Shiki kuma jirro in dawladdu tahay waxa ugu muddan ee aadamuhu sameeyay.haddana sidaas ay tahay dawladdu waxay leedahay xilli ay dhalato iyo xilli ay dhimato.dhalashadda dawladda iyo jirritaankeedaba waxa xukuma duruufaha ku xeeran samaysanka dawladda iyo isla falgalka dadka ku nool dawladaas, iyo hadba wixii la soo darsa ee wiiqi karra ama xoojin karra, ama halis galin karra.
Haddii dawladaasi tahay mid dadka oo dhami samaysteen raalina kawda yihiin, dhigteena heshiis bulsho oo kala xukuma dhaxdooda ย (constitution) heshiiskaas bulshona noqdo mid loo simanyahay.
Waxay taasi suurto galinaysaa in jirritaanka dawldaasi sii socdo, ama ugu yaraan aanay imanin dagaal sokeeye iyo qalalaaso gudaha ah.
Ka sokow duruufaha dibadeed ee saameeya dawladda, waxaan jecelahay inaan si gaarra u eegno,duruufaha guddaha ee saaqiddiya dawladda.
Saaqidnimadda dawladdu waxay ka bilabaantaa in ay ka soo bixi waydo hawlihii loo igmaday, oo ay ugu horeyso dhawrista heshiiskii bulshadu wadda gashay, dhawrista iyo horrumarinta nolosha bulshadda.
Marka ay dawladdu awood u leedahay in ay fuliso dhamaan hawlahaasi ama hawlaha kale ee loo igmaday, balse aanay fulinin,ayaa la odhan karaa dawladdu way saaqidday.
Ibnu-khalduun oo ahaa caalimkii ugu horeeyay ee ogaadda in dawladduhu ay leeyihiin cimri nololeed sidda aadamaha oo kale; ibnu-khalduun wuxuu ka waramay in dawladdu ay marto sadex fac ama (generation). Wuxu tilmaamayaa in sadexdaas fac ay faca koowaad yihiin aasaasayaasha,kuwa labaadna sii amba qaadaan dariiqii faca hore,halka kuwa sadexaaddi yihiin kuwa wax dumiya.sobobtuna ay tahay in ay noqdaan kuwo kaligii talis ah,muujiyana xoogga ay leeyihiin,si ay u aamusiiyaan cidda ka soo horjeedda,hamigooduna yahay,xukun iyo hanti boob,taasina keento ugu dambaynta burburka dawladaasi.
Laakiin cilmi baadhisaha casrigga ahi waxay tilmaamayaan in dawladda marka saaqiddo ee ay ku dhawdahay in ay dhacdo,la badbaadin karro dibna loo soo noolayn karro. Soo noolayntaasi cusubna waxay ku imanaysaa dadaal wadareed ay galaan bulshadaasi,uguna horeyso in wacyigoogu ku baraarugsanyahya halka la maraayo iyo sida ay tahay in la yeelo.
Talaabooyinka dib loogu soo noolayn karro dawladda laguna toosin karro waxa ka mid ah.
1:in haldoorka bulshaddu u iftiimiyaan dadkoodda halista ay leedahay kusii socoshada dariiqan,iyo waxa ay tahay in la yeelo.
2:in talaabooyinka la qaadayaa ay noqdaan kuwo nabad galyo ah,la iskana ilaaliyo in dhiig uu daato,ama burbur yimaaddo inta la iska ilaalin karro.
3:in la qorsheeyo talaabooyinka la qaadaayo mustaqbalka haddii ย laggu guulaysto qorshaha dib loogu soo noolaynaayo dawladda.iyadda oo laga duulaayo baahiyaha dagdagga ah.
4: in laggu dadaalo in dib loo dhiso hayโadda dawladda gaar ahaan kuwa adeegyadda asaasigga ah bixiya.
5:in dib u qaabayn cususb laggu sameeyo hayโadda amaanka u qaabilsan dawladda iyo bulshadda xidhiidhka u dhaxeeya.
6:la dagaalanka musuq maasuqu noqdo mudnaanta koowaad si dib loogu soo celiyo kalsoonidii dadka iyo dawladda.
Saaqidnimadda dawladda iyo talaabooyinka lagu saxayaa labadduba way ka balaadhanyihiin intan aan soo tilmaamnay hadda,waxase muhiim ah in aan ku baraarugsanaano mar walba halista ay leedahay iyo dhibaatooyinka ka dhalan karra saaqidnimadda dawladda.
Waa lagama maar maan in aan si joogto ah ula socono kolba halka ay marayso dawladdu iyo sidda ay u shaqaynayso,waayo saamayn toos ah ayay ku leedahay nolol maalmeedkeena joogtadda ah iyo jiritaanka mustaqbalkeenaba,way dhici kartaa in aan waqti cayiman waxba laga qaban karrin ama ay inaggu adkaan karto,laakiin waa daruuri mar walba in aan isha ku hayno,dhaliisha jirtana aan sheegno ugu yaraan.
mukhtaarmxd@gmail.com