Mar kale aan Rabbi ku mahadiyo in uu dhowr caano-maal kaddib innagu simay qaybtii labaad ee gorfeynta in aan wadaagno. Ugu horreyn akhyaartii milgaha iyo sharafka badnayd ee faallooyinka bogaadinta iyo dhiiri-gelinta ba isugu jiray qormadii hore ku lifaaqay, kuwii sii baahiyay iyo kuwii xiisaha ay u qabaan qormada labaad farriimaha badan iigu soo diray si aan ugu dhakhsado baahinta qormada labaad idil ahaan ba aan idhaahdo mahad badan.
Waxyaabaha buuggan u gaar ah waxa ka mid in aanu magac lahayn jilaaga buugga oo qofka innoo warramaya ee waxan oo macluumaad ah inoo soo gudbinaya. Waxa aanad buugga dhammaysanaysaa adiga oo is leh warqaddan ta xigta ayuu ku qoran yahay jilaaga magaciisa ama wax dhigma oo shakhsiyaddiisa laga raadraaci karo. Marka buuggu dhammaado na waxa aad is-weydiinaynaa haddii lagu odhan lahaa jilaagu waa ayo? Maxaad ku jawaabi lahayd. Si kasta ha ahaatee, anigu jilaaga meel aan ku tiiriyo waayay ee bal haddaad adigu meel saari karto akhriste bal ugu yaraan cidda lagu soo sooci karo na la wadaag.
Amuurta waaweyn ee buuggu tibaaxay haddaan ku sii socdo waxa ka mid ah;
xvii. Baraarujinta shaqada wanaagsan ee Golaha Guurtida Somaliland uu Qaranka u hayo in cadaw badan ka xun yahay, daraasaynayo lana dhaygagsan yahay.
xviii. Sirta ka dambaysa abuurista budhcad-baddeedka Soomaalida.
xix. Saddex qarni iyo sagaal sanno oo ehelka khayrku hurday kaddib waxa haatan ku soo wajahan ehelkii sharka xilli adag oo ay dumayso boqortoonyadii dulmiga ku dhisnayd.
xx. In 2020 la qorsheeyay in khayraadka saliidda ee Bariga Africa ku kaydan la isticmaalo.
xxi. Kulmiye in Federal uu Somaliland u soo qaaday.
xxii. Buuggu wuxuu daaha ka faydayaa dheef kasta lagu helo wax ka hor imanaya qawaaniinta iimaanka in aan sina ba luugu raaxaysan karin oo qalbi olol iyo cabsi laga dheefayo.
xxiii. In daawashada aflaanta xunxun ay ka mid yihiin hubka ugu khatarsan ee lagu la dagaallamayo nuurka quluubta.
xxiv. Lacagaha faraha weyn ee dhaqanka, fanka, suugaanta iyo arrimaha la hal-maala lagu bixiyaa yihiin malab sumaysan oo halistoodu aad u badan tahay.
xxv. Mashaariicda xakamaynta taranta Aadamaha iyo qaabka ay u shaqeeyaan.
xxvi. Buuggu midnimo Soomaaliyeed oo tii lixdankii dhicisay ka shin-u-dhaladsan ayuu tibaaxayaa dariiqa loo marayo se waxa aad ugu tagi doontaa gudaha buugga.
xxvii. Waxa kale oo yaabab leh sida buuggan ” Mashruuca la-dagaallanka nuurku!” uu uga wada farxiyay kooxo aad u soo kala horjeeda oo xagga afkaartana ku kala tagay. Tusaale;
1. Suufiyada; oo hamigooda ugu weyn yahay in mar uun shareecada Islaamka dalka lagu dhaqo. Hasa yeeshee, waxa ay aaminsan yihiin in aan wakhtigeedii la gaadhin buuggu markaas iyaga waa u bushaaraynayaa waxa aanu ka marag kacayaa in ay yihiin cidda keliya ee dalka ilaashata aqoonta ay isticmaalaanna way ka heer sarreysaa tan reer Galbeedka ee Tiknoolajiga. taasi oo qiyaastay ah waxan la doonayo in la innaga la dagaallamo ama innaga bakhtiiyo.
2. Salafiyiinta; oo iyaguna gaalo nacaybku madax-maray garabbo ka mid ahina jecel yihiin in gacanta kulul lagu kaxeeyo oo halkaas ku jirto guusha iyo cisiga islaamku. Qoladanna buuggu wuxuu tusayaa cadawga rasmiga iyo tabaha uu adeegsanayo.
3. Dadka dhaqanka Soomaalida ku adadag ee xag-jirka ah; oo jecel in dumarka sidii caadada ahayd jecel ay guryaha ku ekaadaan buuggu wuxuu farta ugu fiiqayaa cidda dabada ka riixaysa dhaqdhaqaaqyada dheddiggu in ay hoggaanka hormuud ka noqdaan noloshana waax kasta iyagu qabsadaan, ragga iyo dumarkana la tartarsiiyo.
4. Daallimiinta afkaartan la dhacsan; xataa wuxuu siinayaa fursad waxa aanay fursaddaasi ku jirtaa in ay yihiin kuwa arrimahooda u sahamiya xog ogaalnimo na ku ladha.
Halkaas waxa aan ku soo afmeeraynaa sodon qodobbo ku dhaw oo aan buugga ka soo dheegay wixii isugu keen hadhay ba wuxuu noqon doonaa talooyin aan qoraaga la wadaagi doono haddii Alle yidhaa.
La soco qaybaha dambe…