Shan xaalo oo nafsi ahaan Aadamuhu wajaho markay caqabadi la kulanto (WQ: Mohamed Shucayb Ahmed “Marty”)

Sanadkii 1969 ayaa Dr. Elisabeth Kubler-Ross waxay daah furtey shan marxaladood oo uu adamuhu maro markay caqabadi soo wajahdo, waxaanay shantaasi xaalo ugu magac dartey sidan.

Denial
Anger
Bargaining
Depression
Acceptance

xaalada kowaad oo lagu sheego miyir waa (shock or Denial stage) ayaa ah xaalad qofka ku noqota diidmo iyo u qaadan waa wixii uu la kulmay, qofku wuxuu si ku meelgaadh ah isu diidsiiya caqabadan soo wajahday waxaana ku adkaata inuu aqbalo dhibkaa soo wajahay, marxaladan wakhtigeedu ma dheera, qofku wuxuu u eeg yahay mid suursan waxaana ku adag aqbalida in isbedel iman karayo, waana ta aan is idhaahdo bulshada soomalida ayaaba u badan marxaladan.

Xaalada Cadhada ( anger stage)

“Waa maxay sababtu ? Maaha mid cadaalad ah!” “Maya! Tan ma aqbali karo!”
Xaaladan qofku waa mid cadhaysan, qofku wuxuu is weydiiya su’alahan aynu sarre ku tilmaanay waxaanu tirsadaa wixii ku dhacay in ula kac ama badheedh loogu geystay waxaanu tirsada, cadaalad darro.
Marxaladan cadhadu waxay timaada marka uu qofku aqoonsado isbedelkii ku dhacay inuu dhab yahay, lakiin se dhibtii soo gaadhay ayuu u meel sameeya si naftu ugu nafisto.

Gorgortanka ( Bargaining stage)

“Kaliya aan u noolaado si aan u arko carruurteyda qalinjabintooda.”; “Wax kasta waan sameyn doonaa haddii aad i siiso waqti dheeraad ah Sanado yar ka dib?”

Tani waa falcelis dabiiciga ah ee dadka dhimanaya. ama xanuunka darani hayo, waana beer laxawaysi ay isku maweeliyaan marka xaladoodu adag tahay Waa isku day in dib loo dhigaa ay adag tahay waase lama huraan .

Marxaladan qofku wuxuu jecel yahay in la siiyo jaanis si uu saxo wixii ku dhacay waxaanu sii dhawada marxalada aqbalada.

Xaalada Murugada ( Depression stage)

“Aad baan u murugeys nahay, Maxaa sababay?”
“Waa maxay dhibkan aan isku dayay?”
Xaaladan qofku waa uu murugeysan yahay waxaanu ku jiraa ciil kaambi, wuxuu isku ciil kaambiyaa wixii dhacay iyo sababtay u dhaceen.

Marka aynu ogaanno in xaalada gorgortanku aanay shaqayn doonin, xaqiiqada isbedelkuna ay timaado. Isla Wakhti xaadirkaana qofku ka warqabo dhibaatada khasaaraha ama isbedelkii soo gaadhay iyo sida loogu bahan yahay in qofku ka socdo waxaa uu tirsanayo.

Tani waxay qofka gelisaa xaalada murugada waxaanu u qaata inaanu waxba bedeli karin, niyad jab iyo hoos u dhacna wuu dareema.

Marxalada Oggolaanshaha ( Acceptance stage)
“Waxay noqon doontaa mid caadi ah.”; “Anigu ma dagaalami karo, si aan u diyaar garoobo.”

Marxaladan qofku wuxuu dareemaa inaan dagaal iyo buuq midna wax isku bedeleyn waxaanay aqbalaan wixii hore u dhacay, waxaanay u soo gudbaan marxaladan aqbalaada.

Marxaladan waxa si dhakhso ah sarre ugu kaca awoodii iyo firfircoonidii qofka, waxaanu qofku dareema inuu wax bedeli karo, waxaana laga yaaba inuu si dhab ah wax uga bedelo qorshayaashiisi nololeed guulo kalena soo hoyn karo.

Haddaba bulshooyinka caalamku waxay ku xisaabtamaan guuldarooyinkooda nololeed waxa sababa, waxaanay qorsheeyaan sidii ay isbedelo kale oo ka duwan wixii ay ku dhaceen ugu guuri lahayeen inagu se waxaynu balaysinaa oo aynu ka dhaqaaqi weynaa halkii la inaga raacay ee aynu ku jabnay, way inagu adag tahay inaynu ka bulsho ahaan soo gaadhno marxalada aqbalada oo aynu hore uga socono dhib ina soo gaadhay.

Rasuulku (scw) waxa uu xadiis inoogu sheegay inaan muminka laba god laga wada qaniinin Taasi oo macnaheedu tahay qofka mar wuu turaan turoon karaa mar kalase waa inuu yaqaana wuxuu ku kufay.

Ugu dambayn bulshadaan ku abtirsado ee somalida waxaan farayaa inay gartaan faa’idada aqbaladada hawl wal oo la galana dareemaan in guul iyo guul daro labadaba laga keeni karo, ragna waa kii kufa ee kacee ay yaqanaan sida loo kaco oo ay ka fogaadan weheshiga ciilka

BY: Mohamed Shucayb Ahmed ( Marty)