Gorfayn waxbarashada Qaranka Somaliland Q3aad (WQ: Bare Sare Maxamed Cumar Dhagax)

 

Q3: Mabaadiiโ€™da guud ee Xeerka Waxbarashada Qaranka JSL:

Hodhac:

Waxaynu qormooyinkii hore kaga soo hadalnay laba farqadood oo ka mid ahaa qodobka 5aad ee xeerka waxbarashada Qaranka Somaliland, qormadan 3aadna waxaynu ku eegaynaa oo si mug leh u falama guraynaa mabaadiiโ€™da guud ee xeerka waxbarashada qaranka Somaliland.

Mabaadiiโ€™da Guud ee Xeerka Waxbarashada Qaranka JSL:

Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa mabaadiiโ€™da guud ee xeerka Waxbarashada Qaranka JSL, hadaba ka dib markaynu dheehano mabaadiiโ€™da guud ee xeerka waxbarashada Somaliland, waxaynu qaadaa dhigaynaa bal inta ka shaqaysa mabaadiiโ€™dan guud iyo inta meesha ka maqan. Waxaan si mug leh oo miisaaman u taabanayaa qodob qodob. Markaan arintan qalinka u qaatay ugu maan talo gelin in aan eedo iyo dhaliilo u soo jeediyo Wasaarada Waxbarashada Qaranka, maadaama oo aniguba ka mid ahay, balse waxaan rabaa in aan taataabto boogaha aynu leenahay kolkaasina aan mid kasta ku daro xalka iyo dawada aan ka keeni karo garaadkayga yar. Waxaan sidoo kale arintan u qaatay in aan ka mid ahay dadka xogta waxbarashada qaranka aadka ugu xeel dheer; taasoo macnaheedu yahay in aan ka hadlo intaan xogmoogayaal ka hadlin sababtoo ah waxaa maahmaah soomaaliyeed ahayd XOG MOOGE XAAJO WAA DILAA.

Ugu danbayntii qodobada hoos ku suntani waa mabaadiiโ€™da guud ee xeerka Waxbarashada Qaranka JSL:

  1. Shareecadda Islaamka oo ah sharciga dalka ugu sarreeya ,waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda sida uu dhigaayo qodobka 5aad, faqradiisa 2aad ee dastuurka Somaliland
  2. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay waxbarasho
  3. Horumarinta, baahinta iyo fidinta waxbarashada iyadoo la gaadhsiinaayo gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka.
  4. Taabbo-gelinta Waxbarasho tayo leh oo suurto-gelisa horumar dhinac walba ah
  5. Bixinta Waxbarasho aasaasi ah oo khasab iyo lacag laโ€™aan ah, marka ay duruuftu saamaxdana waa in ay dowladdu gaadhsiisaa dugsiyada sare.
  6. Dhiirrigelinta waxbarasho ku dhisan baahiyaha iyo waayaha deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada Somaliland iyo hirgelinta Manhaj midaysan
  7. Barashada iyo tarbiyadda diinta Islaamka dhammaan heerarka waxbarshada dalka
  8. Dhiirrigelinta iyo kor u qaadidda Waxbarashada Haweenka
  9. Dhiirrigelinta xuquuqda aadamaha, talinta sharciga, caddaaladda, waxqarsi laโ€™aan iyo hannaan ku dhisan la-xisaabtan iyo daah-furnaan (hufnaan) oo ka jawaabaya danaha dadweynaha
  10. Horumarinta daacadnimada, xisaabtanka iyo habsami u maamulka arrimaha waxbarashada iyo hantida qaranka
  11. Xaqa furashada dugsiyo waxbarasho oo gaar ah si waafaqsan xeerka
  12. Baahinta iyo hoos u-daadejinta maamulka Waxbarashada
  13. Dhiirrigelinta ka qaybgalka waxbarashada iyo kor u-qaadidda iskaashiga dhammaan daneeyeyaasha ku hawllan waxbarashada
  14. Kobcinta waxbarashada sare, Dugsiyada farsamada, tiknooloojiyadda iyo goobaha cilmi-baadhista,
  15. Ilme (Ubad) kastaa waxa uu xaq ugu leeyahay waalidkiisa waxbarasho iyo barbaarin

