Gundhigga aasaasiga ah ee cashuuraha (Wq: Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim)

GUNDHIGGA AASAASIGA AH EE CASHUURAHA

  1. Waa maxay Cashuur?

Cashuurtu waa lacag bixin waajib iyo khasab ah oo dawladdi qaado. Abuur ahaanna waa culeeys bulshada la kulanto. Si kaste oo ay culeeys u tahay, hadana waa dhiigga dawladdu ku shaqeeyso, oo cashuur la’aanteed dawladdi tamarin maayso. Sidaa-darteed, sida dhimashada loogu xukumanyahay, ayaa inta nidaam dawladeed jirana cashuurta loogu wada xukumanyahay.

  1. Waa maxay sababta cashuurta loo qaado?

Si fudud, dadku waxay cashuurta u bixiyaan si loogu xalliyo mushkiladdaha deegaankooga ka jira. Dawladduna waxay cashuurta u qaadaa si ay ugu maalgaliso xalinta mushkiladdaha bulshada. Cashuuraha qaarna sidooda ayeey mushkiladdaha bulshada u xaliyaan… In kaste oo ujeedooyinka dawladduhu cashuurta u qaadaan badanyihiin, kuwa ugu mudanse seddexdan baa ka mid ah;

  1. Si ay dawladda u hesho dakhli – hanti lacageed, oo ay ku maamamusho, ku socodsiiso, kuna maalgaliso maasuliyadaheega.
  2. Si loo koobo kala tagsanaanta heeynta bulshada (income inequality) ama dib loogu qaabeeyo (redistribute) heeynta bulshada, iyadoo dawladdu kuwa hantida badan iyo kuwa lacagta badan soo gasho ku waajibinaaysa cashuur badan, kuwa heeyntoodu aanay wanaagsaneeyna saaraaysa cashuur yar.
  • Lacagtaa soo xarootay, dawladdu waxay ku maalgalisaa dhisintaanka iyo dayactirka iskuullada, dhakhtarada, ceelasha, wadooyinka, goobaha ganacsi, guryaha dawladda, IWM ee danguud ah. Ujeedkuna waa in dadka heeyntoodu yartahay ay helaan adeegyo iyo wax-soosaar dawladeed oo bilaash ah ama ka jaban kuwa gaarka ah, maadaama kuwa ladan lacagtooda ku helayaan baahiyaadkooda.

Isla-jaanqaadka bulshadu waxa ku adkaada tiirarka dawladdu ku taagantahay. Isla-jaanqaad la’aantuna waxay xar ku dhalisaa tiirarka dawladda haya.

  • Si loo dhimo isku dheelitirnaan la’aanta goballada ama degmooyinka: Sida caadiga ah, waxa kira goballo ama degmooyin dhaqaalahoodu wanaagsanyahay, cashuur badana ka soo xarooto iyo goballo ama degmooyin uu dhaqaalahoodu liito, cashuur badana aanay ka soo xaroon. Sida darteed, si dawladdu goballada ama degmooyinka isuugu dheelitirto, waxay kuwa dib-u-dhucu ka jiro si gaar ah uga taageertaa bixinta iyo joogteeynta adeegyada dawliga ah iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, si aanay uga dib dhicin horumarka guud ee dalkaa ka socda. Waxa kale oo ay dawladdu kuwa dhaqaalahoodu liito u sameeysaa kharashaad cashuureedyo (tax expenditures) u gooni ah – cashuur dhimis iyo cashuur dhaafyo, ilaa heer ganacsiga iyo dhaqaalaha degmoyinkaasi soo kobcayo.
  • Tusaale: Gobalada bariga (sool iyo sanaag) miisaaniyadda waxa ugu jirta 2% iyaga u gaar ah oo loogu talo gallay horumarinta gobaladaa. Waxa kale oo jirta in degmooyin gobaladaa ka tirsan aan wax cashuur ah laga qaadin, qaarkoodna cashuurta laga khafiifiyo.

