Gurigii Madaxtooyada yaa u miliqsanaaya? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Waynagan og gurigan cusub ee loo dhisaayo madaxtooyada dalka, waxa mashaakil ka dhacay iyo arimuhu siday yihiin  waad kawada dharagsantihiin, waxaaba laga yaabaa inaad iiga xogogaal badantihiin markaa arinkaa gali maayo eh.

Hadaba marka gurigan cusub loo dhiso madaxtooyada, kollay madaxtooyadii hore waa la faaruqin.

Hadaba waxaa is waydiinleh, tolow dawladu may inoo sheegto waxa loo qorshaynaayo dhulka intaa leeg ee ay ku fadhido waxa laga yeelayo mustaqbalka.

Mise waxa loo qorsheeyay mar horaba dariiqii la marinlahaa oo ah dariiqii kuwii horeba la mariyay, illayn kama wanaagsana guryihii hore ee dawlada eh.

Waxaa kale oo iswaydiinleh, tolow cidda u miliqsanysaa waa ayo madaxtooyadii hore bal adba.

Anigu waan qiyaasya eh oo way iska muuqataa eh, bal idinkuna cida u miliqsanysa  bal idinkuna qiyaasaa, nin iyo aragtidii.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com