Gefaf Qoraal iyo Gol-daloolooyin Iiga Muuqday Buugga Warjire: Xog iyo Xusuusqor Ee Axmed Siciid Cige Q.2aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Gef Iiga Muuqday Buugga Warjire: Murashaxnimadii Madaxweynennimo Ee Jamaal Cali Xuseen iyo Hannaanka Qoraagu U Tebiyay!

 

Marti-sharaftii lagu marti-qaaday daahf-furka Warjire 28kii Feberweri 20202ka, waxa ka mid ahaa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo ahaa Murashixii Jagada Madaxweyne ee UCID 2012-2016, waxaanu ka mid ahaa dadka sooyaalkoodu buugga ugu qoran yahay sida taban, aan habboonayn ama meel-ka-dhaca ila ah. Marxalado siyaasi ah ayuu qoraagu ku saleeyay aragtidiisa.

 

Waa aynu arki doonnaa waxa gurraca ila noqday ee ku yaalla bogagga 353 iyo 356 ee Warjire. Waxa Jamaal loo yeedhay isaga oo aan loo sheegin in buugga lagu durayo si uu isaga difaaco eedda loogu jeediyay ama uga muquurto. Wuxuu buuggu Jamaal Cali Xuseen ku xusayaa afar bog oo wax la’, waa laba ah faallo ama aragti qoraagu iska leeyahay iyo laba ah taariikh uu qoraagu ka soo xigtay qof aanu sheegin oo sawirkoodu lifaaq ahaan ula socdo qormadan.

 

Suxufigu wuxuu ka warramayaa ugu horrayn bogga 353aad kaga in uu Jamaal aqoon u lahaa illaa ardaynimadiisa, wuxuu u gudbayaa waayihii siyaasadeed ee xisbiyada UDUB, UCID iyo ugu dambayn KULMIYE. Waxa uu ku xigsiinayaa sidii ay heshiiska u galeen UCID iyo Garabkii Jamaal Cali Xuseen ee UDUB iyo shirkii golaha dhexe ee UCID ku ansixiyay heshiiska 28kii Oktoobar 2012ka.

 

saga oo aan wax kale ku xigsiinnin, aan faaqidin doorkii ay ka qaateen soo bixidda xisbiga doorashadii Goleyaasha degaanka ee 2012ka ayuu u boodayaa laaliddii heshiiska ee 8dii Nofember 2016ka. Wuxuu sheegayaa in maalintaas uu si dhex u shaqeeyay, oo aanu dhinacna raacin. Haye!

Markuu ka gudbo labadaas dhacdo ee is-barkan, ee ah bilawga iyo dhammaadka uu isku tolay, waxa uu raacinayaa “Dhacdada labaad ee aan ku xusuusto kacaakufka siyaasadeed ee Jamaal Cali Xuseen waa kolkii magaalada Gebiley inuu galo bishii Oktober 4, 2013, isagoo hogaaminayay wafdi sare oo ka tirsan aa xisbiga mucaaridka ah ee UCID” oo adeer dhacdada hore ma heshiiskii la galay baa mise waa laaliddii heshiiska?

 

In Jamaal Cali Xuseen loo diido Gebiley ma kacaa-kufbaa mise waxa ay muujinaysaa saska iyo selelka laga qabay? Ma isaga ayaa kacay, kuna kufay mise cid ayaa xadgudubka lahayd? Ma dhibbanihii ayaynu qof guuldarraystay ka dhignaa? Cadaadiska iyo cabudhintu waxa ay xisbiga mucaaridka u tartaa taageero. Dadka xaqa jecel ayaa ku gacan-saydha dulmiga, markaas ma kacaakuf baa?

 

Wuxuu ka warramayaa dhacdo saddexaad oo ay Jamaal Cali Xuseen ay kulmeen 1999kii markaas oo Jamaal dalka yimi isaga oo wakiil ka ah Somaliland Forum, oo dhisayay xarunta agoomaha Hargeysa. Kaddibna waxa uu qoray Axmed Siciid Cige “Haddaba dhacdooyinkaa na dhex maray Jamaal Cali Xuseen ayaa uu kaga mid noqday dhallinyarada waaya-araga ee aan u doortay in uu buuggeygan dadka ugu soo bandhigo”. Waxa aan ka leeyahay ma sidiisa ayuu ugu qalmayay inaad ugu darto mise kulankiinna ayuu waayo-arag ku noqday?

