Guddiga Doorashooyinka maxaa u bannaan? (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Inay ku dhawaaqaan wakhtiga ay qabanayaan doorashada ururrada, baarlamaankana faraan inay deg deg u sameeyaan sharcigii. Halkaasi markay marayso wuxuu dagaal siyaasadeed baarlamaanka ku dhexmari doonaa xildhibaannada Kulmiye iyo kuwa Maxamuud Xaashi oo isku dhinac ah, oo doonaya in sharciga la sameeyo iyo xildhibaannada labada xisbi mucaarad oo diidan sharci sameynta, oo doorasho madaxtooyo doonaya.

Doorasho madaxtooyo ma qaban karaan, waayo saddexda xisbi waxa ka dhacay ruqsaddii xisbinnimo, waana sida cunto wakhtigeedi dhacay oo kale, oo aan la cuni karin.

10 urur siyaasadeed ayaa soo baxay oo doorasho ururro u taagan, oo doodooda sharci aan la jabin karin.

Waxa Qoray: Cali Cabdi Coomay