Wassaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaruhu waxay qabatay shirka saddex biloodlaha ahaa ee lagaga hadalayey waxqabadka horumarinta dhallinyarada

 

Wassaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta qabatayay Shirka Saddex billood ah, kaas oo lagaga hadloo arimaha horumaarinta dhalinyaradda Somaliland, Shirkan oo ka dhacay Magallada Hargeisa ayaa waxaa ka soo qaby-galay, Hay’adda Maxaaliga ah, iyo kuwaa caalamiga ah, Shaqallaha Wassaradda Dhalinyaradda iyo ciyarraha, iyo Hay’adda UNFPA oo ah Hay’adda taageeraysay qabsoomida Shirkan.

Agasimaha guud ee Wassaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaraha Jamhuriyadda Somaliland, Mudane. Abdirashid Caydiid Yaasin ayaa furay shirkan, isla markaan ka hadlay ujeedadda Shirkan kaas oo darna sidii loo dardar gelin laha arimaha la xidhiidha Horumarinta dhalinyaradda Somaliland, iyo sidii kor loogu qaadi laha Wadashaqaynta ka dhaxaysa Wassaaradda, Hay’addaha maxaaliga ah iyo kuwaa caalaamiga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay shirkan saddex billood laha ahi. Agaasimuhu waxa kale oo uu soo jeediyay in wasaarad ahaan ay u xilsaaran yihiin inay daba gal ku sameeyaan fulinta barnaamijyada horumarinta dhalinyarada si loo hubiyo in barnaamijyadu aanay noqon kuwo meel kaliyaa laga fuliyo, iyo sidii loo tayeyn lahaa barnaamijka horumarinta dhalinyarada, iyo sidii barnaamijyaddasi ay u wadda gaadhi lahayeen dhalinyaradda ku nool dhammaan gobolladda Somaliland oo dhan.

Kulankan ayaa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahi ku soo bandhigeen barnaamijyada la xidhiidh horumarinta dhalinyarada ee ay ka fuliyaan Somaliland. sida xirfadaha shaqo abuurka, horumarinta ganacsiga, xirfadaha hal-abuurka ganacsiga, Barashada farsamada gacanta, xuquuqda dhalinyarada, waxbarashada madaniga ah iyo nabadda iyo amniga.

Sidoo kale waxa shirka lagu falanqeyay muhimadda ay ledahay Siyasadda Dhalinyaradda qaranka, hirgelinteeda iyo dhammeystirkeeda, si wax looga qabto baahiyaha kala duwan ee dhalinayaradda Somaliland.

Ugu dambayntii, wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyo hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin waxa ay isla garteen in shirkan saddexdii bilood laha ah la qabaan doono saddex bilood ba mar, si kor loogu qaado isla xisaabtanka wassaradda iyo Hay’adda fuliyaa barnaamijyadda dhalinyaradda si loo helo waxqabad hufan oo lagu horumarinayo dhallinyarada.

Halkan hoose warkan:

Bandhige@gmail.com