Guddida Horumarinta Maroodijeex: Gabbood Loo Baahan Yahay Iyo Garab Door Ka Qaadan Kara Danta Guud (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Diyaar ma u tahay inaad samafalka ka shaqayso? Fadlan faafi #Share
Waxa jira guddiyo kala geddisan oo xaafado, degmooyin iyo ardaayo ah oo ka jira Gobolka Maroodijeex. Waa bulsho is diray, oo dedaalay. Kaalmo nololeed ayay buuxiyaan. Laakiin waxa yar inay isu xilqaamaan wax ummadda dhex u ah oo dhaafsan masuuliyadda saaran.

Haddii la samayn lahaa dallad ama gabbood intaas ka ballaadhan oo heer gobol ah waxa la furdaamin lahaa waxyaabaha danta Guud ee ummadda mideeya. Guddidii Horumarinta Togdheer ee waxgaradka ahaa ayaa tusaale u ah.. Guddidii Horumarinta caasimadda Hargeysa ee doorka u weyn ka qaatay dhismaha biriishka labaad ee caasimadda ayaa tusaale kale ah.

Dhacdooyinka ka soo noqnqoday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxa ay dhaliyeen in lagu dhiirrado dhismaha Guddida Horumarinta Maroodijeex oo ka koobnaan doonaan bulshada Gobolka ku nool iyo kuwa maqanba.

Tudaaleyaasha muuqda ee qof sameeyay waxa ka mid ah kaalmadii uu waddada Sallaxley bulshada uga dalbay Garyaqaan Ahmed Nour Guruje. Hawsha guddida waxa aragtiyo ka soo jeediyay Afhayeenka Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan – Xaaxi. So dhismaheedu taabbagal u noqdo waa inay oggolaansho ka haysato madaxda Gobolka Maroodijeex waxa aan kala tashanannay Badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodijeex Md Khadar Barud oo soo dhaweeyay tallaabada togan.

Ma aha madal ku lug leh siyaasad. Waa xarun dhexdhexaad ah. Maalmaha soo socda ayaanu diiwaangelin doonnaa dadka diyaarka u ah inay ka mid noqdaan Guddida Horumarinta Maroodijeex. Dhallinyaro badan ayaa aragtidan soo dhaweeyay.

Haddii aad samafalkaas diyaar u tahay fadlan hoos ku dhaaf magacaaga, taleefankaaga iyo dalka/magaalada and joogto insha Allah.

Mahadsanidiin