Gorfayn
Buugga: Mashruucii la dagaallanka Nuurka
Tirada bogagga: 273
Tarminta: koowaad
Magaca qoraaga: Imaam CabdiRaxmaan Cismaan
Iftiinka tamarta daran ee uu mugdigu u xoog-sheegtay ee ka muuqda jaldiga buugga kolka aad aragto – waxa aad isla markaasba guddoomaysaa farriinta qayla-dhaanta ah ee uu yeedhinayo iftiinka laga hiiliyay, iyo itaalka uu sheegtay mugdiga loo hiiliyay.
Gudaha waxa aad ugu tegaysaaa sheeko mala-awaal ah, bal se xidhiidhka iyada iyo waaqica ka dhaxeeyaa uu la mid yahay xidhiidhkii ka dhaxeeyay sheekooyinkii Libaaxa iyo deegaanka Soomaalida.
Wiilkii yaraa ee 70 gu’ hortood ku noolaa meel ka mid ah deegaanka Soomaalida, sheekooyinkii Libaaxa ku saabsanaa ee looga sheekayn jiray ma ay ahayn sheekooyin dhammaantood dhab ahaan u wada dhacay, bal se haddana waaqiciisa kama uu maqnayn Libaaxu.
Haddii aad dhinac ka soo joogsato, waxa aad odhan kartaa wiilkaas yar bac baa lagu xidhayay; halka aad dhanka kale uga arki karto in sebigaas yar looga digayay halis ka jirta deegaankiisa oo uu ilbidhiqsi walba filan karo in uu la kulmo – waxa ay ku xidhan tahay hadba xagasha aad adigu doorato; bal se gacantaada waa ay ka baxsan yihiin dhibka iyo dheefta ka dhalanaya doorashadaadu.
Si taas la mid ah, sheekadani ma aha mid run ahaan u dhacday – sida aanay u ahayn mid waaqiceenna ka maqan; iyada oo kolal badan helaysa dhacdooyin maalinle ah oo marag-fur u ah xidhiidhka ay la leedahay waaqica.
Sababtaas awgeed ma aha mala-awaal waaqica ka muruxsan, sida aanay u ahayn run engagan. Waxa aynu u doori karnaa eray isla falgeliya runta iyo mala-awaalka – waaba haddii aynu qaamuuska afka soomaaliga ka soo helno eray macne ahaan u dhigma isla-falgalka labadaas dhinac e.
Isla kolka aad aragto magaca buuggan, waxa aad liiska sharka ku qoranaysaa mashruucan qudhiisa. Gees kale kolka aad ka istaagto isla magaca buugga, waxa uu noqonayaa: “Mashruuca faafinta mugdiga” – sababtaas awgeed ayaa uu darafka aad ka joogsataba u yahay mashruuc dhagaraysan.
Isla kolkan ayaa ay maskaxdaada isku garbinayaan mawjado weydiimo ahi – Nuurku la la dagaallamayaa waa kee? Muxuu se galabsaday? Yaa la dagaallamaya? Halkee ayaa uu ka dhacayaa dagaalka nuurka ka hor jeedaa? Maxaa ay se ciddaas nuurka uga door-bidday nuur la’aanta?
Buugga waxa aad kala furaysaa iyada oo aad u maaro la’dahay weydiimaha maskaxdaada boobaya ee ay laba jeeraaleba si wada-jir ah u cariyeen magaca buugga iyo jaldigiisa oo isku sidkani. Weydiimaha ugu mudan ee uu buuggu kugu dhalinayo ka hor inta aanad akhriskaba bilaabin ayaa ah: Waa ayo cidda fulinaysaa mashruucan? Yaa ay ku metelaan fulinta mashruucan? Maxay se ku doorsadeen fulintiisa?
Buuggani waxa uu dib u qaabaynayaa habka uu caalamku kuugu kala qaybsan yahay; waxa uu dib u qeexayaa deegaanka kugu hareeraysan; waxa uu kuu fiiqaysaa indho aad ku aragto duni kugu xeeran bal se kaa dahsoonayd; waxa uu diiradda kuugu qabanaya qofaf muuqaal ahaan wanaagsan bal se xaqiiqo ahaan foolxun; mashruucyo lagu ladhay magacyo qurxoon bal se ay ku lammaan tahay ujeeddo wasakhaysani; iyo kooxo aad filaysay in ay kala duwan yihiin bal se isku mid ah oo xarun qudha laga maamulo, cid qudhana u wada adeega.
