Ummaddu ma geydo waxaad la hor taagan tiihiin, Suurtagal maaha in dalka ay ka dhacdo doorasho laba xisbi oo qudha (WQ: Xasan Dhuxul Laabsalaax)

Ummaddu ma geydo waxaad la hor taagan tiihiin!

Suurtagal maaha in dalka ay ka dhacdo doorasho laba xisbi oo qudhi galaan ama ku tartamaan’e.
runta iyo xaqiiqda ha la wajaho.

Wixii dan ummadeed ahina goaan caadifadaysan uma baahna, ee myir iyo caqliyad deggan ayaa xalkeedu ku jiraa .

Maskaxda caafimaadka qabta ee indho reeraysan aan wax ku eegayn, dhego reeraysanna aan wax ku maqlaynnin ma qaadan karto in saddexda xisbi muddo sannad iyo badha ay isku afgaran la’aayihiin laba qodob.

Waase yaab leh haddii xisbiga kulmiye Iyo xisbiga Waddani iyo xisbiga ucid midna muujin kari waayay tanaasul iyo tudhaale.

Ummadda oo dhan ma ma cid kala xukunta oo runta u kala sheegtaa laga waayay?
mee doorkii guurtidu?
mee tallo qabeenkii? mee waayeelkii iyo waxgaradkii? mee aqoonyahankii iyo intii samaha jeclayd ee maalintay adagtahay loo irkan jiray?

Doorasho kala dhiman dalku ku dhismimaayo, dimuqraadiyadeenuna ku dhabboobi mayso!

Gaariye waxaa laga hayaa gacan kaliyii sacab ma tunto.