Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa ka qayb-gelay Munaasibad lagu daah-furayay Barnaamijka la dagaalanka kansarka haweenka ka asiiba Makaanka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa ka qayb-gelay Munaasibad lagu daah-furayay Barnaamijka la dagaalanka kansarka haweenka ka asiiba Makaanka.

Munaasibadan lagu daah-furayay Barnaamijka la dagaalanka Kansarka oo ka qabsoontay Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa kasoo qayb-gelay Safiirka Safaaradda dalka Taiwan u fadhiya Somaliland MR Allen luu, Agaasimaha Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargaysa Dr-axmed Cumar Askar, Madaxa Qaybta Umulaha, Agaasime ku xigeenka Waaxda Cusbitaalada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Masuuliin ka socotay Safaaradda Taiwan, Dhakhaatiir iyo Mudan kale.

Ugu Horayn waxaa hadalka iska daba qaatay Masuuliintii kasoo qaybgashay Munaasibadda lagu daah-furayay Barnaamijka la dagaalanka Kansarka Makaanka, iayagoo dhamantood hoosta ka xariiqay Sida ay muhiimka u tahay in Masuuliyad gaar ah layska saaro la dagaalanka Xanuunka Kansarka Makaanka, iyagoo sidoo kale xusay in aduunyadda maanta meel wanaagsan laga gaadhay hoos u dhigista dhimashadda uu sababo Kansarku, Sidaa daraadeed ay muhiim tahay in Cusbitaalka guud ee Magaalada hargaysa laga hirgelinayo xarun qaabilsan taranka si looga hortago Cudurka kansarka Makaanka ee Dumarka ku dhaca.

Sidoo Dhakhaatiirka ka mid ah hawlgalka Caafimaadka dalka Taiwan ee Somaliland oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka waramay faa’idooyinka uu Mashruucani u leeyahay Bulshadda iyagoo sheegay inay kaalin Muuqata ka qaadan doonaan Dhakhaatiir ahaan.

Safiirka dalka Taiwan Mr Allen luu oo Sidoo kale ka hadlay Madasha lagu daah-furayay Barnaamijka la dagaalanka Kansarka Makaanka ayaa ka waramay in Taiwan ka mid tahay wadamada ku guulaystay inay Xakameeyaan xanuunka kansarka isla markaana ay doonayaan in ay Somaliland kala shaqeeyaan Sidii Talaabo taasi la mid ah ay u qaadi lahayd.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo si rasmi ah u daah-furay Barnaamijkan ayaa ka waramay dhibaatooyinka Xanuunka Kansarka, isagoo sheegay in Barnaamijkani uu ka mid yahay talaabooyinka la doonayno in lagaga hortago Xanuunka Kansarka Makaanka ee ku dhaca Dumarka.