Gorfeyn: Buugga MAYAL Maxaa Ku Duugan Xumaan iyo Samaan?…Q…3AAD. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Xadhigii Koowaad ee Abwaan Abees.

Cabdirxmaan Abees walaalkii ka yar iyo nin kale oo Siciid la yidhaa ayaa lagu eedeeyey inay wiil kale ay Tilifoonka gacanta ka qaadeen. Waxa la xidhay Siciid walaalkii, halka Abees walaalkii ka yarna la raadinaayo si loo soo xidho. Siciid ayaa u sheegay Cabdiraxmaan inay arrintaasi jirto. Ciidankii raadinaayey Cabdiraxmaan Abees walaalkii ka yar ayaa tegay gurigooda oo ku yidhi wiilka hooyadii ayaanu doonaynaa oo aanu saldhiga geynaynaa ilaa inta laga helaayo wiilkeedii oo la soo eedeeyey. Arrintii ayay isku maandhaafeen Cabdiraxmaan iyo askartii guriga timid. Hasayeeshee lama xidhin Cabdiraxmaan Abees hooyadii. Siciid ayaa Cabdirxmaan u sheegay in wiilka tilifoonku ka maqan yahay waalidkii ay doonayaan waraaq ammaan siin ah oo loo qoro. Abeesna wuxuu ku yidhi u qor haddii ay sidaasi ku dhammanayso. Aroornimadii ayuu Cabdiraxmaan tegay saldhigii booliska ee Ibraahin Koodbuur, si ula soo xaalo qoladii wiilka xidhay, una soo daayo Siciid walaalkii. Hasayeeshee askartii ay shalay ku doodeen gurigooda ayey saldhigii haddana isku af-dhaafeen. Sidaasi ayaa lagu xidhay. Halkan waxaad ka arkaysaa in Abwaanku aanu waxba kala socon waaqaca dalka yaala, waayo wiilka la waayo iyada oo eed loo haysto waa in waalidkii la soo xidho si qoysku u keenaan wiilka baxsadka ah.

Intii uu ku jiray saldhiga ayuu Abwaanku halkan kaga sheekaynayaa. Gabadh uu ku sheegay inay maskax ahaan xannuunsanayso ayuu arkay oo uu yidhi silsilad ayaa lugta kaga xidhnayd, oo waxa ay lahayd saldhiga ayaa la igu dhex-kufsaday. Laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay yaa caddeyn kara in saldhiga lagu dhex-kufsaday? Maadaama oo gabadhu uu xiskeedu maqan yahay mala qaadan karaa waxa ay ku hadlayso? Maaha sheeko mudan in eed intaasi leeg la soo bandhigo, sida muuqata cadho ayaa keentay Abwaanku inuu soo bandhigo. Afar saacadood iyo badh ka dib waa la sii daayey Abees ka dib markii uu u yimid Laxamista Maxamed Miyir ‘AHN’ oo madaxdii saldhiga u sheegay inuu nin abwaan ahi xidhan yahay. Abwaanku isaga oo cadho iyo ficil ka qaatay wixii ku dhacay ayuu go’aan ku gaadhay inuu warbaahinta la hadlo oo weliba gabay ku aargoosto. Gabayga wuxuu u bixiyey MAYAL waa kan magaca buuggu uu huwan yahay. Warbaahinta ayuu ballansaday. Madaxdii Booliska ayaa ogaaday arrintiisa, waxaana la wada xidhiidhiyey taliyihii booliska ee wakhtigaasi Cabdilaahi Fadal Iimaan ‘AHN’ waana sannadkii 2018-kii horraantiisii. Taliyihii iyo Abwaankii ayaa kulmay oo wuxuu Abwaanku sheegay wixii uu ku soo arkay saldhiga booliska ee Ibraahin Koodbuur. Taliyuhu wuxuu u sheegay inuu wax ka qaban doono wixii uu u sheegay.

Xadhigii Labaad ee Gabayga MAYAL.

Sannad ka dib waana sannadkii 2019 ayaa haddana la xidhay Abwaanka ka dib markii uu soo bandhigay gabayga MAYAL oo beydad ka mid ahi ay cambaarsan yihiin cay, cadho iyo caadifad aan loo aabo yeelin. Waxa ka mid ah:

Mashraaciida waxa loo xidhaa, tuugo maal badan

Muraadkoogu waxa uu fulaa, dhawr mataanno ah

Magafahaa askari looga dhigay, mooggan shaqadiisa

Saldhigyadaa miyaad soo martood, aragtay muuqooda

Ikhtiyaar ku maamulid dalkani, maanu ka xoroobin

Af-miishaarka mooyee nin kale, maydhax kama diiran…..bogga 57—58.

Booliska ayaa gabaygaasi awgii u xidhay, waayo gabayga tixo ka mid ah oo ay kuwa sare ka mid yihiin waa kuwa qaawan oo Abwaanku uu cadho hadlay. Hasayeeshee markii dambe waa la sii daayey.

La soco qaybaha dambe……………………