Gorfeyn: Buugga MAYAL Maxaa Ku Duugan Xumaan iyo Samaan?…Qโ€ฆ4AAD. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Colaaddii Ceel-Afweyn iyo Abwaannadii Tegay

Abwaan Cabdiraxmaan Abees, koox abwaanno ah iyo aqoonyahanno kale ayaa is-kood isu xilqaamay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen dadkii faraha badnaa ee joojinta colaadda u tegay deegaankaasi. Qaybtan buugga wuxuu abwaanku kaga warramayaa siday u tageen iyo abaabulkoodii. ย Waa arrin mudan in la bogaadiyo abwaannada iyo dadka kale ee colaadaasi isu xilqaamay sidii ay u joojin lahaayeen. Abwannadu wixii ay kala kulmeen deegaanka Ceel-Afweyn ayey dooneen inay madaxweynaha si gaar ah ula wadaagaan, gaar ahaan arrimaha xaasaasiga ah ee aan warbaahinta ku fiicnayn. Waxa ay la xidhiidheen xoghayaha madaxweynaha Mubaarig, dhawr kulan oo ay madaxweynaha ugu tegi lahaayeen ayaan qabsoomin mashquul dhinaca xukuumadda ku yimid awgeed.

Markii fariintii abwaannada uu xoghayuhu gaadhsiiyey madaxweynaha wuxuu kuย  yidhi wasiir Maxamed Kaahin ha u tagaan oo arrinta ha la wadaagaan. Taasina may suurtagelin, aakhirkii xoghyihii wuu ku noqday madaxweynihii oo wuxuu madaxweynihii soo faray inay qoraal ugu keenaan wixii xaasaas ah ee ay la kulmeen. Arrintii may aqbalin abwaannadii siduu buugga ku sheegayo Cabdiraxmaan Abees. Aakhirkii waxa ay isla garteen inay xafladda ku qabtaan Maansoor ay ku sheegayaan wixii ay ku soo arkeen deegaanka Ceel-Afweyn, iyaga oo sheegay inay qaybo badan qarin doonaan oo aanay sheegi doonin. Arrin habboon may ahayn inay warbaahinta u soo bandhigaan, waayo wixii ummadda dhib ku keenaya inay qoraalka uu madaxweynuhu codsaday ugu keenaan ayaa sax ahayd.

Xadhigii Labaad ee Abwaan Abees

Bandhiga suugaaneed loo bixiyey HAL NA DHEH ayuu fikirkiisa keenay Abwaan Abees, wuxuu bogga 95 ee buugga ku sheegay inuu isagu lahaa fikirkiisa. Laba qoddob ayuu bandhigaasi ku saabsanaa oo kala ahaa: in tacaddiyada dalka jira oo isugu jira kuwa muuqda iyo kuwa qarsoon. Waxa ku jira oo kale wixii saldhigyada ku jiray ee uu abwaanku xadhigiisii hore ku soo arkay. Iyo qoddobka labaad oo ah kala daadsanaanta ummadda dhextaal. Qoddobka koowaad waxaad arkaysa in abwaan Abees uu weli dabo-socdo xadhigiisii koowaad wixii ku dhacay oo aanu ka bogsan. Bandhigan waxa ku jira gabay kale oo la yidhaa HIRGAL. Xafladdu waxa ay dhacday Noofambar sannadkii 2019-kii. Gabaygan beydad ka mid ahi waxa ay si shakhsi ah laf-jab ugu yahay madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisa. Waxaad ka dhandhansanaysaa in weli aargoosi iyo cadho ku jirto abwaanka. Beydadka laf-jabka ah waxa ka mid ah: – Hebad baad siyaasiga u tahay, waanad huruddaaye. Haldhiga beena, hufnaan iyo wanaag, heesi daba taallo. Ha hagaajo ninkii aan lahaa, haykalkii dumay, isaguna hareer buu ka maray, hilinkii toosnaayeโ€ฆ. Bogga 99.

Isla sannadkii 2019 ayaa abwaan Abees lagu xidhay xarunta C.I.D-da, iyada oo waxa laga weydiinaayo xafladdii HAL NA DHEH, siduu ku sheegay gudaha buugga. Qaybtan wuxuu kaga sheekayanayaa markii la qabtay ilaa la geynayey xarunta dambi baadhista ee C.I.D. wuxuu sheegay in loo weeciyey xarun uu ku sheegay CTU oo loo soo gaabiyey Counter-terrorism Unit. Hasayeeshee markii dambe waxa loo wareejiyey saldhiga dhexe ee Hargaysa. Bishii labaad ee sannadkii 2019 ayaa jeelka laga sii daayey abwaan Abees.

Shirkii Kulmiye Boorama siduu ku galay abwaanku?

Wuxuu abwaanku sheegay inuu guriga ugu yimid nin la yidhaa Nuux Labaโ€™aas oo ka mid ah ilaalada madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu ku yidhi waxa ku doonaya madaxweynaha oo ii soo kaa diray, oo Boorama iigu keen ayuu yidhi. Sidaasi ayuu ku aqbalay Abees inuu tago Boorama. Gaadhigii ayuu raacay, markay Kala-Baydhka marayaan ayaa gaadhi kale oo uu dirwal ka yahay Maxamed Muuse Biixi aanu ku wareenay, sidaasina Boorama ayaanu ku tagnay. Waxa ay ku degeen Hutel Rays oo ay ku nasteen, laakiin shirka Kulmiye wuxuu ka socdaa Hutel Saw. Hoolkii shirku ka socday ayuu galay abwaanku, Madaxweynaha iyo Wasiir Maxamed Kaahin ayaa is-ag fadhiya oo madaxweynaha ayaa dhagta waxa ugu sheegaya. Waxa kacay Wasiir Maxamed Kaahin oo codbaahiyaha ka sheegay inuu la joogo Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan Cismaan Aw Jaamac Xaaji Faarax. Wuxuu sheegay magaciisii oo afran. Wasiirka ayaa codsaday inuu kaco si dadku u arkaan, laakiin maan kicin ayuu yidhi. Markaasuu yidhi Adeer weli miyaad cadhaysan tahay?

Hadalkii Wasiirku wuxuu ahaa โ€œ Aad iyo aad baad u mahadsan tahay in aad halkan nagu soo sharrftay. Annaguna waa aanu ku sharrfaynaaโ€. Wuxuu Abees fahmay in meesha laga saaray in loo yeedhay oo ninkii Nuux ku yidhi madaxweynaha ayaa ku yeedhaya. Hasayeeshee wasiir Kaahin ka dhigay inuu xafladda yimid.

La soco qaybaha dambeโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ..