Hadalka munaasibka ah iyo hadalka suuqdiga ah (WQ: Rashiid Odowaa)

Hadalku gaar ahaan erayada ama weedhaha way noocyo badan yihiin balse laba nooc oo waawayn haddii aynu u kala qaadno wuxu noqonayaa hadal munaasib ah (official words) iyo hadal suuqdi ah (Slang words),Hadalka munaasibka ah waa hadal la wada leeyahay oo dadka oo dhan isku afgaran karaan luqaddii la doono ha lagu tarjumo e.

Hase ahaatee hadalka suuqdiga ah ama cid gaar ahi isku afgarato isagu wuxu ku kooban dad gaar ah ama meel gaar ah sida magaalo,tuulo ama xaafad,sidoo kale wuxuu ku koobnaan karaa bulsho gaar ah Sida dadka;Ganacsatada,bacadlayaasha, meheradaha,iyo dadka suuqyada ka ganacsada dhamantood qolo kastaa waxay dhinaceeda u leedahay erayo ay iyagu isla yaqaanaan oo gooni u ah.

Haddi naynu ku horrayno hadalka munaasibka ah waxa uu leeyahay astaamahan;-

Waxa uu leeyahay qaab dhismeed sax ah,waxa uu tilmaamyaa waa caddaan waana hadal la wada fahmi karo

= Si fudud ayuu dhegaha dadka ugu dhacaa waana la fahmaa ujeedada uu gudbinayo.

= waa hadalka ay isleeyihiin isaga iyo madasha laga soo jeedinayaa,waa uu qaabaysan yahay,waxa uu qurux u yeelaa qofka soo jeedinaya,dadka dhegeysanaya waxa uga kordha faham.

= badanaa waa uu cimri dheeryahay isma beddelo oo muddo qarniyo ah ayuu jiri karaa.

= Kaftan hufan iyo qosol waa uu yeelan karaa

Hadalka suuqdiga ah (slangs) isagu  waa uu ka duwan yahay waanu noocyo badan yahay waxa ka mid ah astaamihiisa;-

waxa samaysta koox dad ah oo gaar ah ama saaxiibbo ah,ma qaabaysna oo mar mar ayaa xagga danbe loo akhriyaa ama loo yidhaahdaa,tusaale ahaan Qof dumar ah ayaa lagu tilmaansadaa magac u yaal rag ah Sida “Isaga”

= Inta badan wuu maldahan yahay oo mararka qaar lama fahmo,waxa fahma uun dadka isla yaqaanna.

= marar badan ayaanu ku munaasib ahayn halka loola jeedo oo aflagaado loo arkaa ama dacaayad.

= Muddo marka uu joogo waa uu ka baxaa saaxadda oo waxa uu noqdaa(Outdated) macnaha waa laga badow baxaa.

KAHASAARAHA IYO FAAIIDADA

Hadalka munaasibka ah isagu faa’iido ayuu leeyahay inta badan is afgarad ayuu keenaa,hadalka suuqdiga ah faa’iidadiisa waxa ka badan khasaarihiisa waxa ka mid ah.

= Waxa uu keenaa is faham la’aan iyo jaha wareer umaddana wuu marin habaabiyaa.

= Waxa uu keenaa isku dhac iyo qardoofooyin badan waanu is nacsiiyaa dadka.

= Waxa uu yareeyaa xikmaddii iyo sharfta hadalka.

= Waxa ku badan haddalada aan minaasibka ahayn  ama dacaayadda iyo hafarka iyo canbaaraynta.

Haddaba waxa baryahan danbe dadka dhexdeeda ku soo badanayay hadalka suuqdiga ah ee maldahan,waxa ka sii daran dadka madaxda ah iyo aqoonyahanka qaarkood oo iyagu ah dadkii umadda hagi lahaa ah ayaa iyagu aad u buun buuniya oo ka dhiga hadalka suuqdiga ah wax wayn oo muhiim ah.

Guntii iyo gabagabadii waxan soo jeedin lahaa waa in hadalka lagu sameeyaa xulis oo la miisaamaa erayba erayga uu ka qiimo badan yahay loo adeegsadaa marka meelaha fagaarayaasha ah ama warbaahinta hadalka laga sii daynayo,taas waxay keeni doontaa is faham iyo wanaag umadda dhexeeda ah.

 

Rashiid odowaa M.A.Diplomacy and IR

Khadarsalaan@gmail.com

063-4101213