Waxa aan bilihii u dambeeyey akhriyey buugga la yidhaa “HOGGAAMIYE ISBEDDEL HORSEEDA’’─Waxa qorey Saciid Cali Shire, oo ah aqoonyahan ku takhasusey Culuunta Ganacsiga, Hoggaaminta iyo Bangiyada Islaamka. Kana soo shaqeeyey xarumo aqoon, cilmi baadhis, iyo la talin; oo ku kala yaala UK, Norwey, iyo Soomaaliya. Siciid sidoo kale, waa guddoomiyaha Shirkadda Buux Consulting.
Buugga muddo badan ayaan akhriya-yey kolbana u yara nasanayey, dabadeed bilaabayey illaa aan ka dhammeeyey. Waa buug ka kooban 249 bogg. Laakiin, aqoonta uu xambaarsanyahay waxa ay u dhigantaakumannaan bogg. Buuggu wuxuu xambaarsanayahay waayo-aragnimo xeeldheer oo waqtiyo fara badan la baadhayey. Wuxuu is ku xidhayaa ilbaxnimada, iyo sidey dadku ula jaanqaadi karaan. Wuxuu ka warramayaa dhammaantood waa wax nafci leh, maaha wax cantarabaqash ah. Waa buug waqti la galiyey oo heersare ah.
Waa buug waayo-aragnimo iyo taariikhba kulminaya, sida uu Dr. Cabdiraxmaan yidhi : “[…]Waa buugg waafiya oo kulmiyey taariikhdii, mabaadi’dii, qiyamkii,waaya-aragnimadii , gedda iyo lihida (sifooyinka) hoggaan iyo hoggaan-raaca san iyo midka silloon (xun) labada. Wuxuu kaa waraabinayaa aragtida giriiga , Shiinaha, Roomaanka, Muslimiintii hore, iyo reer Galbeedku ay ka qabeen ama ka qabaan hoggaanka iyo hoggaan[]raaca fiican, ama xun. Wuxuu buuggan hoggaamiye kaa haqabtirayaa haddii aad hoggaamiye tahay, ama aad rabtid in aad noqotid hoggaamiye himiladii aad hiigsan lahayd, hilinkaad mari lahayd, iyo hawshaad qab laheyd. Qofkii doonayaa in is beddel horseeda, ama dad kale baddelo ama doonaya in uu isbeddel hoggaamiya waa meel uu ka shidaal qaato. Haddii aad buuggani akhrisid oo hirgalisid aqoonta uu xambaarsanayahay waxaad ka hirqan doontaa oo kuu fududaanaya in aad fahamtid xi[dh]ii[dh]ka ka dhexeeya, qofka, kooxda, iyo hawsha hayaan.”
Waa buug si fiican kaaga waraabinaya mawjado kala duwan oo hoggaamintu uga horreyso. Waan buug ka turjumaya baaahida maanta loo qabo cilmiga aan Soomaalida waxba uga bilowneyn ee Hoggaaminta, sida uu sheegay Prof Cabdirisaaq Hiiraad (Ah Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika) yidhina: “ Hogaamiye, waa buug cilmiyeed aad ku soo aroorisey aragtiyadihii badanaa ee laga yidhi hoggaaaminta , mid rag hore yidhaahdeen iyo mid rag dambe qeexeenba .Qaabka qoraalka oo run ahaaan mid aad u fudud, luqad ahaan qof walba fahmi karo dulucda fekredda aad dooneyso inaad gudbiso , waxaa qoraalka ka muuqda hab isku xirnaasho iyo taxnaan feikradeed oo midba midda kale kuu dhiibayso iyada oo ay akhrsituhu ku duxeyso isuna fasireyso. Waxaa kale oo qoraalka iga cajabiyey aanna aad ugu riyaaqay tusaalaha taariikheed ee f[e]krad weliba aad ku caddeyneysay, oo ah runtii daliil uu qof weliba ku soo hiranayo ama uu ku cibrad qaadan karo amase wax badan uu ka fahmi karo. Guud ahaan waa buug ka turjumaya baahida maanta loo qabo cilmiga aan Soomaalida alifka uga bilownayan hoggaamiye ahaan iyo shacaba.[….]”
Waa buug aad ii soo jiitey intaan akhriyayey waayo, waxa aan ka dareemayey in si deggen loo qorey oo uu aqoon xambaarsanyahay─ oo uuna qoraagu wax ba hagran ee uu wax kasta oo mawduuca ku saabsanba nala wadaagey. Waxa aad ku farxasaa oo ku raalligelinaya qaabka uu u kala dhigdhigayo fekradaha kala duwan ee laga haysto mawduuca, iyo sida ay iskula jaanqaadi karaan!
Wax badan ayaan ka faa’idey, wax aan ka qoomameeyana ku ma arag mana jirto. Waxyaabaha uu kaa haqabtirayo waxaa ka mid ah hoggaaminta, iyo dhammaan sifooyinka lagu hanto. Markuu Siciid hoggaaminta sharraxayey wuxuu yidhi: “ Hogaamiye: waa hage, waa badbaadshe; waa ballaarshe, waa bidhaanshe, waa isku tole, waa dhise, waa nabdeeyey, waa xoreeye; waa geed harweyn oo lagu hirto; waa afhayeen;waa hawl wadeen. Hoggaamintu waa xidhiidh dhex mara hoggaamiyaha iyo la hoggaamiyaha; waa ballanqaad la is kala xisaabtami doono; adduun iyo aakhiraba labada.”
