Guddida COVID19 maxaa la gudboon? (WQ: Ahmed Ismail Idiris)

Cusbitaaladiibaa oxygen la’aanbaa loogu dhimanayaa iyo 6 milyan oo dolar ayaa account noogu jira aynu is qabadsiino. Waxay soomaalidu tidhaahdaa ninka waxa jooga aan arkini waxa soo socdana ma arko. Cibaaraba waatan joogta e waxa soo socota lacagtii COVID19 loo yaboohay oo gebigeediiba kharashaad lagu soo report gareeyay.
Haddaba intaanay taasi dhicin guddidu wuxuun ha ka tagtee saddex mid uun ha ina maqashiiyeen;

1. Bukaankii COVID19 ayaanu ka caawinay ventilators, dawooyin, sariiro iyo wixii u bukuhu u baahday iyo adeegyo caafimaad oo badhax tiran lana gaadhsiiyay inta jamhuuriyadda ku abtirsata.
2. Waxaanu tayaynay qalabkii iyo adeegyadii cusbitaalada 6 caasimad gobol ee dawladdu maamusho taasoo laga heli karo adeegyada caafimaad ee loo baahan yahay oo dhamaysiran sida; dhakhaatiirtii, dawooyinkii, talooyinkii iwm.
3. Waxaanu dhisnay cusbitaal aad u ballaadhan (ka baxsan caasimadda) oo dhamaan dadka reer somaliland ka heli karaan adeegyadii loo doonan jiray dibedda sida India, Turkey ama Malaysia. Taasoo dhakhaatiirtii loo tegi jirayna aanu halkan idiinku keenay. Wixii kharashkaa ka dhinmana ay bulshada u doonaan!!!

Hadaba intaas oo shay waxa ka horaysa in la hagaajo maamulka cusbitaalada iyo shaqaalaha, lana abuuro hab isla-xisaabtankiisu aad u sareeyo kana fog musuqa iyo xatooyada ina biyo dhigtay.

Fiiro gaar ah
Guddida COVID19 waxa la gudboon in warbixin maalmeedkooda ay ku daraan wixii kharash baxay, soo galay iyo sida loo kharash gareeyay.
Xigmadda qoraalkan!!

Baabiinta musuqu wuxuu ka soo bilaabmaa figta sare sida nadiifintaba looga soo bilaabo kaabadaha sare ee jaranjarta!

Li Kuwan Yew.
Alla ha ina dhawro.