Kharashaadka Cashuureed (tax expenditures) marka wax lagu xalinayo, miisaaniyadda iyo dawladnimadaba waxay uga dhigantahay kharashaad ama lacag loo qeeybinayo bulshada, maadaama cashuurta la dhimay iyo ta la dhaafay ay tahay lacag waajib aheeyd, balse qofka jeebadiisa loogu hakiyey.

  1. Maxaa dadka ku riixa in ay cashuurta bixiyaan?

Sidaan hore u sheegnay cashuurtu abuur ahaan waa culeeys. Qof katena wuu jeclyahay in laga dhimo ama laga dhaafo cashuurta ku waajibtay. Sidaas oo ay tahay, hadana waxa jira dhawr talaabo oo hadii ay dawladdu qaaddo, dadku ku qancaan culeeys kaste oo ay cashuurtu leedahay. Talaabooyinkaas waxa ka mid ah:

Ø  In bulshada iyo hantidoodaba loo cashuura si ka turjumeeysa dakhligooda iyo qiimaha hantidooda, oo aan qiime (value) iyo xadi (rate) isku mid ah laga qaadin, bedelkeedase qof kaste ama ganacsi kaste laga qaadayo qiime iyo xadi miisaan ahaan u dhigma dakhligiisa iyo hantidiisa. Iyadoo laga duulayo awooda bixinta.

Ø  In cashuurta lagu celiyo bulshada, iyada oo mashaariic iyo adeegyo cusub loogu soo kordhinayo. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in dayactir, dib-u-habeeyn iyo horumarin lala daba joogo kuwii hore iyo kuwa cusubba, si bulshadu u dareento waxtarka lacagta ay bixiyaan.

Ø  In la keydiyo in ka mid ah cashuurta soo xaroota. Si marka dhibaatooyin dhacaan ama baahiyo degdeg ahi soo baxaan loo isticmaalo keeydkii la hayay. Ujeedkuna waa in aan bulshada markaste loo baahan.

Talaabooyinkan kor ku xusan waxay ku suurta galayaan;

Ø  Marka la casriyeeyo, lana tayeeyo nidaamka cashuur-qaadista, iyadoo la abuurayo hanaan cashuur-qaadis oo daah-furan ama ban-yaal ah. Waana in qof kaste ama ganacsi kasteba saadaalin karo, garana karo cashuurta ku waajibaaysa.

Ø  Marka meesha laga saaro kharashaadka dawladda ee aan muhiimadda badan laheeyn, lagana maarmi karo, kuwa muhiimka ahna in sida ugu macquulsan loo kharash-gareeyo.

Ø  Marka ay jirto masuuliyad dawladeed oo bulshadu la xisaabtanto, taasi oo bulshada u sharaxda meel-kaste oo shilinkoodu ku dhacay ama waxa loo qoondeeyey. Marka qorshaha ama odoroska la sameeynayana waa in bulshadu qeeyb ka ahaataa ama lala socodsiiyaa sida loo isticmaali doonno cashuurta ay soo xareeynayaan.

4. Qeeybaha Cashuuraha

Cashuuruhu waxay u kala baxaan labo qeeybood, Cashuuraha Toosan (direct tax) iyo Cashuuraha Dadban (indirect tax), qeeyb kastena waxay ka koobantahay dhawr nooc oo cashuura ah. Guud ahaantoodse waxa loo kala saaraa seddex kooxood:

  1. Cashuuraha ku dhaca dakhliga iyo kharashaadka.
  2. Cashuuraha ku dhaca hantida iyo kala wareejinta hantinda.
  • Cashuuraha ku dhaca Alaabta iyo Adeegga.

Kooxda koowaad iyo kooxda labaad waxa lagu soocaa Cashuuraha Toosan, kooxda seddexaadna waxa lagu soocaa Cashuuraha Dadban.

