Gorfeynta Buugga “Hammigaygu waa inaan nin DILO!” (WQ: Cabdirisaaq Sandheere)

Hordhac

Buuggan lagu magacaabo “ Hammigaygu waa inaan nin DILO! ” Waxa qortay Sucaad Suldaan Shaamisi. Sucaad, Shahaadada Digreega koowaad waxa ay ku diyaarisay Injineernimada Diyaaradaha. Shahaadada labaad ee Mastartana maammulka diyaaradaha ayay Jaamacadda Conventry ee Boqortooyada ingiriisiga ka diyaarisay. Haddana waxa ay diyaarisaa Shahaadaha Ph.D kulliyadda maammulka madaarrada iyo diyaaradaha. Waanna gabadhii ugu horraysay ee maammusha Madaarka Abuu Dabay ee cusub. Sidaa si la mid ah waa gabadhii ugu horraysay ee Imaaraad ah ee maammul Madaar qabata sida warbixin ay warbaahinta (Al Aan TV تلفزيون الآن) ka diyaarisay lagu sheegay. Waxa ay isku dayday inay Majaalkaa ka soo dhalaasho. Way na ka soo dhalaashay.

Sidoo kale, waa qoraa qortay sheekooyin. Waxa kale oo ay qortay sheekada la yidhaa “زهرة السوسن.” Sucaad, waa xaas, iyo hooyo carruur leh. Sida ay qortay Mareegta afka dheer leh ee “العين الإخبارية” waxa ay ku magacaabaan “ Sheekadii gabadhii Imaaraatiga ahayd ee aan innaba caadiga ahayn.” Waa gabadh guulo horleh gaadhay, oo la isla qiray.
Waxa lagu Daabacay Magaalada Dubaay ee Imaaraadka Carabta. Buuggu wuxuu soo baxay sannadkii 2018kii. Isla sannadkaa saddex jeer oo kaladuwan ayaa la daabacay. Waa 243 bog. Bandhiggii Shaariqa ee waqtigaa buuggu wuxuu noqday ka ugu iibsiga badan. Aad baa loola yaabay buuggaasi, weliba waxa dadka soo jiitay oo xiiso gaara u yeellay cinwaanka. Inta aan badhtanka la gaadhid waxa lala dhaygagay baalka hore. Si farshannimo leh ayay u dhigtay magaca buugga.
Waxa ay kaga warramaysaa dhegarta ay raggu dumarka u maleegaan, dhibaatada iyo silica uu ragga qaar ooryahooda mariyaan. Iyo guud ahaan xumaanta ina rag hablo badan ku hayo.
Nuxurka Buugga
Dhinaca hadiyaynta cidda ay u hadiyaysay buuggeeda waxa ka mid ah “ Qofkasta oo guursaday oo wehelhelay, misana wehelkii ku xumaaday oo quusi daashatay.” Sidoo kale waxa ay u hadiyaysay “ laba kasta oo noloshu isbadday wadajoogooda, xalkana aan haynnin iska takhallusaan mooyaane.”
Waa sheekooyin dhaba, se maskaxda qofka qariib iyo soogelooti ku noqon kara ayay leedahay Sucaad.

Marka 1aad, hal sheeko ayay ku bilaabaysaa. Sheekadu waa nin iyo xaaskii. Gabadhu afar carruur ah ayay ninka u leedahay. Ma jecla. Intii afartaa ay dhalayeen qaxar iyo qaylo ayay ku wadajoogeen. Awooddo ninnimo oo hadal iyo ficil bal eh ayuu mararka qaar u adeegsadaa. Hadallada uu ku yidhaa waxaa ka mid ah: “ Diid ama doon, isma baddelayo. Waa inaad sida aan ahay igu oggolaataa! Waxaa jira tobannaan hablood oo ku hammiyaya inaan guursado.” Hadalkan, iyo kuwa kale oo dareenkeeda iyo dubaaqeeda jebiya ayuu wayddiimaha ay wayddiiso kaga jawaabaa. Erayadani dareenka ayay ka sii dilaan, oo dareen xanuunsaday oo wax dareemaya hadallada kan oo kale ahi way dhibaan, oo way sii fogeeyaan. Gabadhii way iska aamustay, oo hadalkii way ka yaraysay maadaama marka uu hadlaba uu haamadda goynayo oo qalbiga qayb ka mid ahi sii xanuunayso!
Waxa ay xusaysaa inay jireen waxyaabo badan oo ay isku waafaqsanaayeen gabadha iyo ninkeedu. Se waxaa jiray isaseeg, iyo iskhilaaf dhaba oo aynna ku baraarugsanayn. Ninku waxa uu rumeysnaa inay gabadhu tahay walax meel lagu gaadho/wasiilo, se marnaba ma rumeysnayn inay tahay wehelkiisii nolosha. Sidoo kale, muu aaminsanayn inay aragtideeda cabbirto oo waxa ay qabto ay sheegto, oo xaqeeda kamay mid ahayn in sida bini’aadan loola dhaqmo sida uu ninku aaminsanaa. Nolosha way isdhammaystirayaan. Gabadhu carruurta ayay u barbaarinaysaa, aqalkana way hagaajinaysaa; ninkuna wuu ilaalinaya iyada iyo carruurta waxa ay rabaanna wuu siinayaa. Gabadhu waxa ay xusaysaa in jawigan ay ku soo barbaartay, xaaladdan ay iyada iyo afarteeda carruur ahi ku jiraan marka ay u fiirsatana ay u aragto in ay nolosheedii noqotay qalin cusub oo qallalay inta aan waxba lagu qorin! Ama cidhbo kabo oo jabay inta aan la xidhan! Ama aqal laga guuray! Way quusatay, oo albaabadii rejada way iska xidhay.

