Taxanaha Sirdoon Iyo Ammaan Q.1aad (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Taxane aan arrimaha sirdoonka iyo ammaanka kaga hadli doono ayaan haddii Rabbi xukmo bartan idinkula wadaagi doonaa. Innaha aan akhris kaga bawsaday oo aad u yar ayaan dareemay haddana in baahi weyn bulshadu u qabto in la gaadhsiiyo. Mawduucyada aan kor-ka-xaadiyo ama iba-furo waxa la heli doonaa cid kale oo innaga haqab-tirta oo xogo waafi ah innaga siisa.

WAA SIDEE ARAGTIDA SOOMAALIDA MAANTA EE SIRDOONKU?

Fahankeeda sirdoonku waa mid saboolnimo badani ka muuqato, diyaarna uma aha in ay wax ka bartaan ama ka ogaadaan arrimaha Sirdoonnada sababtuna waa in sawir khaldan ay ka haystaan.

Maadaama fahanka guud ee dawladnimo ba innagu yar yahay Sirdoonka oo dawladnimada indhaheeda ah dadku maxay u baran weeyeen lama odhan karo. Hasa yeeshee, qof kasta oo meel dawladnimo rasmi ah ka hana-qaaday arkay wax uun buu ka fahmi karaa arrinta Sirdoonka iyo ahmiyaddiisa.

Qofka sirdoonka ah Soomaalidu waxa ay u yaqaannaan qofka calaamadahan leh;

1. QOF DHOOF BADAN; dunidan casriga ah ee wax walba sahlan yihiin qofka sirdoonka ah looga ma baahna in uu dhoof bato arrintaasina waa mid keeni karta in indhuhu qabtaan oo loo fiirsado, taasi oo gabi ahaan ba shaqadiisa lid ku ah. Haddaan tusaalaha soo dhoweeyo, xilligan aan joogno maxbuuska Hargeysa dhexdeeda ku xidhan dambe-baadhe Latin America jooga ayaa su’aalaha soo weydiiya oo shaashad ayuun baa la hor fadhiisiyaa. Markaa miyay muhiim tahay in qofka Sirdoonka ahi dhoof badnaado?! Jawaabta oo koobani waa maya.

2. QOF LACAG BADAN ISTICMAALA OO AAN SHAQAYN; Sirdoonku si ay u raad gataan waxa qasab ah in ay ka shaqeeyaan wax ummaddu wada fahmi karto sida in ay hudheel furtaan hawlahoodana ugu hoos wataan sidaa darteed ayaan halkaana ku ekeynayaa qofka lacagta badan isticmaala ee aan shaqayna in tuhunkiisu cidlo yahay.
Cover Action; eregyga ugu dhow ee aan helay waa “Been-guur”

3. QOFKA AAMUSAN EE WAX DHAGAYSTA; Dadkeennu waxa ay moodaan qofka aamusan ee wax dhagaysta sirdoon wax dhuuxaya hasa yeeshee iyana waa tuhun aan sal iyo raad lahayn qofka sirdoonka ahi isaga ayaa dadka mawduuca uu xogta ka rabo ku haga dooddana waa ku takhakhus sida loo sameeyo iyo sida xogaha looga la baxo.

4. QOFKA GAWAADHIDA KALA BEDBEDDELA EE MAALIN BA MID CUSUB KAXAYSTA; Waxyaabaha Soomaalidu wax ku qiimaynaysaa hal-beegga caqliga wanaagsan aad buu uga hooseeyaa. Sirdoonku maaha qof xarrago, gawaadhi iyo meelo qurux badan oo la tagaa ay macno u samayso waa qof waajibaad Qaran guta oo qorshe ku socda.

Haddii ba afartaa calaamaddood ee aan kor ku soo xusnay aan sheegnay in aanu Sirdoonku lahayn afar kale ma ka sheegi karnaa kuwa rasmiga ah ee uu leeyahay? Haa. Waxa ka mid ah;

1. Sirdoonku maaha qof arrimahiisa gaar ah gaar ahaanna safarradiisa iyo xilliyada uu shaqooyinkiisa muhiimka qabanayo la ogaado. Tusaale waxa jira dad marka ay safrayaan Facebook ku qora Waxa aan u socdaa Jigjiga calaamaddaa haddaad aragto qofkaasi ma qaban karo shaqada Sirdoon.

2. Sirdoonku habab Codes ah oo la bedbdeddelo mar kasta ayay wax iskugu sheegaan laba qof sirdoon ah haddaad walhti badan la joogto iyaga oo macluumaad kala qaadanaya oo ballamo samaysana ayaanay haddana afka ka wada hadlayn ficil kale oo laga dareen qaatana aanad ku arkayn.
Baadh arrinahan,
– Shoelance ticknic; Oo ah in taxa kabaha lagu wada hadlo.
– Emogi; Oo ah 26 ka xaraf ee Alaphatic oo sawirro loo beddelay in lagu wada hadlo.

3. Sirdoonka waxa laga dhigaa qof aad u caqli badan oo weli ba la diyaariyay oo fahankiisu sarreeyo, intaana ay u dheer tahay geesinimo, nacasku sirdoon ma noqon karo.

4. Sirdoonku mar wuxuu leeyahay wax kasta oo qof luugu soo istaago lacag magac IWL marna waa nin aan waxba haysan oo laakiin wax la’aantaa ku raad-gadanaya.

WAA MAXAY BASASAAS?
Basaasku waa erey Soomaali badhax-tiran oo muujinaya aqoontii sirdoon ee Soomaalidii hore iyo xeel-dheeraantooda. Waa qof is-cawla si uu dan uu leeyahay u gaadho qorshahaana afka Sirdoonka waxa lagu yidhaa Counter-logic.

FG; Hay’adda Sirdoonka iyo Waaxaheeda iyo shaqooyinka ay qabtaan Hay’aduhu ayaan ku sharxi doonnaa qaybta dambe haddii Alle yidhaa.