* Wanaag lagama quustoo samaha, wa la weriyaaye
* Waanadu cid bay wax u tartaa waa la soo godaye
* Aan wax sheego saakana waxyiga waa la tebiyaaye (Beder)
Qallinkani waa waxsheeg guud iyo nasteexooyin gaar ah.
Alle waxa aan ka baryayaa in uu dhego ku intifaaca ku rido, ajarkeedana na wada siiyo.
Nafta Aadmiga waxa iskaga abuuran shahwooyin xumaha u jiidaya, sidaas oo kale daacadda iyo ku adkaysiga jidka toosani waa culays, waa sababta waajibaadka shareecada loogu magacaabay takaaliif, waa wax nafaha caadiga ah ku culus oo adkaysi iyo sabir u baahan, waa sababta uu Rasuulku-scw- u sheegay in naarta lagu dayray shahwooyinka iyo waxyaalaha naftu ay jeceshay, halka jannadana lagu xayndaabay waxyaalaha nafta culayska ku ah ee ay karaahiyeysanayso.
Sababtu waa in la kala sooco qofka hoggaansama ee Alle raaligelintiisa ka hormariya raalli gelinta naftiisa iyo ka hawadiisa nafta u dhiiba ee dayrka naarta daaqsiiya, abaal marinta aakhirana waa natiijada imtixaankaas adduunka inta la joogo lagu jiro.
Rususha Alle soo diray dhammaantood waxa ay dadka ugu yeedhayeen ilaalinta fidrada toosan ee Alle ku abuuray dadka, halka shaydaanku uu mar kasta u taagnaa in uu xoojiyo dhinaca sharka ama shahwadda nafta.
Alle isaga oo tilmaamaya fidrada dhawrsan ee toosan ee uu ku abuuray addoomadiisa ayuu yidhi:
{فأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا ۚ فِطْرَتَ اللَّهِ الَّتِي فَطَرَ النَّاسَ عَلَيْهَا ۚ لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ} الروم: 30
“Ku toosi wejigaaga diinta, adiga oo daacaddiisa ku toosaya, – taasi waa- fidrada/abuurka Alle ku uumay dadka, ma jirto cid beddeli karta abuurka Alle, taasi waa diinta toosan, dadka badankooduse garan maayaan”
Xadiisal qudsi ayuu sidoo kale Alle ku yidhi:
(وإني خلقت عبادي حنفاء كلهم فاجتالتهم الشياطين عن دينهم، وحرمت عليهم ما أحللت لهم، وأمرتهم أن يشركوا بي ما لم أنزل به سلطاناً} رواه مسلم والنسائي عن عياض بن حمار المجاشعي رضي الله عنه.
(Addoomadayda waxa aan abuuray dhammaantood iyaga oo toosan, Shaydaanno ayaa u yimi oo duufsaday, waxa ay ka xaaraantinnimaysay wixii aan u xalaaleeyey, waxa aanay amartay in ay cibaadada cid kale oo aanay xujo u haysan ila wadaajiyaan).
Dadka in toosnaanta lagu ilaaliyo oo xumaanta laga reebaa waa mas’uuliyadda dadka muslixiinta ah ee dariiqii anbiyada ku taagan, waana xilka kuwa dadka samaha ku boorrinaya xumahana ka waaninaya, waxa ay adeegsadaan af iyo gacan hadba ka ay awooddoodu tahay, inse xumaha laga aamusaa iyada oo qalbiga laga diiddan yahay waa darajada iimaanka ugu liidata, iimaanna kama danbeeyo, sida xadiiska Nebiga ee saxeexa ah ku cad:
(من رأى منكم منكرًا، فليغيره بيده، فإن لم يستطع فبلسانه، فإن لم يستطع فبقلبه، وذلك أضعف الإيمان)؛ رواه مسلم عن أبي سعيدٍ الخدري رضي الله عنه
(Midkiin haddii uu munkar/xumo arko gacanta ha ku suuliyo, haddii uu kari waayo afka ha ku beddelo, haddii uu kari waayana qalbigiisa, waana halka iimaanka ugu laciifsan) haddii qofku xumaanta qalbigana ka diidi waayo kaas dhaqdhaq iimaan ahi kuma laabna weeye macnuhu.
Awoodda xumaanta lagu beddeli karo dadku way ku kala duwan yihiin, waalidku awood ayuu u leeyahay xumaha gurigiisa lagu falayo in uu wanaag ku beddelo, qofka madaxda ahi awood ayuu u leeyahay cidda raciyaddiisa ah ee xumaha wadda in uu ka joojiyo, awoodda ugu sareysaana waa awoodda dawladda.
Tusaale ahaan dawladda muslimka ah waxa ku waajib ah in ay dadka salaadda amarto, kuwa xaaraanta karinaya bisha Ramadaan wax ka qabato, dadka sakada ka ururiso oo cidda mutaysatay gaadhsiiso, u fiirso aayaddan:
{الَّذِينَ إِن مَّكَّنَّاهُمْ فِي الْأَرْضِ أَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ وَأَمَرُوا بِالْمَعْرُوفِ وَنَهَوْا عَنِ الْمُنكَرِ وَلِلَّهِ عَاقِبَةُ الْأُمُورِ} 41، الحج.
“Kuwa haddii aannu dhulka maamulkiisa u gacan gelinno, salaadda ooga ee sakada bixiya, ee wanaagga fara ee xumaha reeba, Allena waxa u sugnaatay cidhibta danbe”
Qofka saxnaantiisa caqiido iyo toosnaantiisa cibaado ayaa badbaadisa, ku sugnaanta xaqu waa tawfiiq Alle sababo xoojiyaana way jiraa, sidaas oo kale ka leexashada jidka toosan sababo ayaa jira sii fogaynta qayb ka qaata.
Xumaantu way noocyo badan tahay, waxaana ugu halisaysan dulmiga Alle laga galo, waa xaqiisa oo cid kale la siiyo, xaqiisa waxa ka mid ah cibaadada gaarka uu u leeyahay, awoodda ku tasarufka kawnkan iyo weliba xaqa sharciyeynta.
Cilmigan iyo xuquuqdan waxa laga bartaa Alle kitaabkiisa, sunnada Nebiga –sallallaahu calayhi wassalam iyo dhaxalka cilmi ee culimada Islaamka.
Qofku hadduu albaabada shubuhaadka gargaraaco, oo uu ka iilashada xaqa naftiisa u bilaabo, Ilaahayn wuu u dhamaystiraa,
(فَلَمَّا زَاغُوا أَزَاغَ اللَّهُ قُلُوبَهُمْ ۚ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ) الصف:5
(Kolkay xaq ka leexdeen ayuu Allena quloobtooda leexiyey, Allena ma hanuuniyo qoom faasiqiin ah)
Sidaas oo kale hadduu qofku xaqa celiyo hal mar waxa suuraggal ah in jidka baadida loo ballaqo ka dibna ay adkaato in uu si sahlan uga noqon karaa, waayo qalbiga leexsani ma aqoonsana in uu leexsan yahay, taasina waa caqabad toosiddiisa hortaagan.
Alle waxa aynnu wayddiisanaynaa bishan barakaysan in uu tubta toosan inagu duwo, xaq ina tuso oo inagu sugo.
Fadlan share dheh si looga wada faa’iidaysto ajarkana aad qayb uga noqoto.
Dr-Abdulqani Hussein Beder