Buuggu waxyaabaha uu kaa dherginayo waxaa kow ka ah Soomaalida iyo hoggaaminta sidey ku tahay. Meelo farabadan ayuu kusoo arooriyey arrintaa. Isaga oo ka hadlaya wuxuu ku yidhi bogga 63 : “[….] Markaad isha la raacdid baal taariikheedka hoggaamiyayaashii soo marey Soomaaliya, waxaa ku soo baxaysa hoggaankii Cali Cilmi Afyare ([Allah] ha u naxariistee) la dardaarmayey markuu lahaa ‘Guddiyahay docdiinaa khalqigu wada dayayaaye’, in uu dhab ahaantii ahaa, kuwii Xaaji Aadan Afqallooc lahaa ‘Doofaar ilkihii baan u filey dur iyo yaaquute’. Hoggaankaasi ha horeeyo ama ha dambeeyo; dimoqraadi ha ahaado ama [Jiitaa]( Keligii Talis); mid mabda’ fiican (diin) xambaarsan ha noqdo ama mid mabda’ foolxun (Gaalnimo) xanbaarsan, dhammaantood, waxaa marag ma doonto ah in ayna u qalmin hogaaminta Soomaaliya, ama siduu Singub riwaayaddii xorriyo ku jiley aysan geyin hoggaaminta ummadeed. Haddaan raggii hore halkaas dhigney oo ku tilmaamnay ; kuwo lagu hungoobey ; kuwo aan mudneyn in ay qabtaan hoggaan; kuwo manta isu soo mutuxay, si ay caynaanka u qabtaan ummad jiho khaldan lagu dheelmayey wax ka badan 100 [gu’], Hoggaanka maantu waa mirihii ay dhaleen hoggaamadii xumaa; waa mi[dh]o laga goostey geed ku baxay biyihii qabyaaladda, jahliga, iyo caqli darrada; waa mi[dho] kasoo go’ay beer lagu tabcay ‘rishwo iyo ribo’, waa beertii ay faleen ‘acyaan’ aan xilkas aheyn. Waa niman nooc kasta oo ay yihiin: wadaad iyo waranle, waxgarad iyo wax-ma-garad, waayeel iyo dhallinyaro aan fahansaneyn culeyska uu leeyahay waxa ay raadinteeda jiif iyo joogba u diideen. …”
Buuggu waa buug la salbabikhi kara buugta laga qoro culuunta hoggaaminta ee lagu qoro afafka qalaad, waayo waa mid si hufan kuu dharginaya─mawduuca iyo arrinta uu ka hadlayana aan ka weecaneyn, aanan dulmareyn e sidii xabbada abbaaraya! Inta badan buugta Af-Soomaali lagaga qorey mawduucan ‘Hoggaaminta’ habayaraadaane, ma aha kuwo gaadhsiisan in ay kaa haqabtiraan ama ku daaqsiiyaan mawduuca miiska saaran. In Buugtaa af qalaad mawduuca lagaga qorey la ag dhigana haba sheeggin!
Buuggan bilicdiisa iyo bariddiisa ayaa innoogu filan akhris. Higgaad ahaan iyo farshaxan ahaan, waa buug dhisan oo gu’ yaal la qorayey, aqoonyahan cilmigeedii lihina uu jilbo duubtey. Aqoonna waxaa ugu fiican ta uu aqoonyahankeedu ka hadlo e, ka aan garaneyninna ka aamuso. Buugna waxaa ugu aqoon gudbin fiican ka isna barahiisii baalaha u sii daayey.
Dhinaca Afka wuxuu ku qoranayahay: Af la fahmi karo oo qofkii wax akhriyi kara ama qori karaaba uu ka buuxsanayo─oo kaga dhargi karayo ayuu ku qoranyahay, buuggu.
Waa buug u qalma in la akhriyo, oo si fiican loo daraaseeyo, laga dooddo oo waqti la siiyo. Waana dhigane u baahan in xiitaa dadka culuunta hoggaaminta barta ee la silcaya Af qalaad ay akhriyaan. Waa buug u dhigan oo weliba ka fiican buugta jaamacadaha lagu dhigo ee la xanbaara uun iyada oo aan wax ay ka warramayaan la garaney. Waa buug in la maalgeliyo u baahan. Waa buug in la isaga oo kale la helaa ay adeg tahay.
Guntii iyo gebagebadii, qof kasta waxa aan kula talin lahaa in uu buuggan akhriyo. Gaar ahaan, weliba dadka xiiseeya hoggaaminta.
FG: Intan oo keli ahi kuma filna buugga in wax laga yidhaa, waayo masoo wada koobaso, wuxuu u baahanyahay madallo iyo meelo badan oo lagu gorfeeyo wanaaggiisa. Balse waa iftiimin iyo baraarujin guud uun. Anna aan jeclaadey buuggaa qiimaha leh in ay walaalahay ila ogaadaan, ishana ku hayaan.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere. Oktoober, 2017. Boorame, Awdal, Soomaalilaan.