 

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ma dhallinyaro ayaad u taqaannaa mise waayeel iyo waxgarad jooga xilligii uu qaranka hoggaamin lahaa? Da’da dhallinyaradu waa tee? Haddii aydaan kulminba miyaanu ahayn nin u qalma in sidiisa taariikh looga qoro? Ah! Oo immaka haddii aad berigii i waraysato saw nin qiimo iyo qaayo leh oo buuggaaga gala ayaan noqon lahaa, way i seegtay.

 

Waxa uu yidhi “Taariikhdan ayaan Jamaal Cali Xuseen ka diyaariyay”. Halkaas aynu ku hakanno in yar.. Waa naqdi ay tahay in qodob-qodob loo dul joogsado. Taariikhda ku saabsan Jamaal Cali Xuseen ee uu Axmed Siciid Cige sheeganayo inuu diyaariyay waxa warbaahinta lagu faafiyay Ogos 2016kii, waxaana xuquuqdeeda lahaa  Mohamed Dhimbiil. Xitaa qalinkiisu waa uu ka booday xuska iyo xigashada. Markaas side ayay xuquuqda buuggiisu u dhawrsanaan kartaa?

 

Haddii uu qoraagu caddeeyo kulan ay Jamaal Cali Xuseen yeesheen oo uu taariikhdiisa ku weyddiiyay ama waraysi uu ka qaadayba, waxa aan ay marag u noqon lahayd inuu dhigaalkaas qoray. Labada bog ee 354 iyo 354 ayay ku taallaa taariikhda Jamaal ee uu diyaariyay Maxamed Dhimbiil.

 

Bogga 356 ee Warjire ayaynu u gudbaynnaa, waa meelaha ugu lafa-gurka mudan. Marka uu taariikhda Jamaal dhaafo, waxa uu Axmed Siciid Cige qoray weedhahan aan macaal qalloocooda higgaadeed ku minguuriyay ee ah “Jamaal Cali Xuseen dadka siyaasadda soomaalida faalleeyaa ay qirayaan in inkastoo uu guulo waaweyn ka gaadhay xagga tacliinta, laakiinse uu tiirar muhiim u ah dhaqanka siyaasadda Soomaalida uu qalday.

Waana tiirka qabyaaladda ku dhisan Somaliland waa markaygii” oo uu ka booday. Haddii aan idiin sii jilciyo Jamaal waxa ay isku beel hoose yihiin alla ha ha u naxariistee Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne Xigeen Axmed yuusuf Yaasiin oo muddo 17 sano ahayd soo xukumayay Somaliland isu geyntooda 1993-2010”

Halkan waynu faaqidaynnaa oo nalka ku shidaynnaa. Axmed Siciid Cige waxa uu sheegay in Jamaal Cali Xuseen ku degdegay murashaxnimada madaxweyne oo ay hortii Marxuun Cigaal iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ahaayeen madaxweyne iyo ku-xigeen muddo ah 10 Cigaal ah iyo 8 Axmed ah.

Waa weyddiin’e, in Daahir Rayaale Kaahin ahaa siddeed sanno Madaxweyne ama uu maanta Madaxweyne ku-xigeen yahay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Seylici 10 sanno ku xigeen, miyaa ay u diidi kartaa in Baresare Axmed Ismaaciil Samatar ama Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle ay u tartamaan Madaxweyne iyo ku-xigeen? Ma xeer ayaa dhigaya inaanad madaxweyne u beretemi karin haddii adeerkaa noqday madaxweyne ama ku-xigeen?

Axmed Siciid Cige oo qoraalkiisii sii wata ayaa yidhi “Jamaal kamuu eeginba dhinacaasi in xitaa beelweyntiisa siyaasiyiin kale ku qabsan doonaan murashaxnimada madaxweynaha sida Muse Biixi oo kale oo markoodii ay ahayd. si kasta ha ahaatee waayo-aragnimo ugu filan ayaan filayaa jamaal inuu casharadii uu ka booday dib u naqtiimo, inkastoo markii horeba dad badan oo nasteex u ahaa oo aan ka mid ahaa uga digeen khaladka uu ku socday, iyo ragga hor boodayay ee uu rarayay inaanay hadhaw u furi-doonin”

Horta Jamaal Cali Xuseen waxa uu murashax madaxweyne noqday markii kowaad Disember 2011kii, waxaana la doortay Jeneweri 2012kii oo UDUB ah, markii dambena Julaay 2012kii oo UCID ah, halka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi noqday murashax madaxweyne oo gole-dhexe lagu doortay Noofember 2015kii. Markaas ma waxa ay Jamaal Cali Xuseen iyo ummadduba sugi lahayd inta uu Muuse Biixi Cabdi is-sharraxayo?

Ta kale haddii ay Muuse Biixi Cabdi iyo Jamaal Cali Xuseen labaduba noqdaan murashixiin madaxweyne, saw cod-bixiyeyaashu ma kala saareen, ma beel ayaa kala saaraysa? Saw horeba uma ay tartamin Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Cumar Carte Qaalib 1993kii oo xildhibaannadu kuma kala saarin shirweynihii Boorama? Midda kale yaa deegaanka Jamaal Cali Xuseen ka soo jeedo ku khasbi kara qof?

Haddii aad tidhi “Waa markii Muuse Biixi reerkooda” yaa xaqaas siiyay beeshaas keligood? Tolow adeer markayagi waa hadma, annagu ma aannu korin kursiga weli? Markee ayay reerkiinna hoose u yeelanayaan? Waa markee marka Oodweyne, Balligubale, Buuhoodle, Badhan iyo Seylac? Ma qalad baa inaad hoggaaminta qaranka doonto adiga oo aqoon ahaan dhisani?

Goorma ayaad talada siisay Jamaal ee uu kaa diiday? Suxufi ayaad ahayde weligaa miyaad waraysi ka qaadday Jamaal? Ma adiga ayaa shaambad foolxun la dhacaya mise annaga qalad ku ahayn taageeradiisa? “Khaladka uu ku socday” ayaa qoran. Ma waxa sax ahaa in hadh cad laga baxo heshiiskii la galay? Maxaad u caddayn weyday halka sartu ka qudhun tay?

Haddii Jamaal Cali Xuseen laga horjoogsaday in uu hankiisa u bereeetamo, miyaanay guul ahayn in uu udub-dhexaad u ahaa in ay halgankiisa ku soo baxaan intaas oo siyaasi oo kale?. Axmed Siciid Cige, waxa uu ku gefay dhammaan dadkii New UCID ee faraha badnaa ee ahaa iyo guushii ay xisbiga ku soo kordhiyeen inay sababtay inay soo saartay Maayarka Gabiley, Maayarka Berbera, Maayarka Laascaanood iyo maayar ku xigeenka Hargeysa.

Wuxuu qiri kari waayey in hadduu eed dusha ka huwinayo oo uu ku eedaynayo qabyaaladda ayeey arki waayeen, laakiin wuxuu siin kari waayey midhkoodii ahaa in tartankii ururraddii 15 ka ahaa in uu dedaalkoodu sababay in xisbi Qaran Oo 3 dii soo hadhay ah guushiisa ay horseed ka ahaayeen.

Midhka kale lama arag in yidhaahda “Qof Baan taariikhdiisa qorayaa haddana anigaa fikraddayda ku dhex walaaqaya qoraalka taariikhda ah”. Habeenkuu buugga soo bandhigayey, waxa uu sheegtay inuu daacad yahay oo aanu cidna ku duraynnin, laakiin taasi run ma noqon oo isagoo wax duraya weliba sidii siyaasiyiinta wax u duraya ayuu ka dhex buuxaa buugga.

Axmed Siciid Cige isaga ayay u taallaa inuu qaladkiisa saxo, kana bixiyo xaal iyo raalligelin gole-joog ah.