B. Cashuuraha Toosan: cashuurahani waxay si toos ugu waajibaan cashuur-bixiyaha, culeeyskooduna bulshada uma gudbo. Cashuurahan waxay ku dhacaan dakhliga, kharashaadka iyo hantida, waxayna waajibaan marka dakhliga ama hantidu soo gasho gacanta qofka. Waxana ka mid ah; Cashuurta Mushaharka (payroll tax); Cashuurta Macaashka ama Dakhliga Ganacsiga iyo Daaraha (bussiness/profit/income tax); Cashuurta Macaashka Shirkaddaha Waaweyn (corporate tax); Cashuurta Ardiyada –dhismaha iyo dhulka– (property tax); Cashuurta Kiradda daarta/dhulka (rental tax); Cashuurta Wado-marista (Road Tax); iyo Cashuurta Kala-warejinta Hantida –marka iibku dhaco– (transfer tax). Marka laga reebo Cashuurta Kala-wareejinta, cashuuraha kale waa kuwa xiliyeeysan. Tusaale: sanadle, bile, IWM.

T. Cashuuraha Dadban: Cashuurahani waxay si dadban ugu dhacaan ganacsatada, oo iyaga ayaay saarantahay masuuliyadda bixinta ama soo xareeynta cashuurtu. Balse culeeyska cashuurta waxay u gudbiyaan bulshada, waxayna saaraan adeegga iyo alaabta ay iibinayaan oo qofka ugu danbeeya ee alaabta ama adeegga u iibsanaya in uu isticmaalo ayaa bixiya cashuurta. Cashuurahan waxay waajibaan intaan alaabta/adeeggu gacanta cashuur-bixiyaha gallin. Waxana ka mid ah:

Ø  Cashuurta Kastamka/Furdada (customs duty): Waa cashuurta ku dhacda alaabaha iyo adeegyada soo gallaya ama ka baxaya dalka. Cashuurtan waxa bixiya qofka/meherada alaabta/adeegga dalka keena, dabadeed lacagta cashuurta wuxu ku darsadaa kharashka ka baxay, markaas buu qimaha uu ka macaashayana saartaa, dabadeedna dadka ka iibiyaa. Sidaas awgeed, culeeyska cashuurtani waxay kortaa oo bixiya qof kaste oo alaabtaa ama adeeggaa iibsada.

Ø  Cashuurta Isticmaalka (consumption tax):

ü  Cashuurta Iibka: waxay waajibtaa marka qofku alaab ama adeeg iibsanaayso ––Cashuurta Gadista (sales tax); Cashuurta Iibka Alaabaha iyo Adeega (goods and service tax GST); Cashuurta Qiime Koradhka (value added tax VAT)–– Culeeyska cashuurtani wuxu u gudbaa oo bixiya qofka alaabta/adeegga iibsnaya. Qof iibinayana wuxu ka masuul yahay in uu iibkaste oo uu sameeyo cashuurta saaro, isagaana dawladda u qabta, una xereeya.

ü  “Excise Tax” waa cashuur la saaro alaabaha iyo adeegyada dhibaatada ku ah bulshada ama deegaanka, si loo yareeyo ama bulshada looga niyad jabiyo isticmaalka alaabtaas ama adeegaas. Waxa kale oo cashuurtan la saaraa alaabaha qaaliga ah, kuwaas oo qiime kaste oo la siiyo dalabkiisu aanu is bedellin. [Tusaale: tigidhka diyaaradaha]. Culeeyska cashuurtanina wuxu u gudbaa oo bixiya bulashada isticmaalaaysa.

ü  Cashuurta Masuuliyadda Dheeriga ah (Exteneded Producer Responsibility “EPR Tax”). Cashuurtani waa hawl-gal siyaasi ah (policy approach) oo lagu dabaqo warshaddaha dalka iyo ganacsatada alaabaha soo dhoofisa. Cashuurtan waxa lagu waajibiyaa “alaabaha” warshadduhu soo saaraan ama ganacsatadu soo dhoofiso, kuwaas oo hadhaagoodu aanu faa’ido danbe u laheeyn bulshada, deegaankana dhibaato ku abuurayo. Lacagta cashuurtan ka soo xarootana, dawladdu waxay u qoondeeysaa maareeynta iyo tirtirida khasinkaas. Hadii ay dalka ka jirto warshad dib u sanceeysa (recycling) hadhaagaas, lacagta cashuurtaas ka soo xaroota waxa loo qoondeeyaa in la siiyo cida soo ururisa hadhaaga ee warshadda geysa.  Culeeysku cashuurtanina wuxu u gudbayaa oo bixiya bulashada isticmaasha alaabtaas.

