Gorfeyn: Buugga MAYAL Maxaa Ku Duugan Xumaan iyo Samaan?…Q…1AAD. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Murti ayaa tidhaahdaa “ Xogta toogo, xog-sidaha se ha toogan.” Waxaan uga socdaa in buugga oo keliya aan xogtiisa gorfeyn doonaa oo aan shakhsiyada Abwaan Cabdiraxmaan Abees waxba ka sheegayn. Waa dhaqan bulsheed in buugu markuu gacanta qoraaga ka soo baxo ay bulshadu xaq u leedahay inay ka faallooto, falanqeyso oo ay feehayso. Magaca buuggu waa MAYAL, wuxuu ka yimid gabay uu Abwaanku tiriyey markii uu muddo afar saacadood iyo badh ah lagu xidhay saldhiga xaafadda Ibraahin Koodbuur 8/02/2018. Hasayeeshee wuxuu gabaygaasi meel fagaare ah uu ka tiriyey sannad ka dib. “Mar haddii murtida loo kacood, maagto tirinteeda midh-qiyaaska waayah markaad, maanso ku abbaarto MAYAL iyo han lagu unkaa, lagu majeertaaye……” bogga 57. Waa hal saddar oo aan ka soo qaatay maansada buugga loogu magac-daray, way se dheertahay.

Buuggu wuxuu ka kooban yahay 7 cutub mid kasta uu hoos imanaayo ciwaan-hooseedyo yar yari, kuwaasi oo u qaybsan laba qaybood oo kala ah: xog-warran uu Abwaanku kaga sheekaynayo waayihiisii xadhig ee uu soo maray iyo safar koox abwaanno ah oo uu ku jiray ay ku tegeen deegaanka Ceel Afweyn oo ay ka jirtay xasarradi. Wuxuu ka kooban yahay 351 bogg. Shirkadda HIIL PRESS ayaa dalka Masar ku soo daabacday sannadkii 2021-kii. Qofka koowaad ee Abwaanku u mahadnaqayaa waa Qoraa Khadar Cabdi Cabdilaahi oo tifafiraha koowaad ka ahaa buugga. Khadar waa qoraha buuggii “ GURRAC “ ee dhaqan xumada awgii loogu gubay dugsiga Maxamuud Axmed Cali ee Hargaysa. Isaga oo buugiisa loo gubay dhaqan xumo ka horimanaysa diinta iyo dhaqanka suubban ee Soomaalida sidee looga filan karaa inuu wax wanaagsan soo saaro? Waa mid aan meesha qaban.

Cutubka koowaad, bilowgiisa wuxuu Abwaanku kaga hadlayaa ciwaan uu u bixiyey “ Tegistaydii iyo soo noqoshadaydii.” Wuxuu kaga warramayaa sidii isaga oo arday ah oo ku jira dugsiga sare sannadkii 2001 ay u gashay hawo dhoof. Mar kasta oo uu waalidkii kala hadlo dhoofna, lagu yidhaa horta dugsiga dhammee. Aakhrikii wuxuu dhoofay sannadkii 2005 markii uu dhammeeyey dugsigii sare. Bogga 29 ilaa 36 wuxuu ka hadlayaa sidii uu u dhoofay iyo waayihii la kulmayey markii uu diyaaradda raacay ilaa uu ka gaadhayey dalka Ingiriiska oo ay ku sugnaayeen qaar badan oo ka mid ah ehelkiisu. Wuxuu dalka ku soo noqday sannadkii 2017-kii, waa 12 sanno ka dib markii uu dhoofay. Sidii uu u xiiseynayey markuu tegayey carro Ingiriis, ayuu soo noqoshadiisiina u xiiseynayey, siduu qaybtan kaga warramaayo. Wakhtigan waxa dalka ka socday silsilad la odha jiray Miimley oo qaar ka mid ah hal-abuurku foodda isku dareen, kuwa taageersanaa xukuumaddii madaxweyne Siillaanyo iyo kuwa ka soo horjeeda. Abwaan Cabdiraxaan Abees markuu Madaarka Cigaal ka soo degay, ayey suxufiyiin ka tirsan Tilifiishannada HCTV iyo SAABTV weydiiyeen inuu ka qaybgalayo silsilada iyo in kale. wuu se ka gaabsaday maadaama uu dalka in badan ka maqnaa.

Ciwaan hooseedka labaad ee Cutubkaasi hoos imanaya, ayaa ka warramaya xaflad uu Abwaanku ku qabtay Maansoor oo loogu magac-daray “ Bandhiggii Hal-abuurka la Bilkeeday.” Qoraa Maxamed Baashe X. Xasan ‘AHN’ ayaa magaca xafladda bixiyey sida ku xusan bogga 36 ee buugga. Xafladaasi waxa ay dhacday markii uu Abwaanku joogay dalka afar bilood, waana isla sannadkii 2017 badhtankiisii. Xafladdaasi waxa ay Abwaan Cabdiraxmaan Abees iyo qabanqaabiyeyaashi isla garteen in aan siyaasad lagaga hadal oo saddexda xisbi qaran madaxdooda la casuumo. Dhinaca xisbiga Kulmiye waxa lala hadlay Mubaarik Taani oo ahaa xoghayaha khaaska ee Muus Biixi Cabdi oo wakhtigaasi ahaa mushaarrax iyo guddoomiye. Mubaarik wuxuu sheegay in Muuse Biixi iman doono xafladda. Dhinaca xisbiga Ucid waxa lala xidhiidhay madaxdoodii, waxa ay sheegeen in guddoomiye Faysal Cali Waraabe dalka ka maqan yahay, laakiin ay iman doonaa. xisbiga Waddani waxa lala xidhiidhay Xamse Khayre oo sheegay inuu iman doono guddoomiye Cirro. Markii ay xafladdu bilaabmatay ayaa Abwaan Abees uu Mubaarik Taani u soo sheegay in Muuse Biixi aanu xafladda iman karin, laakiin ay soo direen guddoomiye ku xigeenka Axmed Cabdi Dheere. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna mar dambe yimid Hoolka xafladdu ka dhacayso.

Isku dhicii ugu horreeyey ee Abwaan Cabdiraxmaan Abees iyo taageerayaasha Kulmiye. La soco qaybaha dambe………………………………………………….