Aniga aragtidayda ummaduhu waa laba uun. Ummad saddexaad in ay jirto umalayn maayo haddii ay jirtana waa ummad khilaaftay sunnihii Illaahay kawkan ugu talo galay waana ummadda ugu ayaanka daran if iyo aakhiro.
Ummadaha aan ka hadlayaa waa mid adduunyo, mid aakhiro iyo ta saddexaad oo aan adduunyo iyo aakhiro midna ahayn, waana ta ugu liidata.
Markaa ninka hoggaamiyaha ah ama u hanqal taagaya in uu hoggaamiye noqdo waa in uu eegaa ummaddiisu qaybtee ayay galaysaa- ma tu aakhiraa, ma tu adduunyaa, mise waa mid aan labadaa midna ahayn.
Waa in uu u jiheeyaa ummaddu xagga ay tahay. Haddii ay tahay tu adduunyo haysata waa in uu adduunyadaa ku jeediyaa, haddii ay tahay tu aakhiro waa in uu xaggaa u jiheeyaa. Haddii labadaa midna ayna ahayn xaggee ayuu u jihayn? Isaga ayuun bay soo eegi. Markaa waa in uu been ku maaweeliyaa ilayn waxba uma hayee.
Markii dalka lagu soo noqday ayaan gaadhi ka soo raacay Berbera aniga oo Hargeysa u soo jeeda. Hudheellada jidka ayaanu is nidhi ka cunteeya. Miis ayaan fadhiistay. Isla markiiba dumarkii gaadhiga saarnaa ayaa hareeraha miiskii ka soo fadhiistay. Waan ka kacay oo mid kale ayaan fadhiistay kuna cunteeyay aniga oo dumarkii la yaaban.
Aniga oo maraya suuqa Idaacadda Hargeysa ayaan arkay dad cuntaynaya oo saxan laamida ku boobaya. Waa wada rag hal gabadh ayaa ku dhex jirta oo la boobaysay. Waxan xasuustay madaxweynihii hore Alle ha u naxariistee Maxamed Ibrahim Cigaal oo sida aan dadka ka maqlay laga hayo in uu yidhi:
“Sida guryuhu u dumeen ayay dadkuna u dumeen.”
Markaa ummaddeenu qaybtee ayay soo galaysaa? Waxay soo galaysaa qaybta saddexaad ee aan soo sheegnay in aanay ummad adduunyo ahayn, aakhrina adaa sheegi.
Dadku waxa ay tuhmaan kuwa safka hore ku tukada. Kuwaasi waa kuwa ugu dhibta badan ee masaajidka laga ammaan laayahay. Haddii aad ogaan lahayd dhibta ay ku hayaan midh midhka daacadda ah ee soo gala dhegaha ayaad faraha gelin lahayd. Aakhiro sidaa ayay ka yihiin.
Nin Koonfur Afrika ka yimid oo tabliiq ah ayaa ka wiswisay suuliyadeena. Kalmad cajiib ah ayaa laga guntay. Wuxu yidhi:
“Dhulkani waa sidii Nebi Aadan kaga tagay.”
Markaa ninka ummaddaa aan if iyo aakhiro midna ahayn u soo ban baxay in uu hoggaamiyo, waa nin yidhi waxaan dhaqayaa Lo’ aanu baad iyo biyo toona u hayn. Kuwaa hoggaaminta dadkan u soo banbaxay waa laba mid uun: waa kuwii ummaddan halkaa dhigay ama waa danayste calooshii-la-ciyaar ah oo kuwaasi dhabarka soo taabteen. Kuwa ummaddan halkaa dhigay oo layska qabto mooyee ummaddan kabteed ma taal!
Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:
Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa
Maxaad ka taqaanaa dadka waala?
Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?
Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?
Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay
Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com