Gabadhaasi way labalabaynaysaa, niyadeedu way wareertay.
1- Inay dhaafto oo waxa ay ka wayday ay meelkale u doonato.
2- Iyo ka takhallusto ayay isku haysaa!

Marka ay labadaa go’aan mid gabadhu gaadho, warkeedu wuu cadyahay. Hadda ayuu ninkii soo miyirsanayaa oo sasabo iyo inuu wuxuu ku kacay ayna wax wanaagsan ahayn garanayaa. Gabadhii ayuu u tagayaa. Inuu sasabo oo waan ku jeclahay ku yidhaahdo ayuu doonayaa. Iyaduna way diiddaysaa, dheg jalaq uma siinayso. Markan inay niyadjabtay oo ay ka quusatay ayay u badantahay. Markaa tallaabooyin ayay qaadaysaa si ay ninkaa uga takhallusto.
Qoraa Sucaad, halkan waxa ay ka bilaabaysaa cinwaan ay tidhi “ Tallaabada 1aad ee aan hammigayga ku xaqiijinayo.’ Waxa ay cinwaanhoosaad ka dhigtay “ Ninka sharafta lahoow, waxa aan rajaynayaa inaad tallaabada akhridid si aad naftaada u badbaadisid.” Gabadha la guursaday, ee nin ay isjecelyihiin ay isguursadaan marka danbe inay iskarhaan, oo isku xumaadaan ama isnacaan ayaa dhacda, sida sheekadaa hore ka muuqata. Sucaad, gabadha inta la jecelyahay ee ninkeeda isjecelyihiin tallaabo ay jaceylkaa ku ilaashanayso ayay siinaysaa. Dhawr qodob ayay taxaysaa. Waxa ka mid ah:

1- Ku kalsoonoow in guurka uu isjaceyl asal u yahay. Jaceylkaasina ma dhammaado, mana yaraado illaa midkood illaawo oo dhinaciisa ka dheelliyo, misana uu wax tixgelin siin waayo mooyee.
2- Isku miisaan jacelka aad ninkaaga jeceshahay iyo ka ehelkaada, oo ogsoonoow isbeddelada ninkaaga ku yimaadda sababaa keentaye. Waxaanna laga yaabaa in aad adigu ka masuultahay isbeddelkaas oo xaggaaga ka yimidday.

Sidoo kale, waxa ay ku daraysaa in aad hadallo qallafsan la iswaydaarsan, in la is ixtiraamo, in gabadhu ninkeeda soo dhawayn uu ka dareemo IWM.
Intaasi dumarka ayay kula talinaysay qoraa Sucaad. Hadda dhinaca ragga ayay soo jalleecaysaa. Waxa ay leedahay “ Ragoow marka koowaad fahankiinna ah in ninku guurka, guriga, iyo gabadhaba isagu kaliya go’aan gaadho, gabadhuna dhagayste iyo daawade ka tahay sidaa maaha. Aan inyar idin saxo. Haweenku masuuliyad libinlaab ka badan ta ragga ayay qaadaan. Dhinaca ubadka, xaaska, guriga IWM ah ba masuuliyad baa ka saaran. Waa inaad arrintaa ku baraarugtaan, cudurdaarna loo sameeyo.” Waxa ay ninka kula dardaarmaysaa inuu gabadha waxaas oo masuuliyad ah ay isku hayaan uu ixtiraamo, oo uu qalbixaadhnaado, sidoo kale, inuu ku kalsoonaado oo aannu gabdho kale u hanqaltaagin inta ay iyada isqabaan.
Markale, waxa ay dumarka ka waaninaysaa inayna ninka qaba ka aargoosan iyaga oo weli wadajooga. Haddii uu ku xumaado inay iska furto, oo ayna la sii joogin ayay kula talinaysaa.