ü  Cashuurta Moorka ama “Tastiiqinta” (stamp duty): asalkeedu waxay ka timiday shaanbad lagu xaqiijinayo ama sharciyeeynaaysa saxnimada qaansheegta wax lagu kala iibsaday ama lacagta lagu bixiyey. Qofka wax iibsanaya ama lacagta bixinaya ayeeyna kortaa.

5. Cashuurta Kastamka iyo Cashuuraha Berriga.

Ø  Cashuurta kastamka: cashuurtan eray aqooneedkeedu waa Waajibka Kastamka (customs duty), waxayna ku waajibtaa alaabta xuduudaha dalka ka soo gasha ama ka baxaysa. Alaab dalka gudihiisa taala kuma waajibto. Si guud, waxa laga soo dhiraandhiriyaa kharashaadka ku soo baxay alaabta ilaa inta dalka la keenayay, oo ku cad qaansheegaha ganacsiga (commercial invoice) ee qofku wato, taasi oo ka dhigan qiimaha (value) alaabtaasi taagantahay, dabeedna waxa lagu dhuftaa, xadiga (rate) dalkaasi u qoondeeyey in alaabtaa laga cashuuro. Dabeed maxsuulka soo baxa ayaa la yidhaa Waajibka Kastamka (customs duty). ––Somaliland, maadaama ganacsatadu aanay keenin qaansheegtooda ganacsi (commercial invoice), qiimaha (value) shayga iyo xaddiga (rate) laga cashuurayaba waxa ay ku yaalaan buugga tacriifadda––

Ø  Cashuuraha Tooska ah: dhamaantood waa Cashuuro Barri. Waxayna ku waajibaan dakhli, hanti ama kharash dalka gudihiisa yaala.

Ø   Cashuuraha isticmaalka (consuption taxes): sida caadiga ah, waxay waajibaan marka alaabta dalka gudihiisa soo gasho. Sidaa darteed waa Cashuuro Barri. Balse way dhici kartaa in ay dhabarka laga saaro (piggybacking), cashuurta waajibka kastamka, iyaguse si iskood ah uguma dhacaan alaabta kastamka soo galaysa am aka baxaysaa, ilaa ay dusha ka koraan waajibka kastamka mooyaane. Sidaa darteed, maadaama ay isticmaalka shayga ku waajibayaan asalkoodii waxba iska beddeli maayaan, ee Cashuuro Barri uun bay ahaanayaan.

Intaa waxa dheer oo iyaduna jirta cashuur la yidhaa “Cashuurta Dheeriga ah” (sur tax), cashuurtan waxa la waajibiyaa marka dalka dhaqaalihiisa hoos u dhac ku yimaado iyo marka xaaladdo dabiici ah ama dagaallo ku soo noqnoqdaan dalka, si looga hortago in dheeli ku yimaado miisaaniyadda dalka. Cashuurtan marka la waajibinayo waxa loo xanbaariyaa (piggypacking) maxsuulka cashuurta lagu rarayo/marayo, iyadoo loo eegayo in dakhli badan ka dhalan-karo iyo in aanay culeeys aad ah ku kordhineeyn bulshada inteeda badan. Markaa, qeeybta ay cashuurtani ku biiraayso waxay ku xidhantahay hadba cashuurta loo xambaariyo.

F.G: dhamaan Cashuuraha Dawladdaha hoose waxay xisaabsanyihiin Cashuuro Barri.

