Somaliland iyo Africa: laba is hurran (WQ: Jamal A. Muse)

SOMALILAND & AFRIKA: Labo Is Hurran.

++++++++++++++++++++++++++++++

“Ka Mid Ahaansho Iyo Is Dhexgal Bulsho”

 

HORDHAC:

Ugu horreyn, waxa maanta gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal aannu ku ku soo dhaweynay Guddoomiyaha  Baarlamaanka Dhallinyarada  Qaaradda Afrika “African Youth Parliament”, guddoomiye ku xigeenka iyo saddex xubnood oo ka tirsan Ururka sare ku xusan, kuwaasi oo muddo shan maalmood ah ku sugnaan doona dalka.

Haddaba, haddii aynnu is waydiino waydiinta ah “Waa Maxay Ururka African Youth Parliamnet?”, akhiste jawaabta oo koobani waxay noqoneysaa sidatan:

▪ Ururka Baarlamaanka Dhallinyarada Qaaradda Afrika “African Youth Parliament”, waa urur dhallinyaro oo mideeya dhallinyarada 54 dal oo dhaca Qaaradda Afrika.

▪Urur Qaaraddeedka Baarlamaanka Dhallinyarada  Afrika “The African Youth Parliament” waxa la aasaasay ku beegnaan dhammaadkii sannadkii 2002,

▪Waxa lagu aasaasay shir-weyne  ka dhacay magaalada Nairoobi ee dalka Kenya, 23 October to November 2, sannadkii 2002-dii,

▪Waa urur midnimo oo ka wakiil ah dhammaan dhallinta Qaramada Qaaradda Afrika.

UJEEDKA & MUDNAANNAHA:

▪ Hoggaaminta Dhallinyarada,

▪ Dhismaha /Ilaalinta/Kobcinta Nabadda,

▪ Xoojinta Isku socodka Iyo Is dhexgalka,

▪ Dhiirigelinta Horumarinta Qaaradda,

▪U Dooddista iyo Dejinta Hannaanka xalka  Caqabaddaha Dhallinyarada Qaaradda.

GABAGABO:

Ugu horreyn Jamhuuriyadda Somaliland waa dalka mid ah Qaramada Qaaradda Afrika, waana muhiim inuu xidhiidh dhaw oo dal iyo dad ah la wadaago Qaaradda Afrika. Sidoo kale, ahmiyadda ay booqashada waftigan Baarlamaanka Dhallinyaradda Afrika u leedahay dalka , waxa ka mid ah:

▪Ka mid ahaanshaha ururka, waayo waxa xubin ka ah Cabdirisaaq Danaakiloo Somaliland ku metela, ka tirsan Wasaaradda a a Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL,taasi oo macnaheedu yahay Baarlamaanka Dhallinyarada Afrika waxay aqoonsan yihiin dalnimada Somaliland,

▪ Magacsamaan dal iyo dad ah ,waayo xubnaha waftigu waxay ka kala socdaan shan dal , waxayna metelayaan Dhallinyarada  54 dal oo ah Qaramada Qaaradda Afrika.

▪ Is dhexgal bulsho gaar ahaan Dhallinyarada.

▪Dal iyo Dad Barasho ay kala hoydaan xubnaha waftigu,

▪ Iwm.

 

Allaa Mahad Leh,

Wada Socod Wacan.

Jamal A. Muse