Guudmarka Buugga “Thieves of state” ee ay qortay Sarah Chayes (WQ: Axmed Sulaymaan)

Buugga Thieves of state.Tuugta qaramada…ee ay qortay suxufiyadda reer Maraykan ee Sarah Chayes waa buug ka kooban 262 baal iyo 14 cutub soona baxay 2015-kii.

Sarah waxay inta badan waqti ku qaadatay dalka Afghanistan iyadoo halkaas aaday markii Maraykan gulufka geliyay waddankaas iyadoo lagu qaaday weerarkii reer galbeed ay ula baxeen dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, waddankaas ay  ka sheekaynayso waxaa dilaacay budhcad u qaabaysan in ay si alaaliyo siday ku heli karaan dhaqaale ay iyagu iska kaashadaan, waxay ka sheekaynaysaa Karasaayga Afghanistan walaalkii oo Qayuum la yidhaa oo ganacsade ah iyadoo xustay in hay’adda mucaawinada Maraykanka ee USAID ay ka codsadeen isaga iyo walaaladiiba in ay guryo u dhisto, habab kala gedisan oo qaranka hantidiisa loo dhacayay ayay ka sheekaynaysaa sida nin Cabdillaahi la yidhaahdo oo qoraagu sheegtay in loo amaanay kadibna ay kaga tagtay NGO ay lahayd ninkaasi lacag yar oo lagaga tegay waxba looguma iman ayay tidhi markii la is yidhi la xisaabtan waxa uu u soo bandhigay in laba hab xisaabeed jiraan mid ah “Western Accounting” iyo “Afghan Accounting” oo ula kala jeedo midna waa mad madoobe badane ka kalena waa xalaal iftin baa la qashaa.

Axmed Wali ayay sheegaysaa inuu ahaa ninka ugu awooda badan dawladdaas isla mar ahaantaasna ahaa gacantiisa midig isla mar ahaantaasna waxa xoolayn jirtay hay’adda CIA-da, waxay tilmaamaysaa in wershad lagu farsameeyo saabuunta oo ay Oprah maalgelinaysay la gacan bidixeeyay, waxay xusaysaa in badi gargaarka waddankaas loogu talo galay 80% ay leexsadaan qalin shubatadaasi(kleptocrats).

Markii gugii carabtu bilaabmay ayay qoraagu codsatay in ay aaddo dhulalkii markaas uu ka bilaabmay ee waqooyiga Afrika gaar ahaan Tuunisiya iyo Masar oo ay si wacan u taqaanay iyadoo afcarbeedkana wax ka taqaanay, Masar oo kale ayay sheegaysaa in qolyaha Militariga oo dadku aad ay uga haybadaysan jireen ay inta badan dhex cararaan qandaraasyada dawladda, 2011-kii ayay reer galbeedku markale shaaciyeen in Masar ay u dumayso shaqo la’aanta baahsan ee waddankaas ku habsatay intii uu xukunka hayay Mubaarak,Uzbekistan madaxweynaha ayaa leh inta badan dahabka waddankaas isagaana sida uu jecelyahay ka yeela, dadka reer Uzbek waxaa ku adkaatay nolosha mararka qaarna waxay tahli kari waayaan in ay awlaadooda tacliinta ka bixiyaan waxaanay sheegaysaa macalin taariikhda dhigi jiray oo shaqadii uga tegay markii laaluush lagala dhammaan waayay, qoraagu waxay sheegaysaa waddanka Nigeria in ay hayso xanuun ay ka qaadeen khayraadka shiidaalka(Resource Curse) waxaanay sheegaysaa in Boko Haram ay ka samaysantay is daba marinta xoolaha dadweynaha oo si aan sax ahayn loo leexsaday, waxay tusaale u soo qaadnaysaa mashruuc $10milyan ahaa sida cidiba in ugu soo darsanayso marka dambe la dalaco xisaab ku dhaw $25milyan. Waddankaas ayayna sheegaysaa in dadku jecelyihiin in la isula gar tago maxkamadaha islaamiga ah oo aan iyagu laaluush qaadan dadkana si cadaalad ah u kala xukuma.

Waxay qoraagu ku eedaynaysaa wadamada Yemen, Pakistan, Afghanistan oo ay sheegayso in ay lacag badan ku cunaan dagaalka lagula jiro argagixisada.

intaas iyo ino kale oo badanba waxay ku jiraan buugaas.

 

Wasalaam.