6. Culeeyska Cashuurtu, ma Dadka Ladan ayuu ku Badanyahay mise kuwa Heeyntoodu Hooseeyso? Si aynu tan u ogaano, waxaynu labada qeeybood ee cashuuraha ku dabaqaaynaa nidaamyada cashuuraha (tax systems).

Ø  Marka la jooggo Cashuuraha Toosan;

B. Dalalka isticmaala nidaamka xaddiga cashuurta laga simanyahay (flat tax rate)  –Somaliland– sida loo kala dakhli iyo hanti badanyahay waa loo kala cashuur badanayaa. Laakiinse, culeeyska waxa aad u dareemaya dadka heyntoodu yartahay iyo kuwa dakhligoodu hooseeyo. Sababtuna waxa weeyi, marka la isku eego hantida ama dakhliga iyo cashuurta ka go’aaysa iyo awooda bixinta lacagta. Tusaale: hadii xadiga cashuurtu yahay 10%; qofka musharkiisu $100 yahay, waxa ku waajibaya $10; ka uu $500 yahayna, $50 baa ku waajibaya; ka $1000 qaatana, $100 baa ku waajibaya.

T. Hadii dalku isticmaallo nidaam cashuureedka ah, in xaddiga cashuurtu la kordho dakhliga (progressive tax rate), culeeyska cashuurtuna wuxu u kordhayaa sida loo kala dakhli badanyahay. Dareenka culeeyska cashuurtana waa laga sinaanayaa.  Tusaale: dadka musharkoodu u dhaxeeyo $100–$599, xadiga cashuurtoodu wuxu noqonayaa 5%. Kuwa $600 – $1,099 qaatana, xadigoodu 8% buu noqonayaa. Kuwa $1,100 – $2000 la siiyana, xadigoodu wuxu noqonayaa 10%.

J. Hadii dalku isticmaallo nidaam cashuureedka ah, in sida loo kala dakhli badanyahay, xadiga cashuurtana loo kala yaryahay (regressive tax rate), culeeyska cashuurta cida uu ku badanayo waxay ku xidhnaanaaysa faraqa u dhaxeeynaya xaddiga cashuurta ee mid kaste la saarayo. Tusaale: hadii shirkad X macaashtay 10 milyan, xaddiga cashuurta la saarayona yahay 10%, cashuurta ku waajibaaysaa waa 1 milyan. Hadii shirkad kalena macaashto 100 milyan, xaddiga cashuurtuna yahay 5%, cashuurtu ku waajibaaysaa waa 5 milyan, laakiin hadii xaddiga 1% laga dhigo, cashuurtu waxay noqon 1 milyan. Sidaa darteed, culeeyska cashuurta shirkaddaha wuu isleekaanayaa.

ü  Nidaam cashuureedkan inta badan waxa loo adeegsadaa Cashuurta Macaashka ee Shirkaddaha Waaweeyn (corporate tax), marka la rabo in shirkaddaha waaweeyn ka qeeyb-qaataan koradhinta dakhliga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Waana nidaam siyaasadeed lagu kordhiyo shaqo-abuurka iyo wax-soosaarka dalkaas; shirkaddaha waaweeyn lacagta uga baaqata cashuurta, maalgalin cusub ayeey ku sameeyaan. Cashuurta ka soo xaroon doonta shaqaalaha, wax-soosaarka iyo macaashka cusub ee shirkadduhu wuxu dawladda u bedelaa cashuurtii shirkaddaha laga dhimay, mararka qaarna cashuur ka badan tii la dhimay baa ka soo baxda.

Ø  Marka la jooggo Cashuuraha dadban:

Madaama cashuuraha dadban ku dhacaan qof kaste oo wax iibsanaya, hadaba marka isku miisaamo heeynta (income) iyo awoodda lacag bixinta ama awoodda wax iibsiga (purchasing power) ee bulshada, dadka heeyntoodu yartahay ayaa culeeyska cashuuraha dadban kaga dareen badan kuwa ladan, sababta oo ah alaabta/adeegga qiime isku mid ah bay suuqa kaga helaan, oo loo eegi maayo heeynta qofka wax iibsanaya. Sidaa-darteed, dadka dakhligoodu yaryahay ayaa aad u dareema culeeyska cashuuraha dadban.

