Soo Rogaalcelinta Ruwaanda (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Ruwaanda, dal yar oo aan bad lahayn, isla markaana dhaca bariga badhtamaha Afrika, dacalka koonfureed ee dhulbadhaha. Inta badan dhulku waa barwaaqo, cagaaran oo ilqabatin leh. Dadka dalkaas, waxa lagu sheegay 12.6 milyan, halka caasimadda oo Kigaali ah ay ku nool yihiin kaliya 1.1 milyan. Waa mid ka mid ah dalalka Afrika ee cufnaanta tirada dadku ugu sareyso.

Xasuuqii Ruwaanda

In badan ayaan dalkaas dhinacyada ka dhaafdhaafay, ka hor inta aanan dhawaan safar gaaban ku gaadhin. Dadka xog-ogaalka ahi, marka ay magaca Ruwaanda maqlaan, laba shay ayaa maskaxdooda ku soo degdega: xasuuqii raadgurka ahaa ee ka dhacay dalkaas sannadkii 1994-kii iyo soo kabashada la yaabka leh ee dalku sameeyey. Dhawr sanno ka hor ayaan akhriyey labada buug ee “An Ordinary Man: The True Story Behind Hotel Rwanda” iyo “Left to Tell,” Laba ruux oo dalkaas u dhashay ayaa hororkii ay goobjoogga u ahaayeen dunida u soo wariyey. Ka hore, sheekada buugga filim laga jilay oo caan noqday baa jira, dunidana ku baahay. Ta xiisaha lihi waxa weeyi ninkii buuggaa qoray Paul Rusesabagina, maxkamad ayaa dhawaan isla dalkaasi ku xukuntay 25 sanno oo xadhig ah. Argagixiso ayaa lagu helay baa la yidhi, iyaga iyo ku Allahoode…

Maqaalka oo dhammaystiran halkan ka akhriso   Soo Rogaalcelinta Ruwaanda