Warbixinta Sanadlaha ah ee Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa banaan ee Somaliland 2021

Maanta oo ay bishu tahay 29, December, 2021, xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay soo saartay war bixin teedii xuquuqal insaan ee sanadka 2021.

Warbixinta xarunta xuquuqal insaanka madaxa banaan ee 2021, wuxuu nuxur keedu yahay oo ay la xidhiidha tacadiyo xuquuqal insaan oo dalka gudihiisa ka dhacay sanadkan.

Sanad walba xaruntu waxa ay soo bandhigta tacadiyo iyo gefaf xuquuqal insaan oo la xidhiidha arrimo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay diiwaan galiso inta u dhaxaysa bilaha January – December.

Waxa jira xaalado soo noqnoqda oo ah tacadiyo Xuquuqal Insaan, ku waas oo si joogto ah u dhaca  laga soo bilaabo 2013, xaruntu waxay si toos ah ula socatay heer ka ay joogto dhowrista xuquuqada aadamaha ee Somaliland.

Xaruntu waxay si weyn uga walaac santahay in sanadkan 2021, uu noqday sanadkii ugu xadhiga badnaa marka la barbar dhigo sanadihi hore xadhigyadi ay xaruntu diiwaan galisay.

Cabudhinta aragtiyaha, xadhiga warbaahinta madaxa bannaan iyo xadhigyo tiro badan oo sharci daro ah ayaa waxay  caadi iyo caado ka noqdeen Somalilandgudaheeda.

Xaruntu sanadkan waxa ay diiwaan galisay 114  qof oo dhammaantood sifo aan sharci ahayn oo dastuurka khilaafsan loo xidhay.

Dadkasi waxay isugu jiraan 13, suxufi, 10 siyaasi  iyo 91 qof oo kale oo bulshada inteeda kale ah.

Dadka loo xidhay inay aragtidooda cabireen seddex ka mid ah ayuu xukun maxakamadeed ku dhacay , kuwa soo oo kale ah gudoomiye ku xigeenki Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga mucaarad ka ah ee Wadani, Wali Cabdi Jamac oo lagu xukumay laba sano iyo laba bilood oo xadhig ciqaabeed ah, Cabdilaahi Cabdi Jaamac (Abwaan Qanciye) oo lagu xukukumay hal sano iyo seddex bilood oo xadhig ah iyo Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim oo is na hal sano lagu xukumay.

Dadka dhammaan tood waxa lagu wada xidhay qoraalo ay baraha bulshada ku qoreen ama ay warbahinta la wadaageen

Arintaas oo runtii ka hor imanaysa mabaadiida uu ku dhisan yahay Dastuurka Jamuuriyada Somaliland.

Waxa sidoo kale warbixinta ku xusan tacadiyo boolisku dad shacaba kula kaceen kuwaas oo aanay jirin cid loo xidhay amaba loo maxkamadeeyay.

Sidoo kale war bixinta waxa ku jira xaalada maxabiista iyo saldhigyada dalka, oo runtii cidhiidhi badani ka jiro, iyado xilagan ay jiraan xaalado caafimaad daro oo uu sababay xanuun ki covid-19.

Dhanka kale warbixinta xaruntu waxay tilmamaysa xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka dalka gudihiisa ku baro kacay.

Warbixinta waxa sidoo kale ku jira tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Waxa mudoyinkan dambe soo batay tacdiyada haweenka ka dhan ah taaso ay sabab ay u tahay inaanu jirin xeer iyo qawaaniin gaar u ah oo lagu xakameeyo amaba lagu tacaala.

Talo soo jeedin.

Ugu danbeyn xaruntu waxay dowladda Somaliland usoo jeedinaysaa arrimahan hoos ku xusan.

  • In la joojiyo xadhiga lagula kaco warbaahinta madaxa banaan, siyaasiyiinta iyo dadka aragtiyahooda cabira ee dowlada dhaliila.
  • In la ixtiraamo xuquuqaha uu dastuurku damaanad qaadayo, ee laxidhiidha xoriyada hadalka iyo aragti dhiibashada.
  • In booliska dib u habayn balaadhan lagu sameeyo, lana joojiyo sifaha siyaasadaysan ee marar badan loo adeegsado.
  • Sidoo kale in la helo cid ka garnaqda khaladaadka iyo tacadiya booliska marar badan u gaysto bulshada.
  • In la dhowro xuquuqda maxaabiista saldhigyada ku xidhan lana daryeelo.
  • In ay dowladu hoos eegto lana socoto xaalada ay ku sugan yihiin dad ka dalka gudihiisa ku barakacay.
  • Ugu danbayna xaruntu waxay soo jeedinaysa in xeer lagu xakameeyo loo helo tacadiyada haweenka ka dhan ah.

Hoos ka akhri warbixinta oo af-Ingiriisi ah oo dhammaystiran.

State of Affairs- Annual report of Final

Yasmin Omar Haji Mohamoud
Chairperson of Human Rights Centre Somaliland
Mobile: +252 (0)634472011

hrcsomaliland@gmail.com

 

 

 

.