Sheekooyin goosgoos ah, oo aad mooddo inay aad iskugu dhawyihiin iskuna bayd iyo cayngo’ayaan ayay soo aroorinaysaa. Qaabab kala geddisan ayay u soo tebinaysaa. Mar iyada ayaa ka warramaysa; marna qofkii ay ku dhacday ayay ka hadashiinaysaa.
Qodob kale, ayay aad uga dayrinaysaa. Waa khiyaadana. Khiyaanadu ninka ama gabadha ka ay doonto haka timaaddo e qoyska way burburisaa, carruurtana way dayacdaa. Inay labaduba gaarkooda iskaga ilaaliyaan ayay qoraayaddu xusaysaa.
Waxa kale, oo ay aad uga warramaysaa in labada qof mid ba ka kale uu wanaag ka sheego marka uu cidkale uga warramayo, sida haddii gabadha ninkeeda ay qoysku wayddiiyo sida uu yahay, waa inay wanaag uga sheegtaa. Xataa haddii ay iyada iyo ninkeeda xurgufi dhextaallo waa inay wanaag uun ka sheegtaa, sida ay qoraayaddu ku doodayso.
Waxa kale waxa ay xusaysaa in wixii iyaga dhexmara ee u sirta ah aynna cidna la wadaagin. Midba ka kale, waxa uu u sheego, waa inayna cidkale habaraatee waxba uga sheegin.

Waxa kale, oo ay ragga gaar ahaan talo ugu soo jeedinaysaa inuu xaaskiisa mararka qaar meelaha qurxoon ee cagaaran isku raacaan, oo wada dalxiisaan. In mararka qaar ay wadafadhiistaan, oo cunto macaan ka soo cunaan meelaha ay jecelyihiin. Iyo sidoo kale, in ninku mararka qaar xaaskiisa hadiyad uu isagu u dooray si kedis ah ugu keeno. Waxaas oo dhani jaceylka ayay waariyaan. Waanna mid ka mid ah tallaabooyin dhegaraha dumarka lagaga badbaado.
In la isdabeecad bartaa waa muhiim. Gaar ahaan ragga Marwo Sucaad, waxa ay kula talinaysaa inay dabeecadda xaasaskooda ogaadaa, waayo waxa ay ku sababaynaysaa qofka aanad dabeecaddiisa garanayn waxaa dhici karta inaad xaqiisa ku xadgudubtid, se haddii aad garanaysid waad ilaalin.

Sheeko kale, oo qadhaadh ayay buugga ku xusaysaa. Nin iyo gabadh baa isqabay. Way isjeclaayeen. Ninkii ayaa ka abaaldaray, oo naag kale ayuu jeclaaday. Naagtii uu jeclaaday hal shardi ayay ku xidhay, waxa ay ku tidhi ‘ Xaasle ayaad tahay, horta gabadhaa hore fur. Markaad furto ayaan isguursanaynaa.’ Maba diidine isla markiiba ‘ Waan furayaa’ ayuu yidhi. Ninkii maadaama uuna labada wada qabi karin, oo aynna gabadhan uu jecelyahay oggolaanayn gabadha hore waan kula qabayaa, waxa uu go’aansaday inuu xaaskiisa furo. Wuu furay. Iyada oo jecel ayuu warqadda u jaray. ‘ Ka daa ha I furine’ ayay tidhi oo dheg jalaq uma siin. Gabadh uu jeclaa ayay guursatay. Ninkii wuu is illawysiin jiray marka looga warramo xaaskiisii hore xaaladda ay ku sugantahay, ee murugada iyo ciilalyawga ah. Markii gabadhii danbe ee uu guursaday ay toddobaadbixii iyo maalmihii soodhawaynta ka baxeen mukur iyo madax’adayg ayay bilowday. Way ba isku xumaadeen. Xilligan sida ninku sheegay waxa uu yidhi “ Waxa aan dareemay naxariista iyo wanaagga gabadhaydii hore ee aan furay. Dhabnimada dullaysiga iyo yaraysiga ayaan dareemay. Waxaanan yaqiinsaday inaan ahay danbiile!” Wuxuu werwerku ku sii kordhay markii uu maqlay inay xaaskii hore guursaday wiil Dooba oo jecel oo aad u xannaaneeya! Maalin baan si kedis ah Xaflad ugu kulannay ayuu yidhi, waxa ay ahayd mid faraxsan, ifaysa oo dhoollacaddaynaysa. ‘Waxaasi waa wax aan sameeyay oo la iga jarayo weeyi’ ayuu ninku soo xidhayaa.
Dhaliisha Buugga
1- Magaca iyo xogta ku qoran inay aad u kala muc ballaadhanyihiin ayaad mooddaa, oo magaca ayaa miisaan culus.
2- Buugga xogta ku jirtaa ma aha mid ah sida ay hordhaca ku sheegayso. Waa wax inta badan bulshooyinka intooda badan lagu arko.
Gebagebo
Buuggu waa sheekooyin la isku ururiyay, iyo murtida lagala soo baxayo. Dhawrkii sheeko ee ugu muhiimsanaa, iyo wixii laga faa’idayay ayaynnu soo taxnay. Intaa iyo wax ka badan qofkii u baahan buugga ayuu ka helayaa.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Febraayo, 2020.