Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay ujeedada safar ay ugu baxeen dalka Itoobiya isaga iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada oo ay wehelinayaan Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye oo isagu ka sii horeeyey iyo qaar ka mid ah Wakiilada Somaliland ee dalalka dunida u fadhiya Somaliland.
Wasiir Maxamuud oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi:
“Annagu waxaanu aaminsan nahay maalgashi dalka loo doono oo lagu dhiirado inay tahay dariiqa kaliya ee wadanku ku horumari karo, waxaanu aamin-sanahay Somaliland inay u baahan tahay saaxiibo siyaasadeed iyo inay u baahan tahay saaxiibo dhaqaale. Hadba inta aynu saaxiibo helno ayeynu heli karnaa maalgashi, ayeynu heli karnaa in qaranimadeenu ay cago adag isku taagto, hadaynu dunida go’doon ka galno oo saaxiibo kasban kari wayno siyaasadeedna dibadu waxay gali kartaa cidhiidhi, sidaa darteed annagu waxaanu aamin-sanahay ceelalyo ayaanu dalka u nahay, waayo waxaanu nahay xukuumaddii talada qarankan haysay Axmed Siilaanyo waa Madaxweynihii la doortay, Cabdiraxmaan Saylicina waa Madaxweyne ku xigeenkii la doortay, umaddu dee labadaa nin ayey dooratay annaguna waxaanu nahay kaaliye-yaashoodii waxaanu ku shaqaynaa fikirkooda iyo hamigooda.”
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:
“Ceelalyo ummadda uma aha kuwa maqaaxiyaha fadhiya ee fadhi ku dirirka talo aduun ka yaqaanaa ee cudurada horumar nacaybka iyo maalgashi diidku ay ku dhaceen, kuwaasi umadda ceelalyo uma aha, xilna ma hayaan, Illaahay-na cida uu kala xisaabtamayaa waa cida loo doortay, umadda Somaliland-na annaga ayey nagala xisaabtamaysaa, waana la noolaan doonaa oo taariikhbaa dunida ka hadhi doonta. Nebigu (SCWS) wuxuu yidhi “ ninka ceelalyada ahi bahdiisa been uma sheego.” Dee waabu u maqan yahay siduu been ugu sheegaa?, annagu waxaanu nahay ceelal yada meeshii doog leh ayaanu dadka u hayaaminaynaa, talaabadii DPWorld ee dekedad Berbera ayaanu ku dhisaynay waxay ahayd talaabo saxa, dunida oo dhan baa ka markhaati kacday dariiq sharci ah ayaanu marinay, arinta saldhiga milaterina iyadana waxaanu u aragnaa oo ku qanacsanahay inay tahay wax faa’iido inoogu jirto qaran ahaan, dunida wax aan khasaare iyo faa’iido lahayni ma jiro, waa sunaha nolosha, bini-aamdanku labada ayuunbuu is barbar dhigaa maxaa faa’iido ka helaysaan iyo maxaa khasaare ku jira?, annagu waxaanu aamin sanahay khasaaraha ku jira saldhig milateri oo aynu dawladda Imaaraadka siino inay ka badan tahay, oo si weyn ugu badan tahay faa’iida aynu ka helayno, Imaaraadku danbuu doonayaa inagguna dan baynu doonaynaa, waynu isku danaysanaa, waxa muhiim ah uun inaynu danteena qorno cadaato, waxa aynu faa’iidayno.”
Waxa kale oo uu intaa ku daray:
“Madaarka Berberi shalay wuxuu ahaan jiray saldhig milateri Ruush ayaa dhisay, wuu ka tagay, horumarkii laga sameeyey iyo kaabayaashii dhaqaalaha inaga dhaxalnay muu laalaaban Mooskana lamuu tagin, talaabadii laga bixiyey, taariikhdu maanta waxay qiraysa Maraykan iyo Ruush talaaabooyinkii lagu siiyey in aanay ahayn talaabooyin khaldan. Wixii daar iyo hanti ah waa la kala dhaxlaa, wixii caloola galay maanta cidna ma hayso, halkay ku dambeeyeena waynu garaynayaa, ragii qaatayna waynu ognahay, laakiin maanta hantidaas ayeynu haynaa oo waa wax la inooga tagay.”
Waxa kale oo intaa ku daray:
“Dunidu saldhigyada milateri way bixisaa maaha wax caagan , danno-na way ku bixisaa, ka doonayaana dano ayuu wataa, ka laga doonayaana dantiisa ayuu eegayaa wuu u kitaab furanayaa annagu waa u kitaab furanay waa u rognay, waa gorgortanay marba gacanta ayaanu is galinay kordhi, waar hadda waxaanu leenahay kordhi lacag tuurta lagu qaado maaha, ee waa wax ummadda dhaxal u noqda, gollahaas ayaanu keenaynaa, qarsan mayno, meel madow wax kulamaanu saxeexan. Waxaanu keenaynaa halkii ay ahayd, waa halkee halka u habooni? Ma suuqa ragga joogaa? ma ragga gidaarada fadhiyaa? Waxaanu hordhigaynaa Umaddu ciday dooratay ee dastuurka qaranku awooda u siiyey inay arrimahaa ka go’aan qaataan.”
Waxa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey:
“Khilaafka iyo dagaalka Yeman ka socda, annagu Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland khudbad sannadeedkiisii ayuu ku cadeeyey, siyaasadeedna ku wajahan wadanka Yeman, annagu siyaasadayadu waa taa, annagu waxaanu la jeeni nahay oo la jaal nahay, dawladdahaa is bahaysiga carabta, ee suniga ah laba labayn mayno, annagu fariiqada shiicada ma nihin, ee waxaanu nahay fariiqada suniga ah Umaddani waa sani, imikaba dhinac ayenu nahay, Wariye dhex ma nihin ee dagaalka dhinac ayeynu ka nahay, dagaalku ka gacanta oo kaliya maaha, arrin caqiido salka ku haysa intay tahay ayaanu aamin nahay, waxaanu la jaal nahay wadamahadaas. Imaraadkuna waa ka mid kuwaas, inaan belo ka iman ma damaanad qaadaysaa?, mayee damanad qaadi mayno, Ummad jirta eyeynu nahay cidii ina soo doonatana waynu iska celinaynaa, Umana rag li’in, kuwan aynu maanta is kaashanaynaa jaalalka aynu leenahay ayey ka mid noqonayaan. Xuutiyiina ka biqi mayno rag baan arkayey bulshada bajinaya oo leh balaa cirka ka soo dhacaysa, waar qaran xoog oo waayo araga, oo dagaalka yaqaan oo nabadda qayaan, oo godabta yaqaan ayeynu nahay, iyagaaba cidiidhi ku jira, waana u hub samaynayaa”.