Waxa kale oo ay sheekadani si xeeladaysan kaaga jawaabi doontaa weydiimo kugu taagnaa: sababta aad u aragto aflegaaddada culimada oo loo tartamayo? Mararka qaarna sababta aad u aragto culimada qayb ka mid ah oo mar walba bixisa fursad lagu aflegaaddeeyo? Sababta aad u aragto wadaaddo weerar ku ah isla diinta ay wadaadka ku yihiin? Sababta halyeeyo looga dhigo duul aan nolosha waxba ku soo kordhin? Sababta aad u aragto dhallinyar ku soo barbaartay dhul Islaam oo aan weligood dhinacna u dhaafin oo haddana u haliilaysa gaalnimo aanay waxba uga bidhaansanayn?
Waxa ay ku fahansiinaysaa dhacdooyin aad filaysay in ay iskood isaga dhacayaan bal se run ahaan ah dhacdooyin la ridayo si looga helo maxsuul cayiman; waxa ay iskugu kaa xidhiidhinaysaa dhacdooyin aad u malaynaysay in ay kala goonni yihiin; iyada oo si durugsan kuugu soo tebinaysa in dhacdooyinkaas mid kasta oo ka mid ah ay cid gaar ahi u qorshaysay xilli cayiman, si ay uga gaadho ujeeddo u adeegaysa dagaalka ka hor jeeda nuurka.
Mar qudha ayaa aad si kama’ ah ugu hambabari doontaa – farshaxannimada loo taxay qaybaha sheekada awgeed, adiga oo badhtanka ugu jira laba saf iyo dagaalkooda: safka shaydaanka iyo safka Eebbe – waxa se ku cabsigelinta doonta kolka aad ogaato in dad badani kas iyo kama’ ba, ay ka soo jeedaan safka shaydaanka, waxa se murugo kugu tallaalaysa kolka aad xaqiiqsato in ay aakhiradooda ku doorsadeen ka-soo-jeedsiga safka khaldan.
Dadkaas iyo ficillada ay fulinayaanba waxa ay si isku mid ah ugu adeegayaan ujeeddo kaliya oo ah isla mashruucii aynu bilowgiiba liiska madow ku darsannay – dabcan immika waxa uu noqnayaa liiska madow ka ugu madow; waana isla mashruuca uu soo xayaysiiyay Iblays ee ay daafaha caalamka u kala rareen idmanayaashiisa aan daalini. Waxa amakaag noqon doonta kolka uu jiritaanka Mashruucan Quraanku u marag-furo – aayadda 8aad ee suuradda 61aad.
Mararka qaar ayaa ay dhacdooyin siyaasi ahi soo dhex galayaan sheekadan – dabcan siyaasaddu waa halka ugu doorran ee mashruucan laga fulin karo e. Dhacdooyinkaas qaarkood, cidda ka dambaysay iyo ujeeddooyinka laga lahaa ayaa aan kaga aragti duwanahay qoraaga – sida nidaamka federaalka ee Soomaaliya, la’aanta dawlad dhexe, Muxaakimiintii, doorashooyinka, doodaha midnimada iyo goonni-isu-taagga iqk.
Guud ahaan, buuggani waxa uu mudan yahay in qof wal oo afsoomaaliga akhriyi karaaba uu akhriyo, sida oo kalena afaf badan loo haltebiyo si uu qof wal oo Islaam ahi fursad ugu helo akhriskiisa; uguna baraarugo weerarka lagu beegsanayo iftiinka uu Ilaahay geliyay qalbigiisa – oo ah bedbaadada qudha iyo raasamaalka hubantida ah ee uu bashar dhulka korkiisa saarani hantiyi karo.
Gunaanadkii, waxa aan si aad ah u bogaadinayaa qoraaga Imaam Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac oo run ahaan soo bandhigay sheeko-faneed waaqici ah iyo dhacdooyin la isugu xidhiidhiyay si farshaxannimo ah oo heerkoodu sarreeyo.