Naxliga Cabdiraxmaan Guulwade: Nadal Xaq Ka Dhigaya Xasuuq Shacab! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Xukuumadda uu difaacayo Cabdiraxmaan Guulwade waxa ay afgembiday dawlad sharci ah oo la doortay. Marka horeba ma ay ahayn wax xalaal ah. Nin qori haysta qori ayaa kaa celiya. Hadalkiisu wuxuu i xasuusinayaa maalmihii adkaa. Waxan ku illaawayaa in laga guulaystay oo ay firxad ku baxeen.

Ugu dambayntii waxa uu keliteliyihi ku bakhtiyay dalka Nayjeeriya 2dii Jeneweri 1995kii.. Weliba xoguhu inuu is dilay oo kiniin badan cunay ayay sheegaan. Ilaahay camalkiisii ha ka waraabiyo. Qof ku jeesjeesay Quraanka, tawbadna aan laga maqal looma ducayn karo.. Xitaa dhimasho sharaf leh looma quudhi karo.