 

GUNDHIGA AASAASIGA AH EE MAAMULKA MAALIYADDA DAWLADDA

Lacagta laga bixiyo ama laga maalgaliyo shaqooyinka dawladdu qabato ayaa la yidhaa Maaliyadda Dawladda. Maaliyadda dawladduna waxay ka koobantahay dakhli (revenue) la soo xareeyo iyo kharash (expenditure) la bixiyo, kuwaas oo sees u ah Miisaaniyadda Dawladda oo iyadu ah ‘Maaliyad Mudaaysan’.

Dakhligu waa isku-darka lacagaha u soo xarooda dawladda. Lacagahaas waxa ugu muhiimsan kuwa ay dawladdu qaado oo ay ugu mudantahay cashuurtu. Lacagaha kale ee ay dawladdu qaadana wax aka mid ah, khidmadda/lacagta qofku bixiyo si uu u helo ama u isticmaalo adeeg, alaab ama wax-soosaar dawladdu leedahay (fee/user charge); lacagta qofku bixiyo si loo siiyo shati uu ku hawl-gallo (licence fee); lacagaha ka soo xarooda ganaaxyada, ciqaabaha iyo takhsiiraha dawladdu jideeyso (fines and penalties). Intaa waxa dheer oo dakhliga dawladda ka mid ah; lacagaha lagu caawiyo, kuwa la siiyo, kuwa ay deynsato ama la deymiyo; daabicidda lacagta cusub ee dawladda; iyo lacagaha ka soo xarooda hantida dawladda ee la iibiyo.

Kharashkuna waa habka ay dawladdu u bixiso ama u isticmaasho dakhligeega, iyada oo ku maareeynaaysa masuuliyadaheega. Kharashaadka dawladdu gasho ama bixisana waxa loo qeeybiyaa labo qeybood oo waaweeyn;

  1. Kharashaad joogtada ah ee soo noqnoqda (recurrent expenditure). Waa kharashaadka ku baxa maamulidda iyo hawl-socodsiinta shaqada dawladda. Waxana ka mid ah; kharashaadka shaqaalaha (mushaharka, gunada, dhiirigalinta, habeen dhaxyada, IWM) Kharashaadka xafiisyada (iibsashada iyo dayactirka aqabka iyo alaabta, bixinta kirooyinka iyo adeegyada la isticmaalo, IWM) Kharashaadka gaadiidka (shidaalka, dayactirka iyo iibsashada gaadiidka). Kharashaadka dawladda dhexe u gudbiso (transfer) dawladdaha hoose ama kuwa dawladdaha hoose u gudbiyaan deegaanada hoos yimaada degmadooda. Dawladdaha badankoodu kharashaadkan waxay ka bixiyaan lacagaha ay qaadaan.
  2. Kharashaadka aan jogtada aheeyn. Waa kharashaadka loo qoondeeyo maalgalinta mashaariicda horumarinta (capital expenditure), sida: dayactirka iyo dhisida kaabayaasha dhaqaalaha (goobaha waxbarashada iyo caafimaadka, ceelasha biyaha, wadooyinka, dekaddaha, IWM), maalgalinta wax-soosaarka (beeraha, macdanta, shidaalka, warshadaha, IWM) maalgalinta adeegyada (Korantada/laydhka, isgaadhsiinta, IWM). Kharashaadka aan joogtada aheeyn waxa kale oo ka mid ah: bixinta deeymaha, kharashka mareeynta masibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga aheeyn. Dawladdaha badankoodu kaharshaadka aan joogtada aheeyn waxay ka bixiyaan dakhliga ka soo hadha lacaga ay qaadaan, deeymaha la siiyo ama ay deeynsadaan, lacagaha lagu caawiyo iyo hantida dawladda ee la iibiyo.

 

Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim
M.A in Customs Administration
Email: cabdiraxmanmid@gmail.com