Ilaa 20 June kolkii ay soo baxday sheekada inanta yar ee Cawo Xariir, ee Xarunta Agoomaha lagu faro xumeeyay, maalinba qof, hay’ad ama masuul kale ayaa si uun ugu ceeboobaayay xaalkeeda. Dabcan dad kale oo, haba tiro iyo tamarba yaraadeen, hadana foolxumadaas ka gilgishay oo ficil iyo qawl ba ka muujiyay baa jiray. Kiis noociisu naadir yahay weeye, maxaa yeelay waxa uu ka dhacay xarun umaddu wada leedahay oo masuuliyaddeeda koowaad ay ahayd badbaadinta ardayga xarunta jooga. Waxaas oo kale kolka uu dhaco, masuuliyiinta meeshaas joogta oo dhan waxa loo arkaa eedaysanayaal, waxaana la furaa baadhitaan dambi (criminal investigation), halkan se ma dhicin. Isla dadkii la eedayn lahaa ayaaba caruurtii sii maamulaaya, iyaka ayaana ka cadhaysan oo ka cawday in la eedeeyay ama farta lagu fiiqay. Aduunyooy xaalkaa b’a.
Hal maalin baa maqlay wasiirka tacliinta ee arrintu tooska u khusayso oo ka hadlaaya, isna waxba kama odhan shilka dhacay iyo waxa uu ka yeelay ama ka yeeli rabo, keliya dadka hadal haya dhibta inanta gaadhay uun buu canaantay. Ardayadda yar ee dhibtu gaadhay sababta ay guuldaraddu ugu dhacday, sababta ama sababaha maamulka dugsigu aanay qoyskeeda iyo booliiska toona ugu sheegin dhibka jira, sababta ay weli maamulkkii dugsiga ee farta lagu fiiqaayay sidoodii ugu joogaan halkoodii ee caruur kale u maamulayaan, sababta wiilal arday ah loo xidhxidhay ee maamulkii waxa kan ogaa loo dhaafay, iyo tobanaan su’aalood oo kale oo bilaa jawaab ah ayaa Meesha yaalla.
Malaha xukuumaddu ma akhriyin warbixinaha ilaa haatan laga qoray fadeexadda tan ah, oo ay u dambaysay midda uu soo saaray Machadka Horizon ee Raaqiya Oomaar ay maamusho. Waxa ku qoran lixda bog ee report kaasi waa qalbi jab, qof kasta oo waalid ah amaba in yar oo damiir ahi ku duugantahay na wuu ka ilmaynayaa. Assaaskii saldhigga u ahaa waxa Meesha lagu wada joogo, ee aan awalba cagaha adag ku taagnayn, ayaa amuurtani xoog u sii ruxday.
Eeg, waalid danyar ah, oo ilmihiisii la silciyay, oo hadana si badheedh ah looga qariyay dhibta dhacday isaga oo aan meel dheer ba jirin, oo xafiisyadii dawladda iyo wasaarado aan tiro lahayn hadba mid waraaq u qoranaaya, oo sii noqo iyo soo noqo xaalku noqday, ayaa warbixinta ku qoran. Hadda inantii qoyskeedii baa loo celiyay qaylo badan ka dib, laakiin sababta awalba loo ogolaaday in maamulkii dugsiga ee la eedaynaayay ay inanta iyo qoyskeeda isu diidaan ayaa gef wayn ahayd.
warbixinta Horizon Institute waxa ay sheegaysaa in foolxumada meesha ka dhacday ay sababeen qaladaad badan oo is gaadhay. “…injustice upon injustice, violation of the laws and Constitution of Somaliland, abdication of responsibility, misuse of power and a stark illustration of lack of accountability within a number of government institutions.” – “…Cadaalad darro is dul tuulan, ku xadgudub sharci iyo distoorka Somaliland, ka baxsasho masuuliyadeed, ku takri-fal awoodeed, iyo isla xisaabtaan la’aan qaawan oo ka jirta hay’addo badan oo dawladeed.”
Isku soo wada duub, kufsiga waddanka ka dhaca, ee gabadh miyi ama magaalo joogta la xoogo, oo runtii foolxumo wayn ah, iyo midkan ka dhacaaya hay’ad dawladeed oo ay ahayd ilmahan in lagu xafido, runtii waa kala xanuun badanyihiin. Waa qof cisbitaalkii lagu daawayn lahaa, sun loogu qooshay oo dilkiisa lagu qorshaynaayo oo kale uun. Sheekadu waa socotaa, hadiiba ay cidi doonayso in ay guul iyo magac ka dhaliso sixitaanka dulmigaas na, weli waa u furantahay, yaa se u jeeda?
W.Q: Maxamed Haaruun