubnood, isaga oo kusoo daray xubno mucaarad ah.

Wasiirada ayaa waxaa ku jira Demeke Makonen oo sii haynaya jagadii ahayd Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibedda. Sidoo kale waxaa jagadiisii wasiirka maaliyadda dib loogu magacaabay Axmed Shide.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa jagooyin u magacaabay laba xubnood oo kasoo jeeda mucaaradka, sidoo kale waxa uu wasiirka gaashaanhdigga ka dhigay siyaasiga Abraham Belay oo kasoo jeeda Gobolka Tigray.

Hoos ka aqriso liiska Golaha Wasiirada

1. Demeke Mekonnen Hassen – Ra’iisul Wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda
2. Abhrham Belay (PhD) – Wasiirka Difaaca
3. Ahmed Shide – Wasiirka Maaliyadda
4. Muferihat Kamil – Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka
5. Oumer Hussen Oba – Wasiirka Beeraha
6. Engineer Aisha Mohammed – Wasiirka Waraabka iyo Horumarinta dhulka
7. Engineer Habtamu Itefa Geleta – Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
8. Professor Birhanu Nega – Wasiirka Waxbarashada
9. Dagmawit Moges – Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka
10. Gebremeskel Chala – Wasiirka Ganacsiga iyo Is-dhexgalka Gobolka
11. Melaku Alebel – Wasiirka Warshadaha
12. Binalf Andualem – Wasiirka Nabadda
13. Gedewon Timotewos (PhD) – Wasiirka Cadaaladda
14. Dr. Lia Tadesse – Wasiirka caafimaadka
15. Belete Mola – Wasiirka Hal-abuurka iyo Taknoolajiyadda
16. Ambassador Nasise Chali – Wasiirka Dalxiiska
17. Lake Ayalew – Wasiirka Dakhliga
18. Chaltu Sani Ibrahim – Wasiirka Kaabayaasha iyo magaalooyinka
19. Engineer Takelle Uma Benti – Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka
20. Kejela Merdasa Tulu – Wasiirka Dhaqanka iyo Cayaaraha
21. Ergoge Tesfaye (PhD) – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada
22. Fitsum Asefa (PhD) – Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta