Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Somaliland ku dartay liiska waddammada ay shahaadadooda Waxbarasho aqoonsantay

Dawladda Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Somaliland ku dartay liiska waddammada ay shahaadadooda Waxbarasho aqoonsantay

 

Arrintan ayaa ka dhalatay codsi rasmi ah oo ay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland bishii February 2020 u gudbisay Wasaaradda Waxbarashada ee UAE, iyada oo codsigaas sii marisay Amb. Muniir Abusite, isla markaana ay dedaal ka geysatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

 

Waxa kale oo ay Wasaaradda Waxbarashada JSL hadda waddaa dedaallo qoonsi caalami ah loogu raadinayo shahaadooyinka heerarka kala duwan iyo in deeqo waxbarasho iyo maalgalin caalami ah loo helo horumarinta Tacliinta JSL.

 

Link-gan ka eeg Liiska dalalka: https://t.co/uMmLO9EIOk https://t.co/26gOUNEcA0