Falanqaynta:

Hadaba markaan soo qaadano qodobka 6aad ee xeerka mabaadiiโ€™da guud ee Waxbarashada Qaranka JSL faqradiisa 5aad waxaynu ku soo aragnay amaba ka dheehanaynaa sidatan: (Bixinta Waxbarasho aasaasi ah oo khasab iyo lacag laโ€™aan ah, marka ay duruuftu saamaxdana waa in ay dowladdu gaadhsiisaa dugsiyada sare). Hadaba waxaa meesha taala ma jirtaa arintani oo ubadkeenu meelkasta ha joogaane ma helaan Waxbarasho aas-aasi ah oo lacag laโ€™aan waana keliya dhanka dugsiyada hoose/dhexe? Maxay u heli waayeen maadaama ay ka mid tahay mabaadiiโ€™da guud ee xeerka Waxbarashada Qaranka JSL? Yaa ka masuul ah in ubadku helaan waxbarasho lacag laโ€™aan ah? Hadiiba ay waayaan yaa u diidan? Ma maamulayaasha dugsiyada iyo Barayaashooda ayaa hor taagan? Mise waxaa hor taagan maamulka heer qaran, gobol, degmo ama bulsho ee Waxbarashada? Denbigaasi cid uun buu afka saari doonaa sababtoo ah ma jirto gar laba qoloba gar daro ku wada xukuntaa!

Sidaynu wax iskaga waydiinay tuduca hore jawaabna aynu qaybaha waydiimaha ka celinay balse aanay qoraalka ku xusnayn hase yeeshee fahamka lagaga garan karo in aan ubadkeenu heli waxbarasho lacag laโ€™aan ah! Bal hadaba aan mugga ka istaago dhinaca maamulayaasha iyo Barayaasha dugsiyada hoose/dhexe ee guud ahaan gobolada JSL, maamulayaasha iyo barayaashu maaha kuwo diidan amaba diidi kara xeerka Waxbarashada Qaranka ee waa kuwo u heegan ah sidii loo hirgelin lahaa oo uu si miisaan leh u hir geli lahaa, bal hadaba inkaartu waa xagee ileen dugsiyada lacagta laga qaado cidda joogtaa waa Maamulayaasha iyo barayaasha? Hadaa ma masuuliyiinta wasaarada Waxbarashada Qaranka ee heerarka kala duwan jooga ayaa iyagu jebiya xeerka? Markaan isku dayo in aan ka warceliyo waydiimahan waxaan ka odhan karaa; Maamulayaasha, Barayaasha iyo Madaxda Waxbarasho ee heerarka kala duwan midkoodna si toos ah uma jebiyo xeerka ee si dadban ayaa loo jebiyaa, xeer jebintaasina waxay ka bilaabantaa dhanka sare macnaha Madaxda Waxbarashada Qaranka! Hadaba side?

Isku soo wada xooriyoo Madaxda Sare ee Waxbarashada Qaranku waxay marnaba midayn waayeen oo si cad isugu miisaami waayeen xeerka Waxbarashada Qaranka iyo danaha iyo duruufta dhaqaale ee Qarankeena hor taala, taasina waxay tahay arimahan dartood:

  1. In masuuliyiintu aanay kaba fekerin marnaba Barayaasha dalka ee ay door bidaan oo milgo sare siiyaan fadhiga quruxda badan ee ay ku qotonsadeen
  2. Madaxda oo aan marnaba eegin una tudhin midkoodna ubadka iyo Barayaasha taasina waxay keentay in ubad aad u tiro badani waayaan waxbarashadii xeerku u waajibiyey
  3. Madaxda waxbarashada qaranka oo si toos ah oo u adeegta bulshadan aan marnaba xidhiidh iyo duruuf waraysi la lahayn dhamaan Barayaasha, tanna waxaan ku cadaynayaa weli may dhicin in arimaha waxbarashada iyo duruufaha ku gedaaman wax laga waydiiyo cidda hawsha waxbarashadu sida tooska ah ugu dhacdo.
  4. Manhajka iyo siyaasada waxbarashada qaranka oo marnaba qiimayn cadaalad ku dhisan lagu samayn oo aan laysba waydiin fulintii manhajku xagay dhibaato ka keentay? Maxaa qabsoomay? Maxaa qabsoomi waayey? Tanna waxaan ku cadaynayaa waxaan Bare ahaa mudo dhan 8sanadood hadana maan arag maalin lays waydiinaayo maxaa qabyo ka ah waxbarashadii qaranka JSL

Dhinac kale hadaan ka istaago marna suurto gal maaha in Macalin iyo Maamule iyaguba baahan oo dantiiiyo duruuftii gurigiisu maankiisa ka gurxamayso inuu ubad wax u dhigo! Hadii la yiraahdo macalimiintu waxay qaataan mushahar maaha mid 13% buuxin kara ama asturi kara dantii iyo duruuftii macalinku lahaa! Hadaba adiguba is waydiiyoo bare diifaysani ubadka wax ma bari karaa? Macalin ka fekeraya tolow ubadkii raashinkii ma goโ€™ay wax ma dhigi karaa? Hadaadba tiraahdo HAA side ayey suurtogal u tahay?

Isku soo wada duuboo waxaa waxbarashadii bilaashka ahayd meesha ka saaray

  1. Baahida Barayaasha
  2. Xog laโ€™aanta madaxda waxbarashada qaranka
  3. Duulaanka musuqmaasuqa ah ee dalka ka jira
  4. Damiirkii dadkoo guud ahaan wada daciif ah
  5. Dhaqan gelin laโ€™aanta guud ahaanba xeerarka dalkeena

Gunaanad:

Hadaba waxaan xal iyo talo bixin anigu ku keeni lahaa in la sameeyo:

  1. In barayaasha loo yagleelo hoy, loona sal dejiyo danta iyo duruufta dhaqaale ee dul hoganaysa, si meesha looga saaro baahida aadka u baaxada weyn ee heelka jirta
  2. In loo meel dayo madaxda waxbarashada heerarkeeda kala duwan oo aan la iska geyn booska ee lays waydiiyo ma yahay mid aqoontii hogaamin lahayd waxbarashada leh, sidoo kale ma yahay mid u tudhaaya ubadka, barayaasha iyo bulshadaba
  3. In laga shaqaysiiyo xeerarka waxbarashada qarankeenu leedahay oo aanay ahaan kuwo naafo u ah sida maanta taala.
  4. In la abuuro siyaasad guud oo waxbarashada meel marin karta, si ubadkoo dhami u helaan xuquuqdooda aas-aasiga ah ee waxbarasho.
  5. In la fahmo halka waxbarashadu dalka kaga jirto, maadaama uu dalkastaa ku horumaro kuna yeesho dhaqaale hadba heerka waxbarasho ee dadkiisu leeyahay.
  6. In meesha laga saaro qabyaalada lagu xulanaayo madaxda kala duwan ee waxbarashada qaranka
  7. In la mideeyo baahida waxbarashada loo qabo iyo baahida dhaqaale ee dalkeena taala
  8. In la eego doorka barayaashu leeyihiin si waxbarasho u hirgasho
  9. In meesha laga saaro balanqaadyada aan midho dhalka lahayn ee waxbarashada loogu balanqaadaayo hadana aan hirgelayn.
  10. In la kala horaysiiyo danta guud iyo danta gaar ahaaneed si loo gaadho hooska loo socdo.
  11. In la sameeyo hal abuur dhaqaale si looga guuro mugdiga aynu bidhaan iyo iftiin waara ka deyayno.

Isku soo wada duuboo aragti ahaan sidaan qabo waxaan muujiyey dhibaatada jirta, sidoo kalena waxaan ku daray dawadii intii aan ka helay garaadkayga iska yar.

Bare-sare Maxamed Cumar Dhagax