Hargaysa waxa ka jirtay islaan maskax ahaan aan u fayoobeyn oo caan ku ahayd ‘Laydh qabow’. Maalin iyada oo ku celcelinaysa LAYDH QABOW, ayuu nin ku yidhi” laydh kulul”, markaasay ugu jawaabtay” kugu koobnaatay”. Sidaasi darteed noloshu is-tuurtuur ma waydo. Weerarada noocyada badan ee ay siyaasiyiintu isku duran waa mid aan xad lahayn markaad eegtid caalamka. Goob kasta waa la isku gujiyaa sida imika ay isku gujiyaan siyaasiyiinta Soomaalilaan. Waxa jirta qaaciido ay siyaasiyiinta qaarkood ku shaqeeyaan oo odhanaysa “Be an attacker, not defender”. Wax guji intii aad gujo kasta ka jawaabi lahayd. Malahayga guddoomiye Faysal taasi ayuu niyada ku hayaa. Xanta iyo hadal-hayntu way ku badan tahay siyaasiyiinta. Meles Sanaawigii Itoobiya ayaa laga hayey” Dadku bidaartayda way ka sheekayn karaan, mase taaban karaan”.
Labada duq ee musharaxiinta ka ah xisbiga Dumuquraadiga Maraykanka, ee kala ah Joe Biden iyo Bernie Sanders ayaa isku galay dugsi waxbarasho oo xafladi ka dhacaysay New Hampshire Primary. Wuxuu mid kastaa ku dadaalayey in aan goobta guul lagala carraabin. Biden ayaa judhiiba weerarka qaaday oo si duurxul ah u yidhi” waa in aanad noqon is-difaace weerar uun suga, hasayeeshee weerarka ku hore halkii aad is-difaaci lahayn uun” waxa markiiba sidiisii si la mid ah uga jawaabay Sanders oo yidhi” waxaad sheegaysaa waxa ay ku xidhan tahay noocay u dhadhamayso”.
Dhawr xafladood oo ay labada oday geesaha isku dareen, kolba mid ayaa weerarka ku horaynayey. Waxa aan uga socdaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa bilihii ugu dambeeyey weeraro siyaasadeed oo is-daba-joog ah ku qaaday kolba masuuliyiinta ay ku kulmaan xafladaha. Waa dhaqan siyaasadeed oo xirfad sare leh in masuuliyiintu is-gujiyaan marka goob la iskugu keeno, sida kuwa caalamka oo kale. Inta badan guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu qaatay siyaasadda ah inuu marka hore weerarka qaado oo masuuliyiinta kalena ay difaaca galaan. Madal aan loo kala hadhin ayuu Golaha Guurtida ku yidhi” “Adduunka ma jirto aqal aan la dooran, oo haddana la yidhaa waa ka ugu sarreeya dalka. Dadka galaya ma aha dadkii beelaha ka yimid, dhaxal buu noqday, inan yar oo koofiyad qaatay oo uu aabihii ka dhintay , oo aan dawladnimo garanaynin ayaa la yidhi guurti ayaad tahay, adiga ayaana kalmadda ugu dambaysa leh”.
Masuuliyiintii goobta fadhiday ee Guurtida ka tirsanayd waxa ay markiiba ku mashuuleen jawaabta iyo waxa laga odhanaayo. Xus loo sameeyey SNM oo uu guddoomiye Faysal ka qaybgalay, oo si weyn loogu dheeraaday halgankii iyo faa’iidooyinkii SNM horseeday. Ayuu Faysal hadalka qaaday waxaanu yidhi “Waxaa nasiib darro noqtay in SNM markii ay dalka qabsatay ay soo baxday habacsanaan dhanka xukunka ah, marka dhallinyaradii daryeeli waayeenna khayraadkii yaraa ee dawladdii ay ku filaan weyday, ayaga dhexdoodii ayaa isku dilay, markii laga soo kabtayna siyaasad loo dhan yahay may samayn”. Nin ka mid ahaa siyaasiyiintii SNM oo goobta fadhiyey oo hadalkiisii hore u dhammaystay ayaa dib hanqalka ula soo kacay, oo si cabasho ah u yidhi” maan doonayn in aan dib u soo noqdo, laakiin jawaab aan Faysal u hayo ayaa I soo celisay. Faysalow SNM shantii madaxweyne ee Soomaalilaan soo maray saddex ka mid ah ayaa SNM ahaa”. Isaga oo ay cadho ka muuqato wejigiisa ayuu sheegay in aan SNM hogaanka dalka loo dhiibeen haddii aanay shicibka kalsoonika haysan.
Wakhtiyadii xisbiga Kulmiye uu hogaanka dalka ku cusbaa ayuu Faysal ka hadlay xaflad kulmisay saddexda xisbi waxaanu yidhi” Qoladii UDUB sidii aanu u cambaareynayn ayuu diirkii sare qolof noqday oo ma damqadaan, KULMIYE diirka sare ayaa dambaqanaya oo dhaliisha ma xamilayo”. Inta ay masuuliyiinta xilka haysaa difaac ka galayso weerarada Faysal, waxa ay ahayd in iyagu ay weerarka ku horreeyaan oo Faysal marar difaac galo. Imika waxa ay maraysaa in masuuliyiinta qaarkood ay baqdinta ay ka qabaan weerarada Faysal ay hadalkoodba ku bilaabaan,” haddii uu hebel na soo doonto waanu iska celin” sidii foodley yar oo laga gardaraaday.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan